“May Allah’s Love Stay In Our Hearts”
“The world of tomorrow will not be a dangerous world if we show each
other more love than today.”
Wajaale, 8- October, 2015 (Hubaal)- Mac’adka Faafinta Islaamka ayaa 150 dhlinyaro ah muxaadio diini ah ugu qabtay DegmadaTog-wajaale ee ku taala xuduudka Somaliland iyo Ethiopia.
Kulan-diimeedkaas oo ka dhacay hotel Geele ee ku yaala Magaalada Tog-wajaale, aya waxa ka soo qayb galay Maamulka Magaalada, Maxada Mac’adka Faafinta Islaamka, culimo awdiin iyo dhalinyarda xaflada loo qabtay.
Waxaa halkaas ka hadlay Isuduwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Degmada Tog-wajaale Sheekh Khadar sheekh Cabdilaahi, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynaayo kulan-diimeedkan “Mac’adka Faafinta Islaamku, waxa uu la shaqeeyaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaanu hayaa shaqadii wasaarada, tan aynu maanta joognaana waxay la mid tahay shaqadaas ay wadaan, waxanan leeyahay in badan ku soo noq-noqda wajaale, markii hore hareeraha ayaad ka dhaafayseene, wanan u mahadnaqayaa Mac’adka Faafinta Islaamka ee hawshan fiican inoo qabtay maanta.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Khadar
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Tog-wajaale Mudane Mursal Nuux Cismaan oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan aad ugu faraxsan yihiin in tiro intaas leeg oo dhalinyaro ah meel la iskugu keento, iyada oo wacdi diini ah loo jeedinaayo “Halkan waxaad k fadhidaan dhalinyaro badan oo ka kala socda xaafadaha Magaalada Tog-wajaale waxaana aad dhegaysanaysaan wacdi diini ah, markaas waxaan idin leeyahay sida aad u dhagaysanaysaan ugu camal fala oo diinta borashada diinta xooga saara.” Sidaas waxaa yidhi Guddoomiye Mursal.
Ugu dambayntii waxaa halkaas muxaadiro dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Sheekh Xasan Qorane Xaaji Cali oo ka tirsan culimada Mac’adka Faafinta Islaamka, waxaanu sheekhu dar-daaran kala duwan siiyay dhalinyaradii halkaas ka soo qayb gashay oo uu ku baraarjiyay inay barashada, fahanka saxda ah xooga saaraan sidii ay u fahmi lahayeen “Diinta islaamku ma qabto in gaalka la dilo, diinteena suubani ma qabto in la is-qarxiyo, waayo waxaad arkaysaa meel la isku qarxiyay oo intaas oo umad ah lagu dilay, taasina ma banaanaa sababtoo ah ilahay nafta binu adamka ah waa ilaaliyay in sharaf dhac lagu sameeyo ma ogalaa iska dhaaf in dhiigeeda la daadiyee.” Sidaas waxa yidhi Sheeh Qorane, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku ladhay “ Diinteenu waxay qabtaa in nafta lala jahaado oo shahwadaha ay raacayso laga reebo, taasina waxay u baahan tahay dadaal xoogan oo nafta lagula jahaado, markaas waxaan naftayda iyo naftiina u soo jeedinayaa inaynu nafta xakamayno oo dhal-dhalaalka aduunyo raacideeda aynu ka hor-istaagno oo barashada iyo fahanka diinteena xooga saarno.”
Hassan Cumar Hassan
Hargeysa Somaliland
Tel: 00252263-4422841
E-mail: caawiye2003@hotmail.com