Hargeysa(Hubaal)-Machadka xalinta khilaafaadka jaamacadda Hargeysa ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray maalinta nabadda adduunka oo maanta ku began.
Warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexanyahay Aadam Xaaji Cali Axmed oo ah Hormoodka, Machadka Nabada iyo Xalinta Khilafaadka, wuxuu halkudhiga sannadkan ka dhigay inay dadku xaq u leeyihiin inay nabad helaan. Warsaxaafadeedku wuxuu u dhignaa sidan: “21 September ee sanadkani waxa Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilafaadka ee Jamacada Hargaysaa ku biiray ururada kale ee dunida ee u dabaaldagaya maalinta calamiga ah ee Nabada Aduunka. Sanad kasta ilaa 1982 oo ay qaramada midoobay si sharci ah ugu dhawaacday in 21 bisha sagalaad ee sanadkasta loo aqoonsado maalinta Nabada Aduunka, ayaa bulshada calamka, ururada bulshada, jamacadaha, kambaniyada gaarka iyo shaqsiyaad ay cod dheer ku muujiyaan muhiimada ay nabadu u leedahay bulshada aduunka.
Maalintani waa fursad uu qofkastaa kaga qaybgali karo in uu waxqabto si u u dhiirigaliyo nabad kuwada noolaanshaha. Waxaynu u baahan nahay ka qaybgalka nabada ee guurtida, cuqaasha, aqoonyahanka, madax dhaqameedyada , culimada, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada si ay u dhiirigaliyaan ka shaqaynta Nabada, islamarkaana ay aqalkasta gaadho fariinta Nabadu. Maalinta Nabadu ee sanadkan waxay noqonaysaa in wacyigalin balaadhan oo Nabada ah aynu gaadhsiino dadkeena.
Sanadkan Malinta Nabada Aduunku waxay ahmiyad gaara u tahay Somaliland dadkeeda, waayo waxaa jiro qodobo badan oo nabadeena khatar ku haya, sida kala fogaanshaha nolosha ee faqiirka iyo qaniga, ku dagalaanka khayraadka cayiman, sida hawlgalada kambaniyada shidaalka , doorashooyinka soo noqnoqanaya ee aynaan u awaadin, dadka dhaqaale doonka ah ee ka imanaya wadamada jaarka, korodhka heerka shaqo la’aanta, Isticmaalka maandooriyaha qaadka, kaas oo sababay burburka iyo kala maqnaanshaha qoysas badan.
I. Danbiyada abaabulan oo ay ku kacaan Dhalinyar Kooxo kooxo ah
Baryahan dambe waxa ku soo biiray Somaliland Kooxo dhalin yar oo abaabulan oo ku kaca dambiyo ay ka mid yihiin boob hanti, kufsi, dhaawacyo culus oo ay u gaystaan bulshawaynta kala duwan. Arinkani imika waxa uu noqday qayb ka mid dambiyada abaabulan.
II. Korodhka Faraqa U Dhaxeeya Saboolka Iyo Qaniga
Samaysanka dabaqada nolosha ayaa waxay xudun u yihiin kala fogaanshaha fiqiirka iyo taajirka dalkeena. Tani waxay dhalisay in qoysaska qaniga ahi u badkooda u diraan dugsiyada gaarka loo leeyahay si ay u helaan waxbarasho tayo leh marka loo eego kuwa dadwaynaha ka dhaxeeya. Taasi oo yaraysay tayada dugsiyada dawliga ah, keentayna in ardayda saboolka ahi iskuulada ka tagaan, khatarna ku noqdaan nabadadeena. Waxaa batay handadaada hablaha yaryar iyo kufsi wadareedkii oo ay geesanayaan dhalinyaro dayar oon helin jihayntii ay u baahnayeen waxaanay khatargalinayaan nolosha dadka la’dan iyo tan guud ee umad ahaaneed.
Dhinaca kale Baab’a ku dhacay deegaanku waxa uu sababay in dadkii Reermiyaga iyo tuulooyinku ay soo galaan Magaalooyinka waaweyn iyada oo aanay jirin wax adeegii caamka haaa oo u diyaarsan. Waxaana ka dhashay in lagu dagaalamo adeega yar ee magaalooyinka ka jira. Arinkaasi waxa uu ku soo kordhiyay culays nabada magaalooyinka.
III. Soo Noqoshooyinka Doorasho Aynaan Awaadin.
Doorashooyinka ka dhaca dalkeenu waxay khatar ku yihiin nabada iyo xasiloonida dalkeena. Markasta oo ay doorasho dhacdo waxaa jira cabsi guud oo ah in ay sababi karaan khilaaf iyo isku dhacyo toos ah oo wax u dhinta walaaltinimada iyo wada noolaan shaha beelaha reer Somaliland. Sidoo kale markasta dalku ma awoodayo inuu galo doorashooyin sanadkii ama labadii sanaba si dhaqaale iyo siyaasadeedba.
IV. Muhaajiriinta Dhaqaale Doonka Ah Ee Wadama Jaarka Inaga Soo Galaya.
Qulqulka dadka muhaajiriinta ah ee inooga imanaya wadamada jaarku waxay sii kordhiyeen shaqo la’aantii markii horeba dalkeena ka jirtay, waayo waxay buuxiyeen shaqooyinkii hoose ee dadkeenu qaban lahaayeen. Waxay halis ku yihiin amnigeena, waayo waxay si dhibyar ugu biiri karaan tuugta iyo kooxaha argagixisada ah si ay u helaan dhaale. Waxay tani khatar ku tahay jiritaanka dalka iyadoon lahaynin nambarkooda, jinsiyadahooda iyo meelaha ay ka kala yimaadeen,
Shaqo La’aanta Dayarta Jamacadaha.
Heerka shaqo la’aanta ayaa gaadhay abid halkii ugu saraysay dalka, iyadooy ugu waxan tahay korodhka ardayda sanadkasta ka soo baxa jamacada dalka, awooda dhaqalaheena oo aad u yar oo aan shaqo abuuris samayn Karin. Maqnaan shaha siyaasad iyo qorshe shaqo oo lagu hagi karo dayarta jamacada ka soo qalin jabinaysa. Shaqo la’aantan baahsani waxay sababi kartaa in ay noqoto miino ku qaraxda nabadeena.
Mandooriyaha qaadka iyo burburka qoysaska
Mandooriyaha qaadka ayaa khatar badan ku haya bulshadeena, isagoo horseeday burburka iyo kala maqnaanshaha qoysas badan oo ku nool Somaliland. Waxaa aad u batay isku dhaca gudaha ee qoysaska, furniinka iyo dayaca caruurta. Tani waxay sababtay in ay bataan caruurta darbi jiifka ahi ka dib markii walidiintoodu kala tageen. Waxaanay khatar ku yihiin nabada dalkeena marka ay qaan gaadhaan