“Xaglo-Toosiye Waxanu Leenahay Adigaa Soo Baxaye Xaqdarraa Lagugu Duudsiyey…. Madaxweynuhu Wuxuu Goobjoog U Ahaa Goobtii….”
Hargeysa:(Hubaal)-isbahaysiga Musharrixiintii Xisbiga Kulmiye Madaxtinimadiisa u ordayey ee Dibadda ka ahaa shirweynihii dhammaaday ee Golaha Dhexe ee Xisbigu ku doorteen Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee Xisbigaas, ayaa shaaciyey inaanay aqoonsanayn Xubnaha Shirkaasi lagu doortay, waxana ay si weyn u dhaliileen Hannaankii uu shirkaasi u dhacay. Musharrixiintan oo kala ah Wasiirradii hore ee Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Axmed Cabdinuur(kijaandhe)oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa shirkii Xisbigu ku doortay Ku doortay Musharraxa madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ku tilmaamay mid ay hadheeyeen tallaabooyin shuruucda xisbiga Baalmarsani, isla-markaana caddaalada ka baxsanaa. Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ahaana musharrax Madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye Md Maxamed Biixi Yoonis, oo ugu horrayn halkaasi ka Hadlay, ayaa tilmaamay in shirkaasi ahaa mid Qiimaha Somaliland hoos u dhigay, isla-markaana lagu boobay codad uu lahaa musharrax Saleebaan Xaglo-toosiye, “waxanu doonaynaa inaanu idiin sheegno in shirkii Kulmiye ee dhacay aanu u aragno mid xaaraan ah oo sharciyadda ka baxsan, isla-markaana shacbiyaddii Somaliland lagu burburiyey oo dhaawac weyn keenay. Waxad arkayseen in Xaglo-toosiye wixiisii si cad loo boobay oo tiradii la qalday ooh ab ka duwan midka Xeer hoosaadka Xisbiga loogu codeeyey. Iyadoo rag badan oo halkan nala fadhiya Kaadhadhkoodii la koobiyeeyey oo cid gaar ah loogu codeeyey.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirkii hore ee Maaliyadda ahna musharrax Jagada Madaxweynenimo ee Xisbigaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna, ayaa su’aal ka keenay ciidamo xoogan oo maalintii shirka la dhigay Goobtii shirku ka socday, waxana uu yidhi, “ waxad ogaydeen in ciidamo xooggan la geeyey hutelkii shirku ka dhacayey, waxana aan aad isu weydiiyey tolow Axmed siilaanyo miyaanu ahayn kii Geed walba ka lahaa walaalayaal cod na siiya, tolow maxaa dalka kusoo kordhay” Musharrax Samaale oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Waxa shirk aka dhacay iyo cidda soo baxdayba ay ahaayeen wax sii qorshaysnaa, isla-markaana Mawqifkoodu halkiisii yahay, “annagu horaanu usii sheegnay in waxaasi dhici doonaan, Haddii Booskii kali ahaa ee lagu tartamay ee Madaxweyne-ku-xigeenka Caddaalad-darrada ka dhacday aad Goob-joog u ahaydeen maxaad u malaynaysaan inay ta madaxweynaha ka dhici lahayd, ciddii aanu ogayn in loogu dhawaaqi doono, ayuun baa loogu dhawaaqay, Go’aanka soo baxayna go’aan sharci-darro ah baanu u aragnaa oo aan la dooran musharrax madaxweyne iyo ku-xigeen Kulmiye Leeyahay Dhacdadaasina waxba ka beddelimayso mawqifkayagii.” Ayuu yidhi Samaale. Cabdicasiis Samaale waxa uu sheegay in Kaadhadhkoodii la siiyey dad kale, isla-markaana lagu codeeyey, waxana uu yidhi, “Kaadhadhka dad badan oo naga mid ahaa waxa la caddeeyey inay sanaaduuqdii lagu codaynayey galeen annaga oo aan codaynin. Saaxiibkayo Xaglo-toosiye waxanu leenahay adigaa soo baxaye xagdarraa lagugu duudsiyey.Madaxweynuhu wuxuu goobjoog u ahaa goobtii lagu gawracyey Dimuqraaddiyadii iyo xalaalnimadii Xisbiga Kulmiye, waxana ay ina tusaysaa halka madaxda Xisbigu caddaaladdii xisbiga dhigeen.” Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, ahna Musharrax jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye Md Faarax Cilmi Geedoole, ayaa sidan u faalleeyey Goldaloolooyin uu sheegay in shirka Kulmiye Lahaa, “waxa ay ahayd in laba sanduuq la dhigo oo qofku isaga oo aan xishoonayn oo xor ah uu ciddii uu doono ugu rido, halkaas dhac weyn baa ka dhacay waana cambaaraynayaa, Hadalkii Muuse ee uu kusoo koobay Maxamed Biixiyo Cabdicasiis Samaalena waan ka raalligelinayaa Saaxiibkay Kijaandhe. Ninka maanta dadka sheeganayana bal berri halla eego.” Ayuu yidhi Geedoole. Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijandhe)oo ah musharrax Jagada madaxweynaha Xishiga Kulmiye u tartamaya, ayaa sheegay in Somaliland lagu celiyey meel ay hore usoo martay, waxana uu yidhi, “Somaliland waxa ay dib ugu noqotay Raad ay Beri hore ka timi oo kali-talisnimo ahaa. Shirkii Kulmiye wixii ka dhacayna wax la aqbali karo ma ahayn, sidii codka loo qaadayna xeer hoosaadka xisbiga ma waafaqsanayn, Wixii Saleebaan Xaglo-toosiye ku dhacayna waa ka tacsiyadaynaynaa.”. Xubnahani Waxaa ay ugu dembeyn sheegeen in garabkoodu uu markasta u taagan yahay dimuqraadiyadda iyo xuquuqda siyaasiga ah ee xisbiga KULMIYE iyaga oo la magac baxay Garabka isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Xisbiga KULMIYE.