Nin baa waxa laga hayay “hashu maankayga gadee ma maansaarbay liqday” nin kalena waxa laga hayay “rugaheeda moogeey hadana reer galbeed iyo ruushka u gar qaada”. Waxa wax lala yaabo ah ama fajaciso kugu noqota heerka ay marayso slandtu, inaanay waligeed gaadhin ahna halkii ugu darnayd ee ina soo marta intii ay sland aanay la soo noqotay qaranimadeeda, waxaad moodaa inay madaxda dawladda ka raali tahay waxa ka dhacaya ubucda dhulkan aynu sheegano.
Waxa manta ka socda caloosha dalkeena shir weyn oo ka bilaabmay magaaladda Saax-dheer ee gobolka Sool shir lagaga soo hor jeedo qaranimada dalkeena, waxaana shirkaas guudka ilaalinaya oo amnigiisa maamulaya ciidanka liyuu booliska ee kililka shanaad, waxa goobtaas isana ku sugan oo hogaaminaya Cali Khaliif iyo rag la mida oo u dhashay sland. Waxaynu ognahay in wasiirkii hore ee hawlaha guud axmed cabdi xaabsade ee lawada ogaa sidii loo soo dhaweeyay isaga oo Puntland aaminsanaa,oo madaxweynihii hore daahir rayaale ka dhigay oo uu u qaabilay kuna sooryeeyay hanta maguuraan ah oo uu dib u sariftay isla markaana dhistay guri kii uu iibiyay la mid ah ka dhistay magaaladda Jig-jiga ee uu madaxweynaha ka yahay ina Ilay oo waliba aad moodo inuu ku socdo talo tiisa ka weyn oo reeraysan.
Waxa kale oo jirta inta goor ee uu gef iyo gardaro dukqaad nacasnimo ku jirto ka yeelnay.
Waxa hadaba iga su’aal ah madaxdan xukuumadda sland shacbigeeda ku qancinaysaa ma ogin mise sidii cigaal Shiilaad ayey leedahay anaa jab la maagan, waxaynu maqlaynay safarkii u dambeeya ee uu madaxweynuhu fasaxa ugu baxay London inuu inoo sheegay in xadkii sland la wadaagaysay itoobiya la furay oo sidii caadiga ahayd loo kala gooshayo. Dhici weyday taasi oo xageena ayay u soo qulqulaan dad sida xanuuno iyo dawarsi oo ay magaalooyinkii dalku uu la ciirciirayaa, xagoodana in la inagu dhibaateeyo oo cid inoogala hadasha aanay jirin haday noqoto laanta socdaalka oo aad moodo inay shaqadeedii shaqo ka baxsan ay u hayso xukuumadda,waxaa taa ka daran inay joogaan magaaladda hargeysa fannaaniin ka soo jeeda kililka shannaad oo weliba ay wataan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan kuna casuuman yihiin fannaaniintaasi guri guryaha ay u kiraysay fanaaniinta qaran sland, taas oo weliba loo ilaalinayo sida madax dumlam,aasiyadeed oo kale.
Maadaama dawlada Ina Ilay ay inagu hayso hagardaamo cad oo badheedh ah waxaynu markhaati ka wada nahay inay xukuumadda manta xilka haysaa ku faanto waxqabadkeeda iyo inay na tidhaahdo waa markii u horaysay.
Waxaan u sheegayaa oo dhab in labadii madaxweyne ee ka horeeyay madaxweyne Siilanyo ay u soo jeedeen xuduudaheeda iyo waxa kala gudboon siyaasada mandaqada oo ay murmi jireen madaxda adduunka iyo qaramada midoobayba, kuna hal adkaayeen mabaadii’da ay aaminsanaayeen oo ahayd la soo noqoshada qaranimada sland. Waxa markhaati ma doon ah in xukuumadda manta ay dhaafi laadahay madaxweynaha kililka shanaad ee ina Ilay.
Guntii iyo gabogabadii hadalkayga waxaan doonayaa inaan soo qaato tuduc ka mid ah gabay uu abwaan tiriyay oo odhanaya:
Macneeyoo bal muxuu i taray misisterkaan doortay
Qalinkii: Nagiib Muuse Axmed