Madaarka Caasimada muraayada horumarka mise astaan caqiido-xumo (Alla doori Afkana waa yaqaan waan aka agnaane)

0
41

Madaarka Caasimada muraayada horumarka mise astaan caqiido-xumo (Alla doori Afkana waa yaqaan waan aka agnaane)

Madaarka Caasimada muraayada horumarka  mise astaan caqiido-xumo (Alla doori Afkana waa yaqaan waan aka agnaane)

Waxa xaqiiqo ah mudaddii ay jirtay Xukuumadda maanta in wax badan laga qabtay Madaarka Caasimadda dhanka dhismayaasha iyo qalabayntaba, sida ay in badan Xukuumadani sheegtana xigmadu ma’aha dhoola-tus iyo faan keliya, ee waa in Madaarka Caasimadda uu yahay arragtida u horaysa ee cidda inoo timaada ay uga dareen qaadan karto dalka intiisa kale “First Impression” hadaba hadii Madaarka Caasimadda uu noqday muraayadda laga dheehan karo ama u taagan horumarka waddanka, waa maxay sawirka Madaarka Caasimadda uu ka bixinayo Muqadasaadka iyo Caqiidada ay umaddani aamin-san tahay? jawaabta oo sida Cadceeda u cad waxay ka muuqataa oo aad ka aqrisankartaa isla Madaarka Caasimadda.

 

 

neklated-of-towxiid-300x200

Waa Qolka VIP-da ee lagu qaabilo wufuudda caalamiga ah iyo madaxda Qaranka, waa sawirka joogtada ah ee warbaahinta gudaha iyo dibaduba ay baahiyaan habeen iyo maalin, waa ku aadka iyo dhabarka ama background-ka miiska shir-saxaafadeedka wufuuda caalamiga ah iyo madaxda Qaranka markasta oo ay soo dagayaan ama ay dhoofayaan ay warbixinada ka aqriyaan, waa kelimatu-Toowxiidkii “Laa-ilaaha Illa-laah Muxamad Rasuulu-laah” oo hoos gogglan sawirka Madaxweynaha Qaranka oo si heer sare ah loo farshaxameeyay, waa fariin si’aan leex-leex lahayn loogu dirayo waxa loo yaqaano Bulshadda Caalamka “International Community” oo la leeyahay “Haka Walaacina Nagama Dhaba aha’e” kalsoonida umadda oo keliya ayaa lagu kasbanayaa’ye “Just it Seeks Confidence” waxa madaxaaga ku soo degdegaya Eray bixinta Eebe (swt) “Waxay Iimaankoodda ka Dhigteen Gaashaan” (Itaqaduu Aymaanahum Junah)

Kelimatu-Toowxiid, “Laa-ilaaha Illa-laahu Muxamad Rasuulu-laah” waa kelimatul-Xaq, waa kelimatul-Islaam, waa Qur’aan, qoraal ahaan iyo macno ahaanba, qoraal ahaan Alle (swt) wuxuu inagu baray Qur’aanka oo ay kusoo arroortay, macno ahaana Qur’aanka loo yaqaano Qur’aanka Makigga ah oo kala badh Qur’aanka ama sedex meelood meel ah ayaa Alle (swt) inagu barayaa, waa Iimaanka halka ugu saraysa, waa al-baabka Islaamnimadda, waa furaha Janadda, waa kelmadda rummaynteedu ay shaqsiga u suggayso Islaamnimo, waa kelmadda beeninteeda iyo xaqirrideeda ay shaqsiga u suggayso Gaalnimo, waa kelmadda Munaafaqa ka nabad-gelinaysa sharka Muslimiinta, waa kelmadda kala soocda Xaqa iyo Baadilka, kelimatu-Toowxiid waa shacaa’irta Alle ee waaweyn ee cidda weynaysaa ay Alle weynaysay, cidda xaqirtaana ay Alle (swt) xaqirtay, waa kelmada dhabteeda iyo dheel-dheesheedu ay isku xukunka tahay, ehelkeeda oo lagu dheel-dheelo ayuu Alle ku xukumay Gaalnimo ugu danbayntiina waa Raayadda Jihaadka iyo necaybka Gaaladda iyo Munaafiqiinta.

Xigmad Soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Alle Doori Af’kana Waa Yaqaan, Waana Ka Aggnaan’e” Xukuumadda maanta taladda haysa sinaba looguma cudur-daarri karo inay arrintani aqoon-daro ka tahay, mana aha da’dii loogu cudurdaarri lahaa aqoon-daro, xukunka sharciyan ay qaadanayaana waxaynu uga danbay-naynaa Ahlu-Cilmigga, Cilmiga Sharcigga ah uu biyo dhigay ee Dalkeena, xalka ama kafaaro-gudka arrintana waxaynu kusoo koobi karnaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:

  1. In si deg deg ah Kelimatu-Toowxiidka loo saraysiiyo, sawirka madax-weynahana loo hoosaysiiyo “Al-Islaam Yacluu Walaa Yuclaa Calayhi” Islaamku wuu sareeyaa lagamana sareeyo, waa maqaaladdii Rasuulka sala-laahu Calayhi Wasalam maalintii Xunayn.
  2. Maadaama arrintan Madax-weynaha lagu raali-gelinayay isaga oo aan hubo inaanu raali ka ahayn, inuu kala diro Madax-weynuhu Xukuumdan, soona dhiso Xukuumad cusub oo umaddan Diinteeda iyo muqadasaadkeeda ixtiraam uhaysa, ugu yaraan waa hadii Madaxweynuhu aqoon-san yahay saraynta Kalimatul-Xaqa.
  3. In wax-garadka Umaddani ay ka tashadaan xaqiraada joogtada ah ee ku dhacaysa Kelimatu-Toowxiidka si badheedh ah iyo si aan badheedh ahaynba sabab Calankan ay ku xardhan tahay darteed ah, iyadoo ay suurto-gal tahay inay cid kasta u gacan-gasho sida cid aan caqiido ahaan aan Muslim ahayn oo ihaanaysata, tusaalle nool waxa 18kii Mey laga soo weriyay debaal-degyadii ka dhacay dibadaha in Calankii oo kelimatu-Toowxiidkii ku xardhan yahay lagaga tegay meelihii xafladaha loo kiraystay oo ay haystaan dad aan Muslimiin ahayn.

Ugu danbayntii arrintani waxay mugddi gelinaysaa doorka shaqsiyaadka Acmaasha Islaamiga ah kasoo qayb-qaatay ee mansabyada siyaasiga ah doontay, waxaana ka dhalanaysa su’aal odhanaysa: “Danta shaqsiyaadkaas ma dan Dacwad iyo Diin baa mise dan aduunyo keliya? talada la gudboonina waxay tahay inay foojig-naadaan oo Masaajida iyo Cullimadda ay usoo noqdaan, anaga oo ka xun dheg-xumadda kasoo hoyanaysa oo shabahda Ceelal-yadii Reer Caad ee qoomkooda usoo arkay daruurta cadaabta xambaarsan.

Waxaan qormadda kusoo af-meerayaa maqaaladii Rasuulka Sala-laahu Calayhi-wasalam ee ahayd “Alaahuma Inii Abra’u Ilay’ka Mimmaa Sunica Khaalid” Ilaahoow waxaan ka beri-noqanayaa wixii uu sameeyay Khaalid, waa markii uu Rasuulku raddinayay wixii uu u sameeyay si kama’a ah dadkii iimaanka u sheegtay ee uu laayay “Saba’naa Saba’naa” Khaalid Radiya-laahu Canhu, taas oo aan kaga afeefanayo Shubhada ay dadka qaarkii keeni karaan iyagoo Casabiyad u Caadifoonaya.

Allaa Mahadle/Mahadsanidiin

Mustafa Ismaaciil Xaashi
Email Address: Mastar22@hotmail.com
Phone number: 063-4410245.
Hargaysa Somaliland

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here