Madaarka Hargysa Oo La Baaxaa Degaya Marti Sharafta Qurbaha Ka Imanaysa Ee U Socota Arooska Inanta Uu Dhalay Madaxweyne Siilaanyo

0
40

Diyaaradaha Daalo Iyo Juba Air Ways Oo Sadexdii Maalmood Ee U Dambeeyey Hargeysa Kusoo Daabulaya Boqolaal Qurbajoog Ah Oo Lagu Casumay Xaflada Arooska Ina Madaxweyne Siilaanyo + Wasaarada Maaliyada Oo Bixinaysa Kharashaadka Tigidha Dadkaas.

Hargeisa(Hubaal) Mashquul xoogan ayaa laga dareemayaa madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa waxaana Sadexdii Maalmood ee u dambeeyey Diyaaradaha Daalo iyo Juba si xawliya ugu soo daad guraynayeen boqolaal qurba joog ah oo u badan haween kuwaaso lagu marti qaaday kasoo qayb galka Xaflada Arooska gabadha Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo inuu qabsoomo maalmaha soo socda.

Kasokow martiqaadka loo fidiyey qurbajoogta tirada badan inay kasoo qayb galaan xaflada arooska inanta Madaxweynaha waxaa dheer intaasi oo dadka martida ah u dheer in dhamaanba kharashaadka tigidhada iyo Hutelada ay deganaanayaan mudada ay hargeisa ku sugan yihiin oo ku siman sida lafilayo todoba baxa halka qaarkoodna ay joogi doonaan ilaa inta ay ka dhamaanayso Bisha loo yaqaano ”SHAHRUL-CASALKA”.

madaarkaArooska Gabadha Madaxweyne Siilaanyo ayaa kolka loo eego sida loo agaasimay qabanqaabada iyo ka qaybgalka dadyowga laga soo kala Casumay dunida dacaladeeda waxa uu noqon doona inta la og yahay sadex iyo labaatankii sano ee u dambeeyey Arooskii ugu balaadhnaa ee ka dhaca Somaliland iyo Somalia labadaba waxaana dadka usoo joogay ilaa Tooradii Kacaankii Maxamed Siyaad Bare ay ku sifeeyeen in uu xataa ka miisaan iyo kharash badan yahay Arooskii Ina Siyaad Bare oo ku dhawaad kontoneeyo sano haatan kasoo wareegtay.

Xafladan ayaa sidoo kale kulmin doonta fanaaniin tiro badan oo qurba joog iyo qol-qol joogba leh oo xataa ay qayb ka yihiin fanaaniinta Qaranka Jabuuti ee kooxda Heegan.

Walow lamaanahani mid koodna aanay ahayn markii ugu horeysay ee uu guur soo maro hase ahaatee wakhtiga iyo waayaha nasiibka ayaa ah marleyba kuwo kala hoodiyo ayaan badan waxaana Arooskani ka duwanaan doonaa labadii aroos ee hore inanta Madaxweynuhu usoo martay iyo arooskii hore Saygeeda Cusubi usoo maray xiliyadaasi oo Madaxweyne Siilaanyo ahaa Gudoomiye Xisbi halka maanta Lamaanaha Nasiibku ku simay Aabe Madaxweyne ah una suurta geliyey Aroos aan noociisa la arag mudo afartan sano ka badan.

isku soo wada duubo arooska Inanta Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu saamayn ku yeelan doonaa tariikhda sebenkan Casriga ah waxana uu noqon doonaa mid dib usoo Cusboonaysiiya Taariikh duug noqotay iyo Talis ficiladiisi mudo dheer ka hor la hilmaamay.

Xigasho: Qarannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here