Madal Lagu Soo Foolladeeyey Musharraxnimada KULMIYE ee Xoghayaha Guurtida Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
28

Hargeysa (Hubaal) Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay xoghayaha golaha guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane (Cabdilaahi Dheere) oo isagu shaaciyey inuu u tartamayo musharraxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa lagu qabtay huteel Safari ee magaaladda Hargeysa. Munaasibadan ayaa waxa kasoo qayb galay xubno ka tirsan golaha guurtida, hoggaamiye dhaqameedyo, aqoonyahano iyo dadweyne kale oo tiro badan. Madashaas ayaa waxa hadalo ka jeediyey xildhibaanno ka tirsan golaha guurtida, hoggaannada dhaqanka, haween iyo aqoonyahanno, kuwaas oo dhammaantooda sheegay inay soo dhaweynayaan, isla markaana taageersan yihiin musharraxnimada Cabdilaahi Ibraahin Habane (cabdilaahi Dheere). Waxa xidhitaankii munaasibadaasi hadal kooban oo ku saabsan himilooyinkiisa siyaasadeed ka jeediyey musharrax Cabdilaahi Dheere, waxaanu ku bilaabay sidan; vlcsnap-2015-10-26-23h55m09s18“waxaan doonayaa in aan maanta ka hadlo siyaasigu waxaa uu yahay iyo sida uu bulshada uga dhex muuqanayo.s iyaasugu waxaa sida badeecada oo kale, badeecadda marka la iib gaynayo  haddaanad iib geynin badeecad macno kuu taraysa oo suuqa wax ka goynaysa, badeecadaa khasaare ayaad ka gaadhaysaa. Laba arrimood baa laga eegaa; shakhsiyada, aqoonta, sumcada, waayo aragnimada looleeyahay bulshada, ta kale ee laga eegaa waxa weeyaan; waa waxa uu siyaasigu dadka iibiniyo, walaalayaal saddex garashaa la yidhaayoo; garo dadku waxay doonayaan, garo waxaad odhan lahayd, garo waxay kaa sugayaan. Haddii meel biyo looga baahan yahay haraad ka jiro aad arrimo kale la tagto, ood ka sheekayso, markaa maad garan dadku waxay doonayaan. Wuxuu dadka ka iibinayaa siyaasigu waa ballan qaadka, mustaqbalka iyo wixii uu qaban doono taas oo inta badan lagu muujiyo qoraalada xisbiga oo la yidhaa waa barnaamijka xisbiga, waana farriinta loo diro ee loo gudbiyo shacbi weynaha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Sidoo kale waxa laga jawaabaa su’aalaha iyo mashaakilaadka taagan ee ay ku fashilmeen fulinteeda maamulada hore, xalka iyo mustaqbalka ayaa laga odoroosaa ee siyaasad horumarineed, dhaqaale iyo bulshaba, waana taas ta siyaasiga laga doonayaa oo haddii la iib geeyo siyaasi aan suuqii wax ka goynayn, khasaaraa bulshadii kaga imanaya” sidaa ayuu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here