Madal Loogu Duceeyey Suldaan Cusub Oo Caleema-saarkiisu Kulmiyey Marti-sharaf Kala Duwan

0
34

Beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq (Sanbuur) waxa ay Suldaan Guud  Ku Caleemo-saareen Deegaanka BEER oo ka tirsan Gobolka TogdheerIMG_981B86-2F1A17-83D55E-E933F3-BA4115-3B5B32

Beer (Hubaal) – Beesha Ibraahim Sh. Isaxaaq (Sanbuur) oo ka tirsan Beellaha bariga Burco ayaa shalay suldaan guud oo ay yeelan doonaan maalintii shalay ugu doortay deegaanka Beer oo katirsan degmada Burco. Madal si weyn loo abaabulay, ayaa beeshu suldaan guud ugu cumaamadday Suldaan sheikh Yuusuf Cabdi Cawad ah caalim xagga diinta ah oo gobolka Togdheer caan ka ah, waxana caleemo-saarkiisa kasoo qaybgalay boqolaal qof oo iskugu jira jira siyaasiyiin, cuqaal, Salaadiin, Xildhibaanno, waxgarad iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, kuwaas oo iskaga kala yimi deeggaannada kala duwan ee Soomaalidu degto. Xubno kamid ah beesha suldaanka caleemo saartay ee Ibraahim Sheekh Isaxaaq(sanbuur)oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay beel ahaan si midaysan iskugu raaceen caleemo-saarka suldaan, waxana ay muujiyeen inuu yahay shakhsi looga maarmi waayey inuu xagga dhaqanka ka  hoggaamiyo Beesha. Qoorweynta beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq ee suldaanka cusub cumaamadday, ayaa sheegay inay Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad ku doorteen dhaqan-wanaag, diin, masuulnimo iyo waliba dulqaad uu dheer yahay dad badan, waxana ay sheegeen inuu suldaankani kasoo dhex baxay shirribaad iyo baadhitaan dheer oo beesha dhexdeeda laga sameeyey. Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo iyo waliba guddoomiyaha golaha deegaanka  Burco Maxamed Muraad oo iyaguna  halkaas ka hadlay ayaa suldaanka cusub si habmsi leh ugu soo dhaweeyey madasha dhaqanka, waxana ay ballan ku qaadeen inay la shaqayn doonaan, isla-markaana kala kaashan doonaa arrimaha dhaqanka ee uu haatan kusoo biiray. Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo isaguna madasha raggii ka hadlay kamid ahaa, ayaa duco iyo dardaaran waafi ah suldaanka cusub faraqa ugu shubay, waxana uu ku waaniyey inuu laasimo qoddobada qofka hoggaamiyaha ah looga baahan yahay,“Gacanta furani dadka way kaa kaxaysaa, waxa aad guddoomisana hadal yaan laga daba keenin.”ayuu yidhi suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa suldaanka cusub kula dardaarmay inuu muujiyo sifooyin badan oo wanaagsan oo dadkii madasha ka hadlay uga markhaati kaceen, waxana uu ku adkeeyey inuu midnimada iyo wada-jirka umadda dooratay ilaaliyo. Wasiirrada wasaaradaha Hawlaha guud, gaadiidka iyo Guryeynta, Madaxtooyada, Dhaqanka iyo wacyigelinta iyo waliba saraakiil tiro badan oo halkaas iyaguna ka hadlay, ayaa xusay inay xukuumad ahaan si hufan ula shaqayn doonaan suldaanka cusub, iyagoo soo dhaweeyey hufnaanta iyo midnimada ka muuqatay beesha Ibraahim Sheekh Isaxaaq. Wasiirka madaxtooyada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu aqoon dheeri ah u leh suldaanka cusub ee la doortay, ayaa ku dheeraaday wanaag uu si gaar ah ugu yaqaanno, “waxanu ka markhaati kacaynaa bulshada halkaas isugu timid ee madax dhaqameed gobolada Somaliland ka timid leh iyo kuwa Soomaaliya ka yimid, waxay dhamaantood ka markhaati kaceen inaad doorateen qof ku haboon mansabka iyo xilkaas aad u dhiibateen, qofka masuulka laga dhigo laba jeer ayaa la qiimeeyaa mar sadexaad lama qiimeeyo, marka la caleemo saarayo waxa la qiimeeyaa dadka ka soo qayb galay iyo nooca ay yihiin waxa ay ka turjuntaa qofkaas iyo qiimahiisa, waa munaasibada aynu maanta joogno oo kale” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi. Suldaanka madashaas lagu caano-shubay Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa ballan ku qaaday inuu si hufan oo dhexdhexaadnimo iyo waayeelnimo ku jirto uga shaqayn doono hawsha loo igmaday, waxana uu bulshada ka codsaday inay garab galaan oo ugu duceeyaan. Suldaaan Sheekh Yuusuf, ayaa farriin u diray bahda culimada gobolka ee uu kirsanaa iyo waliba beesha dooratayba, waxana uu yidhi,“Qoladii culimada ahayd ee aan katirsanaa waxan u sheegayaa inaan ka tegin oo halkayagii baan kaga jiraa dacwaddii, qolada madax-dhaqameedka ah ee aan ku biirayna waan u bushaaraynaa, labadaas qolana waan isku wadi doonaa insha allah.” Ugu dambayntii bulshoweyntii madashaas iskugu timi, ayaa si weyn ugu ducaysay Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad inuu ku asturo xilka loo igmaday, waxana waxgaradka kale ee Beesha dooratay ay kula dardaarmeen inay gacan ku siiyaan dhammaanba arrimaha uu gacanta ku hayn doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here