Madasha-wadda tashiga Oo Taageeray Qabashadda Shir Weyne Qaran

0
71

Hargeysa, (Hubaal)-Madasha wadatashiga iyo Asxaabta Mucaaradka ayaa yeeshay kulan ay kaga wada hadlayaan waxa laga yeelayo Muddo kordhinta Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo wakiilada loo sameeyay ee ah hal sanno iyo 10-ka bilood, waxaanay isla garteen in Mucaaradku fidiyo gogol wadatashi oo qaybaha bulshada la isugu yeedho si arrimaha dalka looga wada hadlo.

madasha

Kulanka waxaa ugu horren faahfaahin ka bixiyay Mujaahid Cali Guray wuxuuna yidhi “Waxaan halkan u nimi inaan Madasha wadatashiga u gudbiyo Farriin aan uga sido Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ah inaanu hormuud ka noqono oo fidino gogosha Shir wadatashi qaran ah oo lagu soo dhisayo dawlad dalka gaadhsiisa doorasho, dawlad markaan ku leeyahay Xukumad uun maaha ee macaal guurti ayaa ku jirta “ ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid Cali Guray, waxaanu Cali Guray hadalkiisii sii raaciyay “Waxay noqotay la isku joojin maayo, waxay noqotay shan farood iyo calaacal baan ku talinayaa, waxay noqotay sidaan doono ayaan yeelayaa. Cashuurtii laga qaadayay dadka masaakiinta ah ayaa shalay codaynaysay, waxa gacmaha taagayay dad ma ahayn ee Lacag bay ahayd, kuwii Saxaafadda ku arkayseen ee lahaa muddo kordhinta ayaanu taageersanahay Lacag baa ka hadlinaysa, Lacagtuna waa tii umadda laga qaaday, markaa anagu gogosha waanu bixinaynaa waxaanu filaynaa in bilawga shirku noqdo bishan May”.

Dhinaca kalena Xasan Ciise, oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujiyay muddo kordhinta Guurtida oo uu ku tilmaamay mid aan looga fadhiyin Mudaneyaasha guurtida “Waxaynu galay wakhti cidhiidhi ah oo Sharcigii wakhtigoo loo doortay Xukumaddan ay ka hadhsan tahay bil iyo laba todobaad. Waxay ahayd in Xukumaddu umadda u dhigto nidaam ay kala tashatay Xisbiyada iyo waxgaradka umadda oo la isla eegay oo lagu kalsoon yahay oo umaddu ku qanacsan tahay. Halkaas waxaa ka muuqanaysa in Xukumaddu hawsheeda gabtay. Marka Xukumaddu hawsheeda gabto waddanku wuu inaga dhexeeyaaye waa in inteena kale wax is waydiinaa waana in Xisbiyada Mucaaradka ah ee Sharciga ahi arrintaas hormood ka noqdaan,” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.

Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Guurtidu waxay kordhisay wakhti aan laga filayn oo aan looga fadhiyin oo dad badan oo inaga mid ahi xisaabtaba aanay ku darsan.haddii korodhsiimo lama huraan noqoto waxaa la filayay in wakhtigii Komishanka doorashooyinku cayimay lagu saleeyo. Waxay kordhiyeen wakhti laban laab ku dhaw intii Komishanku cayimay oo aan wax sabab ah oo Dastuuri ah  oo ay cayimeen oo ay dadka u sheegeena ma jiro, markaas arrintaasi arrin argagax dad badan ku abuurtay bay noqotay, arrin aan loo baahnayn ayay ahayd.

“Waxaanu markaa soo jeedinaynaa in Xisbiyada Mucaaradku gogol umadda u fidiyaan anaguna aanu ku taageerno, oo lagu wada tashado oo waxyaabo badan oo aasaasi ah oo Xukumaddani gabtay la is waydiiyo” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise.

Mudane Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in doorashadii 2012-ka ee goleyaasha degaanku Somaliland galisay khatar isna walaac badan ku abuurtay. Waxa uu sheegay in Xukumadda ku fashilantay doorasho degaan aan lagu aamini Karin Doorashada wakiilada iyo Madaxtooyada, waxaanu ku baaqay in arrintaasi talo laga yeesho.

Madasha wadatashiga iyo Asxaabta Mucaaradka, ayaa shalay yeeshay kulan ay kaga wada hadlayaan waxa laga yeelayo muddo kordhinta Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo wakiilada loo sameeyay ee ah hal sanno iyo 10-ka bilood, waxaanay isla garteen in Mucaaradku fidiyo gogol wadatashi oo qaybaha bulshada la isugu yeedho si arrimaha dalka looga wada hadlo.

Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ayaa diidmo xooggan ka muujiyay muddo kordhinta Xukumadda halka Xukumadda iyo Xisbigeedu ku soo dhaweeyeen gacmo furan iyo farxad.

Sidoo kale waxaa madasha hadal ka jeediyay Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah masuuliyiinta madasha iyo wada-tashiga, wuxuuna golaha guurtida ku tilmaamay kuwo ku jira xaalad wax ururis ah ““Midbaan guurtida odhanayaa, oo guurtida wax loo aas-aasay inay khilaafaadka iyadu dambiso oo dalka nabadgalyo ku soo dabaasho, oo meeshii dhibaato ka jirto ka gurmato oo nabad ku soo xasiliso, waa aas-aaskii loo dhigay guurtida. Guurta waxaa mooda in markii la soo galay dalka ay ku ceeshtay wax ururis iyo dhibaatooyinka, waxa sannad kasta marka waqtigeedii la soo gaadho doorashadda, dawlad xilkeedii ka soo bixi wayday ayay yidhaahdaan haanu u kordhinno”ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here