Hargeysa (Hubaal)- Xiisad muran dhul ka taagan oo duleedka Galbeed ee Xaafadda Masalaha Hargeysa, ayaa khilaafkaasi labada dhinac u dhexeeya 25-Jirsaday , kaasi oo ah Beer duleedka deegaanka Masalaha ku taala ee Galbeedka magaaladda Hargeysa ku taala.
Muran dhuleedkan 25 Jirsadday oo u dhaxeeya laba reer oo kala ah Sheekh Cali Xood iyo Sheekh Aw Cumar, kuwaasi oo mudo dheer ku muransanaa lahaanshaha Mulkiyadda Beertaasi ay isku hayaan, waxaana halkaasi ka dhacay shaqaaqo laba Askari oo Ciidanka Bileyska ka tirsan Rasaas lagu dhaawacay iyo 5 dabley dhinacyada isku haya ka tirsan oo Xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay Ciidanka isku dhaceen, waxaana arintaasi ka hadlay sida ay wax u dhaceen iyo waxa laysku hayaa nooca uu yahay mid ka mid ah dhinacyada labadda reer ee Ood wadaagta ah ee dhulkaasi ku maran san oo warbaahinta la hadlay.
Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Qoyska ka mid ah labadda reer ee dhulkaasi ku maransan mudada 25-ka sanno ah oo Madaxweynaha, Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Badhsaabka Maroodi Jeex baaq u diray waxay yidhaahdeen “Waxaanu dooneynay oo ku saabsan yahay shirkan Jaraa’id in aan kaga hadalo dhacdadii shalay ka dhacday Masalaha Galbeed oo ku saabsaneyd muran dhul oo u dhaxeeyey dad walaalo ah oo Jaar ah oo halka shalay rebshad ayaa ka dhacday oo haddii aanu nahay odayaashii iyo Xigtadii waxa kale oo aanu ka xunahay waxa kale oo aanu aad uga xunahay Ciidanka Booliska oo runtii aan u arko inay yihiin Ciidan dhib mooye aan dheef inagu qabin waan ka xunahay inay dhibaato soo gaadho Ciidankeena inoo adeega iyaga ayuumbaynu ina kala hor jooga ee beri hore ayeynu is cuni la heyn oo cidina cid kama adkee maalinba mid ayaa la diiranlahaa oo la dubanlahaa , laakiin intii inaga inagu kala dhici laheyd ayuumba Ciidankeeni ku dhacday ,marka inta laga yimaado waxa uu Shirkan Jaraa’id ku saabsan yahay fariin aanu u dirayno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) , Wasiirka Arimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde , Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Maxamed Jeeni Yare iyo dadka Caqliga u saaxiibka ah ee guud ahaan reer Somaliland gaar ahaana reer Hargeysa”
Ninkaasi oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Fariinta aanu halkan ka diraynaa waxa weeye meesha dhul iyo Baloodho laysku haysto ma jiro oo ku taala halkaasi oo waxaad arkeysa in warbaahintu si qaldan wararka u baahinayaan oo Meesha Baloodho layskuma hayaan ee waxa laysku hayaa waa deegaan iyo Beero oo waad leedahay beerta iyo ma lihid Beerta ayaa laysku hayaa oo Sheeekh Cali Xood waad arkeysaan oo waa nin dadiisu gaadhay 90 Jir oo waa ninkii meesha lahaa , waxaanay ishayaan waa ina sheikh Cumar oo marka ila Sheekh Cumar iyo Ilma Xood ayaa ishaysta oo cid kale oo ishaysata ma jirto ee inteena kale in aynu dhex u noqono ayuumba masuuliyadeenu tahay oo Oday Aw Cali waxay saaxiib ahaayeen Aw Cumar oo iyaga ayaa isku xer iyo isku awliyaba ahaa oo iyaga ayaa khalaawadda iyo Digriga inoo wada hayey labadooduba xaga midi leeyahay ayuumbu ka kalana leeyahay in loo ixtiraamo sidaasi oo kale”
Waxa uu inta ku daray ninkaasi “Ninka halka soo fadhiya waa Mujaahid Baashe Cabdi Xood markii 3aad daagaalkii SNM ayuu markii Saddexaad dhaawicii gaadhay ku naafoobay oo lug iyo gacanba isagu ma side la daba sida sida idiin muuqata oo wuu garanayaa madaxweynaheenu oo raggii uu Diridhaba u diray ayuu ahaa Madaxweynuhu oo saddex Bilood ayuu Koomo ku jiray, ninkan kale waad arkeysaan oo waa Dayib Cabdi Xood isna waa naafadii SNM ee dagaalkii Habaas weyn ku dhaawacmay , ninka rebshaddii shalay ku luglahaa waa Muj; Jaamac Cabdixood oo dabacadde ku magac dheer Madaxweynaheena iyo rageena maanta Ciidamadda haysta way garanayaan cidu ahaa saddex jeer isaga oo gaadhi SNM-tii ah wata oo mar kasta ku dhaawacmay”
Oday Cawil Xirsi oo isna ka mid ah dadkaasi shalay Shirka Jaraa’id kaga hadlaayey shaqaaqadii ka dhacday Galbeedka Xaafadda Masalaha ee magaaladda Hargeysa waxaanu yidhi “Qodobka 1aad wax imika uun hadalkeedu soo baxdo maaha ee waxay beer aheyd 1950-kii oo ninkii Meesha degay uu ahaa Aw Cali Cabdi Xood iyo walaalkii oo meeshu waa meesha taariikhdeedu inta jirtay oo mudo 25-sanno ahna waa laysku hayey , waxaanu mark aka codsaneynaa Madaxweynaha, Wasiirka Arimaha Gudddaha, Badhsaabka iyo cid kasta oo ay khuseyso arinta 25-ka sanno dhali weyday hadii ay idin soo gaadho madaxweyne way midho dhali laheyd ee meel dhexe ayaa lagu eedaadinaayey , waxaanu leenahay arinta 25-ka sanno la leexinaayey nafadda halka fadh fadhida awood ay kugu soo gaadho iyo dariiq ay ku soo marto ayey garan wayday, cida socon karaysa iyo cida ku iman kareysa ayuumba wexeedu ku imanayaa , waxaanu madaxweyne jecelahay oo maanta ka codsaneynaa Dulmi in aad siiso dooni meyno ee waxaanu dooneyno in aad guddi xaq wax ku eegto oo cadaalad ah arinta u dirto”