Madax-dhaqameed Raalli-gelin & Xaal Ka Bixiyey Hadal Suldaanka Somaliland Ku Duray Guddoomiyaha KULMIYE

0
46

“Waxaannu Leennahay Mujaahidka  KULMIYE, Abti Illaahay Nabar Gar-darro Ha Kaaga Dhigo Hadalkii Meel-ka-dhaca Ahaa Ee Suld. Maxamed Cabdiqaadir Kugu Yidhi Oo aha Mid Aanaan raalli Ka ahayn Oo Isaga Ku Kooban”-  Caaqil Xuseen Cali Waraabe

Hargeysa (Hubaal)- Saddex caaqil oo kamid ah cuqaasha beelaha Ciidagale ayaa naqdiyey hadallo kasoo yeedhay suldaanka guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir suldaan Cabdillaahi, kaasi oo duray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Xubnahan oo ah guddida kumeel gaadhka ah ee horumarinta beellaha Ciidagale ayaa guddoomiyaha ka raalli geliyey hadalladaas oo ay sheegeen in uu yahay midh qadaf ku ah guddoomiyaha oo aan qaban iyaga oo dhinaca kale digniinno hawada u mariyey suldaanka.   “Annaga oo ah guddidii ku meel gaadhka ahayd ee beellaha ciidagale, halkan waxanu ku qabanaynaa  war-saxaafadeed ku saabsan hadalkii qadafka ahaa ee suldaan Maxamed Cabdiqaadir  uu ka sheegay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. odayaalwaxaanu leenahay oo aanu guddoomiyaha iyo xisbiga KULMIYEba u sheegaynaa in Abti [Muuse Biixiyow] aan xaal kaa siinayno hadalkii meel ka dhaca ahaa ee Suldaan Maxamed Cabdiqaadir kugu yidhi, runtii kuma uu qabanayn hadalkaasi, kulamana soconno, raallina kama nihin, illaahayna SWT nabar gar-darro ha kaaga dhigo” sidaa waxaa yidhi Caaqil Xuseen Xasan Cali Waraabe  oo sheegay in uu yahay Guddoomiyaha guddida kumeel gaadhka ah ee horumarinta beellaha ciidagale, ee lagu soo doortay shirkii ducada ahaa ee Halleeya lagu qabtay, waxaana uu intaa ku daray  isaga oo Suldaan Maxamed La hadlaya “Suldaanka waxaan leeyahay haddii wax aanaan Mandate kuu siin aad mar walba warbaahinta lasoo taagan tahay sidaas suldaan noogu noqon maysid ee ogow, runtiina haddii aad dhaqankan wax ka beddeli waydo oo aad beesha afkeeda ku hadasho waanu kaa tashan doonnaa oo sidaas kugu eegan mayno. Muuse Biixina waxaan mar labaad leeyahay oo aan ku celinayaa abti xaal qaado arrinkaas foosha xun kulama soconno suldaanka. Adiguna xaq baad u leedahay [in aad musharrax u noqoto xisbiga] waayo mujaahid weyn baad tahay, waad u soo halgantay xisbiga, cidda kula tartamaysa maantana nin kaaga xaq lihi ma jiro” ayuu hadalkiisa ku xidhay Caaqil Xuseen cali Waraabe. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay  Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen oo ah guddoomiye ku xigeenka guddidaas waxaanu yidhi “waxaan halkan xaal buure ah ka siinaynaa mujaahidka iyo musharraxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, waxaan leenahay abti ka raalli ahaw hadalkaas suldaanka oo ahaa midh aan raalli laga ahayn oo keligii ku kooban, runtiina mar walba cidda uu suldaanku danaynayo  ayuu jeebbadiisa eegaa oo uu hadal kasoo tuuraa. Waxaana aanu ku leennahay Muusoow Ciidagale raalli kama aha oo waanu ka xunnahay, waana tii ciidagale oo dhami taageerada weyn kugu siiyey ee xubnaha golaha dhexe ee Ciidagale oo dhan ugu jira KULMIYe ay hadhka cad taageerada badan muujiyey, taageeradaas iyo hiilkaas laguu muujiyey baanu annagu kula garab joognaa oo sidaas baanu abti kugu jecelnahay ee xaal qaado” ayuu yidhi Caaqil Xasan Ibraahim Xasan, waxaana uu intaa ku daray isaga oo Suldaanka Beelaha Somaliland la hadlaya “Suldaan guud baan ahay iyo aflegaadada aad madaxda Somaliland u geysanaysaa isma laha oo waa kala gaar  ee dhaqankan wax ka bedel”. Gebogabadii waxaa isaguna shirkaas jaraa’id ka hadlay  afhayeenka guddida caaqil Khadar Maxamed Axmed , waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “ waxaanu leenahay hadalkii uu suldaan Maxamed dorraad [Axadii] yidhi ee uu lahaa Askari baa nasoo daashaday  ee mar dambe askari dooran mayno oo ma rabno, arrintaas xaal iyo raalli-gelin [apologize] boqolkiiba boqol ah baanu ka bixinaynaa, run ahaanna hadalkaasi Abti Muuse Biixi Cabdiyow midh ku qabta maaha, midh Somaliland qabtana maaha, midh annaga beel ahaan na qabtana maaha ee ka raalli noqo” ayuu yidhi afhayeenku. Hadalkan raalligelinta ah ee madax dhaqameedka  Ciidagale ayaa daba socday dhawaaq Axaddii lasoo dhaafay kasoo yeedhay suldaanka guud ee beellaha somalialnd Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi, kaasi oo uu ugu duur xulayay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. Hadalkaas oo suldaanku jeediyey madal uu wasiirka arrimaha dibeda Somaliland ahna Musharrax ay guddoomiyaha xisbiga ku wada loollamayaan doorashada shirka golaha dhexe ku shaaciyey hankiisa musharraxnimo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here