“Afarrey Yar Oo Nin Tiriyey Baa Waxay U Egtahay Maanta Inay Xirsi Haysato, Waxay Odhanaysaa, “Haddaad Gabay Muhato Meel Fog Baa Lagu Maqiiqaaye, Muska Gurigaaga Lama Soo Gasho Iyo Mudanahaagii”
Hargeysa (Hubaal)- Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, salaadiinta iyo aqoonyahannada ka soo jeeda gobollada Saaxil iyo Maroodijeex ayaa maalintii shalay si adag uga haday isla markaana naqdiyey buuga buuqa badan dhaliyey ee uu qoray hoggaamiyaha xisbiga WADDANi Xirsi Cali Xaaji Xasan kaasi oo cutubtyo kamid ahi xambaarsan yihiin weedho uu wax kaga sheegay shakhsiyadii hoggaaminneed iyo xusuustii madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo iyo dabcan kaalintii qoyskiisu ku lahaayeen talada. WAxgaradkan oo shalay warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa waxaa ay sheegeen in ay qadaf iyo meel ka dhac tahay in Xirsi uu wax ka sheego madaxweynihii hore iyo qoyskiisii oo dabcan ay ku tilmaameen inay sabab u ahaayeen in uu magac iyo mansab ku dhex yeesho guud ahaan reer Somaliland gaar ahaanna saaxadda siyaasadda, iyaga oo odayaashani hoosta ka xariiqay in ay aad uga xun yihiin hadallo ay sheegeen inaanay u bogin oo Xirsi uu ku qoray buugiisa Miyiga illaa Madaxtooyada kuwaas oo wax ka sheegaya madaxweynihii hore iyo marwadiisii.
Ugu horeyn Siyaasi/Oday Cabdi Maraykan oo kamid ahaa haldoorkii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “shirkan jaraaid waxaanu u qabanay inaanu wax ka nidhaahno hadal beryahaaba socday oo gef iyo meel ka dhac ku ahaa qoyskii madaxtooyada dhawan ka tagay ee xilka wareejiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo marwadiisa qaaliga ah ee Aamina Sh. Maxamed Jirde. Hadalkaas oo nimaan laga filaynini ku duray qoyska, kaasi oo ahaa ninkii barbaarintiisa iyo daadahayntiisa uu lahaa Madaxweyne Axmed Maxamuud isagoo xilal qaali ahna ku taxay, isaga oo mar ka dhigay xubintii komishanka uga wakiilka ahayd KULMIYE, marna xil adag oo dadku ay ka qayliyeen u dhiibay oo ahaa Chief of cabinet, kaasi ooa wood xoogan ku lahaa xukuumadda, markii dambana waxaa loo dhiibay wasiirka madaxtooyada oo uu muddo joogay iskiina uu uga tagay ”. Sidaasi ayuu yidhi oday cabdi maraykan, waxana uu intaa ku ladhay “lagama filayn Xirsi inuu aflegaadeeyo ama sharaftiisa wax u dhimo ama meel kaga dhaco ninkii soo barbaariyey ee saaxadda siyaasadda keenay . halka uu ka leeyahay Miyi Illaa madaxtooyo dee madaxtooyada muu joogin ee waxaa keenay Axmed Siilaanyo”.
Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno kale oo madaxda dhaqanka ee Saaxil iyo maroodi jeex ah kuwaasi oo si isku mid ah iskaga daba maray naqdinta buuga xirsi iyo hadallada ka dhanka ah qoyska madaxweynihii hore eek u duugan dhiganahaas. Hadallada ay odayaashani madasha ka jeediyeeen waxaa kamid ahaa hadalkan oo nin oday ahi ku tiraabay “Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa madaxweyne karaamo iyo sharaf iyo qadarin ay bulshada Somaliland oodhami u hayso, buugaas uu qorayna ninkaa xirsi la yidhaahdaa isaga uun baa ku sharaf dhacay, saaxadii siyaasaddana wuu kaga baxay, annaguna waxaanu leennahay waxba maad yeelin madaxweynihi hore adigaase wax is yeelay…..afarrey yar oo nin tiriyey baa waxay u egtahay maanta inay xirsi Haysato, afarreydaasi waxay odhanaysaa, “Haddaad gabay muhato meel fog baa lagu maqiiqaaye, muska gurigaaga lama soo gasho iyo mudanahaagii….haddaad muhatay inaad buug qorto dee inaad muskaagii iyo mudanahaagii kula soo noqoto ceeb baanu leennahay”.
DAAWO: