Madax-dhaqameedka Deegaanka Balli-gubadle Oo Durduro Ku Bogaadiyey Tanaasulkii Madaxweynaha Iyo Taashkii Musharraxiinta KULMIYE

0
30

Hargeysa (Hubaal)-Hormuudka Salaadiinta, cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Gobolka Hawd iyo Degmada A/dhagax, ayaa si weyn u taageeray Mawqifkii geesnimada lahaa ee madaxweyne Siilaanyo kaga tanaasulay inuu mar labaad u tartamo Kursiga madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo sidoo kale hambalyo ballaadhan u diray musharrixiinta jagooyinka madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa loogu doortay xisbiga Kulmiye.

Salaadiinta oo uu hoggaaminayey Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa muujiyey inay taageero kal iyo laab ah u hayaan madaxweynaha Somaliland, isla-markaana aaminsan yihiin inuu yahay Halyey taariikhda Somaliland Baal dahab ah kaga jira oo qaatay Go’aanno aan madaxda Afrikaanka lagu aqoonin.12233130_915973421816400_1065782940_n

Ugu horrayn midka mid ah Cuqaasha Beesha Gobolka Hawd iyo Degmada A/Dhagax oo halkaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ammaanta Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu tilmaamay inuu markale taariikhda meelsare ka galay, “Khudbaddii uu dhawaan madaxweynaha Somaliland jeediyey baanu si weyn usoo dhaweynaynaa, Haddii aanu Madax-dhaqameedka nahay dhaqankaanu hagnaa Siyaasaddan madaxweynaha haga, labadaasina waa isku tiirsan yihiin oo ma kala maarmaan, iyadoo madaxweynuhu ku jiro mudd-kordhin laba sano ah ayaa lagu soo murmayey waa musharrax iyo ma aha, laakiin maalintii dhaweyd ma sharraxni buu yidhi, Waana hadallo iyo go’aano aan madaxda Afrikaanka ah lagu aqoonin. Maalintii uu doorashada helay dadku waxa ay si weyn u majeeranayeen sidii uu Daahir Rayaale u wareejiyey madaxtinimadii, waxase kasii daran Go’aankii madaxweyne siilaanyo ee uu dhawaan isagoo xilka haya uu sheegay inaanu musharrax  ahayn. Go’aankaas si xoog ah baanu u taageeraynaa, waana tallaabo ku-dayasho mudan oo taariikhi ah.” Ayuu yidhi mid kamid ah Cuqaasha Beesha Deegaanada Hawd iyo Degmada A/dhagax.

caaqil siciid Cabdi jaamac oo isaguna cuqaashii halkaasi ka Hadashay kamid ahaa madaxweynaha iyo Musharrixiinta Xisbigu shirweynihiisii Golaha dhexe kusoo doortayba ammaan iyo duco ballaadhan dusha ka huwiyey, waxana uu yidhi, “Madaxweynuhu hore taariikh weyn buu u lahaa, haddana waxa uu sameeyey mid kasii culus oo lama filaan ah, waana gobonimo uu qaatay. Sidoo kale labada musharrax ee Xisbigu doortay si weyn baanu u hambalyeynaynaa guulna waa u rajaynaynaa  waana garab taaganahay.”

Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo isaguna kamid ah Salaadiinta Miisaanka kudhex leh Beeshaas ayaa halkaasi ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya, waxana uu madaxweynaha ka codsaday inuu taladiisa la garab joogo Cidkasta oo kursiga dabadii timaadda, “ujeeddadayadu waa hambalyo uu madaxweynuhu mudan yahay, waxa uu hore usoo galay waa la yaqaan, waxa uu hadda sameeyeyna markhaati baynu ka nahay, waxana aan leeyahay madaxweyne marka  intani kaa dhammaato dalkaaga waxad ku mari doontaa adigoo bakoorad sita, waayo cidna godob kama aad gelin, waad asiibtay go’aanka aad qaadatay  waxana aanu kaa codsanaynaa in cidii kursiga aad ka degayso ilaahay u qadarro aad taladaada la garab joogto.” Ayuu yidhi Suldaan Barre Xaaji Xuseen.

Waxa uu suldaanku si weyn ula dardaarmay Labada musharrax ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, waxana uu ku adkeeyey inay muhiimad gaar ah siiyaan sidii ay Xisbiga ugu soo celin lahaayeen Xubnaha miisaanka leh ee Wali dibadda ku maqan, waxana uu yidhi,

“Labada musharrax ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici si weyn baanu u hambalyeynaynaa, waxana aan odayaasha  rukumada ahaa ee Kulmiye ka maqan kula dardaarayaa inay raganimadoodii iyo dedaalkoodii halkii kasii wadaan oo aydaan cadho yar aydaan la fogaan, Nin walowba xisbiga kusoo noqo meeshii aad sharafta ku lahaydna waa Xisbiga Kulmiye’e kusoo noqda. Muuse Biixi iyo Saylicina waxan leeyahay sida ugu wanaagsan ee sharafta mudan waa inaydaan kusoo celisaan oo aydaan kaga hadhin nimankaas cadhada inagaga maqan wax kasta oo ay idinku qaadanayso, waayo ma aha niman aynu ka maarmi karno, ka daba taga oo soo ladqabeeya haddii ay diidaanna iyagaa og.”

Aqooon yahan, Dhallinyaro iyoCuqaal kale oo uu kamid ahaa Caaqil Cumar Maxamed Yaasiin oo halkaaasi ka Hadlay, ayaa si weyn u taageeray Musharrixiinta loo doortay Xisbiga Kulmiye iyo Waliba Go’aanka Madaxweynuhu kaga tanaasulay u tartamidda Kursiga uu haatan ku fadhiyo markiisii labaad, waxana ay caddeeyeen inay yihiin taageerayaal Xisbiga Kulmiye sidii ay horeba u ahaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here