Hargeysa (Hubaal)- Salaadiinta waqooyiga iyo galbeedka Somaliland ayaa si mug leh u taageeray maalgalinta dekadda caalamiga ah ee Berbera, waxaana ay sheegeen inay muhiim tahay in dekadda Berbera la maalgashaddo. Odayaashan iyo cuqaashan oo kala ahaa, Suldaan Xuseen ismaaciil Geelle, Suldaan jaamac, Ugaas Xawaareeye, Suldaan Xasan Xiis Bare, Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xoore, Jiif Caaqil Aadan Cabdilaahi oo dhamaantood ka soo jeeda waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa (Sacad Muuse), oo shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay si weyn u taageersan yihiin balaadhinta iyo samaynta dekadda cusub ee Berbera laga hirgalinayo, waxaanay ku baaqeen shakhsiyaadka ka soo horjeedda inay cagta u dhigaan horumarka dekadda Berbera nasiibka u heshay.
Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle oo ka mid ahaa madax dhaqameedka soo dhoweeyey maalgalinta dekadda Berbera ayaa yidhi “haddii aanu nahay beesha Habar awal, gaar ahaan Sacad Muuse, waxaanu taageersanahay maalgalinta dekadda Berbera, mashruucan waa mid gobonimo ee yaan la iska hor taagin, qof qof diidan yaanu galaafay mashruucan, dekadda Berbera umada Somaliland ayaa wada leh, waa la inoo balaadhinayaa ee waa in dadku wax fahmo, qofkii imika danno yar ka lahaa dekadda way uga sii balaadhanaysa marka la hirgaliyo mashruucan oo wax ka badan ayey ka heli doonaan, waana mashruuc balaadhan, waxaan leeyahay waar dalka intaas oo mashruuc oo la keeni lahaa oo dekada Berbera oo aynu is hor taagnay oo markii dambe ka qoomamaynay ayaa badnaa waar yeynaan baritoole ka qoomamayn, anagoo ka wakiil ah oo madax dhaqamedkii habar awal ah oo waliba Sacad Muuse nahay waanu taageersanahay oo waxaan leeyahay waa mashruuciii wadanka lagu ictiraafi lahaaa”
Suldaan Jaamac cismaan Aadan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “, balaadhinta iyo maalgalinta dekadda Berbera, waa wax tar inoo soo kordhay, waxaana ku mahadsan xukuumada SOmaliand iyo shacabka Somaliland ee fursadaasi ka faa’iidaysanaya, waana ku hambalyeyna wax qabadka ay muujiyeen, inay ku baahi baxaan dawladan uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo waa dawlad wax qabad, mashruuc wanaagsan ayey keeneen waan ku taagersanahay, dad qaran dumis ah oo Somaliland diid ah cida diidan waa in kuwaas dadka laga qabtaa oo shacab iyo xukuumad isku duubnaataa”.
Suldaan Xuseen Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “shan iyo labaatan sanno ayeynu marayaa, waxaana heerkaasi ku soo gaadhnay saddex waxyaalood oo kala ah, dawlad dadkeedda u hogaaansan, shacab dawladoodda u hogaansan, iyo baayac musharati dawladiisa u hogaansan, ayeynu horumarkaasi ku soo gaadhnay, waa in aynu taageernaa horumarinta dekadda Berbera lagu samaynayo iyo balaadhinteedda, waayo wax qarankan oo dhan usooo siyaaday, waana ayidsanahay, mana ogolin wax ka hor imanaya dhismaha dekadaasi Berbera ee lagu kordhinayo”
Odayaashan iyo madax dhaqameedkan ayaa sheegay in Dekadda Berbera ka hadhay dekadihii jaarka, isla markaana loo baahan yahay in la dhiso si ay ula tartanto dekadaha mandaqada ku wada yaalaan,waxaanay shacabka ku booriyeen inay taageeraan maalgalinta dekadda Berbera nasiibka u heshay.