Madax Dhaqameedku Waxay Koriyaan Qabyaalada!!!! Qalinkii: Cabdirisaaq Cumar Ibraahim

0
40

 Bulsho kasta oo aduunkan ku nooli waxay leedahay cid saamaysa oo ay weedhooda qaato. Bulshada Soomaaliyeed waxay ka mid tahay bulshooyinka aad ka u qiimaysa Madax dhaqameedka. Madax-dhaqameedku waxay bulshada somaaliland ku lahaan jireen door aad u mihiima. Gumaystihii Ingiriis intii aanu inoo iman ee aanu dalkeena qaybsan waxa dalka dawlad ka ahaa oday dhaqameed.

Halgankii Ingiriiska lagu saaray iyaga ayaa qaybta ugu wayn lahaa. Halgankii SNM isagana hadalkiisaba daa. Wakhtigii Soomaaliland la aas aasayay waxay ahaayeen kuwii aas aasay. Dawladihii ugu horeeyay ee Soomaalinad ka hanaqaadana waxay ku lahaayeen qayb aad u mihiima. Dagaaladdii sokeeye ee Soomaliland ka dhacayna iyaga ayaa u guntaday sidii loo damin lahaa. Markasta iyo meel kasta oo laga soo sheego dhiilo iyo dhibaatana iyaga ayaa duubka u qaadan jiray daminteeda.

 Wakhtigaa aad ayay u tiro yaraayeen waanay tayo badnaayeen. Mar kasta oo tiradu badatana waxa la yaqaan in tayadu hoos u dhacdo. Sidda xaaladaha kale ee noloshuba isku badalayaan waxaa ku dhacay madax dhaqameedkeeniina is badal aad u balaadhan. Marka uu mid ka mida geeridu ku timaado waxa badala wiil uu dhalay ama walaalkii taasina waxay keentay in aan laga fiirsan waaryaa Bulshada wadi kara balse reerka uu ka soo jeeday ay ku xisaabtamaan mansabka ay helayaan laakiin aanay qiimayn cida loo dhiibay ma tahay cidii ku haboonayd xilkaa balaadhan. Tiro ahaan waxay noqdeen kuwo aad u batay waxa laga yaabaa in reer lahaan jiray Hal Suldaan in ay maanta leeyihiin dhowr Suldaan iyo intaasi oo Caaqil ama oday dhaqameed ah. Waxay maraysaa in jufo kastaa ay caleemo saartaan Suldaan gaara ama caaqil iyaga gaar u ah. Haddaba marka uu suldaan ama caaqil doonayo in la caleemo saaro waa inuu Bulsho isku duubnayd oo hal meel looga arimin jiray kala jabiyaa isaga oo gabaad ka dhiganaya qabyaalad waxa uu bulshadaa uu mansabka ka doonayo odhanayaa ma idinka ayay reer hebel idiin talin karaan oo ay idinku dul maamulan karaan waxa kasta hadda waa isku jufo kaliya!. Halkaa waxa ka dhalanaysa kala qaybsanaan iyo colaad hor leh. Marka ay beeshii kala qaybsanto waxay noqonaysaa kala dan oo shaqo iskuma laha taasina waa ta keentay in biyo la,aanta Hargeysa reer meel kaliya wada dagani in ay siyaabo kala duwan uga hadlaan. Madax dhaqameedku waxay waayo waayo haybad kula haayeen waa arimaha dhaqanka hadda se waxay ku dhex milmeen siyaasaddii taana waxaa sabab u noqday siyaasiyiinteena oo ah qaar iyaguna ku tiirsan qabyaalad.

 Siyaasiyiinta iyo maddax dhaqameendka waxa ka dhaxeeya dan aad u balaadan oo aynaan halkan kaga bogan Karin. Habeenkii Ilaahay soo galiyaba waxaad aragtaan ama maqashaan nin maddax dhaqameed sheeganaya oo inta uu TV-yda gaarka loo leeyahay inta uu soo fadhiisto odhanaya aniga oo ku hadlaaya afka beesha reer hebel dawladdii kalsoonidii waanu kala noqonay oo waa su,aale dawlada soomaaliland ma beel kaliya ayaa leh. Waxa ka sii daran marka ay qoladaasi haddasho waxa ku diirsada qolooyinka Mucaadidka ah dawladiina inta odayaashii xalay hadlay qaar isku beelyihiin doonato ayay TV-ga qaranka soo fadhiisanayaan anagu oo ku hadlayna afka beesha heblaayo waxaan u jawaabaynaa madax dhaqameedkii aanu isku beesha ahayn ee xalay halkan ka hadlay waxaanu leenahay anagga oo ah beel heblaayo dawlada waanu taageersanahay.

 Waa su,aale dawladu ma beel kaliya ayay meesha u fadhidaa sowtan aynu jabnay maaha!.Qof kasta oo Soomaaliland joogaa waxa uu ka soo jeedaan beel ceeb maaha ee waxaa ceeba in tiro yar oo aan cidna matalini ay afka beel dhan ku hadasho. Madax dhaqameedkii soomaaliland ku soo caano maashay maanta waxa dul taala calaamatu su,aal. Waxaynu ognahay in dawlad nimada iyo qabyaaladu aanay is qaban Karin. Mar kasta oo shaqada ay dawladu haysaa sii laban laabatana waxa meesha ka baxaysa shaqaddii ay madax dhaqameedku qaban jireen. Inta ay saxaafaddeena aroor walba ku soo baxayaan madax dhaqameedku Soomaaliland in ay hore u socota waa habeenkii xalay ahaa oo tagay. Madax dhaqameedku waxay hoy u noqdeen qabyaaladii. Waxay inagu yeesheen saamayn aad u xun.

Inta ay madax dhaqameedkeenu siyaasad ka shaqaynayaan waxay ahaanaynaa qaar fadhiida. Inta cumaamadda iyo duubkii ay caanka ku ahaayeen maddax dhaqameedku ay TVyada ka muuqdaan qabyaaladu waxay ahaanaysaa khatarka ugu wayn ee ina haysata. Inta duubka iyo go,a shaalka ahi uu ka mid yahay qalabka ama farsamada lagu shaqo tago qabyaaladu waxay ahaanaysaa mid sii faafta.

 Waxaan anigu talo ahaan ugu soo jeedin lahaa madax dhaqameedkeenii sharafta lahaan jiray.

  1. In dib loo eego tiradan badan oo intii Dawladdii Maxamed Haaji Ibraahin Cigaal diwaan gashanayd ay ku koobnaadaan wixii intaa ka dambeeyayna meesha laga saaro oo la yidhaahdo shaqo kale doonta arsaaqda Ilaahay way balaadhantahee.

  1. In la horumariyo nidaamka lagu soo doorto oo marka uu mid geeri ku timaado ama uu awoodi kariwaayo shaqada in beesha uu ka soo jeedaa qofkii badali lahaa ay ku soo doortaan yaa aqoon leh oo beesha wadi kara dalka iyo dadka meel gaadhsiin kara.

  1. In ay cuqaashu iyo oday dhaqameedku ay isku yimaadaan kana hadlaan karaamadoda hoosta u dhacday kana fogaadaan qabyaalada qaawan ee ay habeen walba la soo taagan yihiin

4.In ay ka digtonaadaan siyaasiyiinta ku shaqaysanaysa ee madaxa isku la dhacaysa laba suldaan oo isku beel ka wada tirsan

Qalinkii: Cabdirisaaq Cumar Ibraahim

 

Tell:063 4232792

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here