Hargeysa(Hubaal)-Agaasimaha Idaacada VOA Cabdiraxmaan Yabarow ayaa, dhuumasho kusoo galey Caasimada Somaliland ee Hargeysa kadib markii uu Jabuuti kusoo gabgabeeyay tababar uu ku siinayey Wariyayaal uu ka qaadey Borame iyo Laascaanood, oo qeyb ka ahaa qorshe Gobolada Somaliland lagu kala qeybinayo oo Idaacada VOA Qeybteeda Afsoomaaligu Somaliland ku daahfureysay.
Cabdiraxmaan Yabarow Agaasimaha Idaacada VOA Laanteeda afka Soomaaliga ayaa, habeennadii u dambeeyay kusugnaa Magaalada Hargeysa, iyadoo sida ay qortay Hadhwanaagnews.com socdaalkiisu uu markii hore ku jihaysnaa Muqdisho iyo jabbuuti oo uu ku sugnaa, laakiin uu ugu soo baydhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa markii Xukuumadu hakisey dhawaan Dhageysiga Mowjada FM ee Idacaadaas, oo mudooyinkan dambe caqabad ku noqotey Jiritaanka Somaliland.
Ilaa iyo hada lama oga in uu ka tanaasuley tabashooyinkii Somaliland ka qabtey Idaacada VOA laanteeda Afka Soomaaliga haseyeeshee,waxa ay wararku sheegayaan in uu hada qorsheeyay in uu Hargeysa ku qabanayo Bandhig yool habaabin ah oo ku sheegayo tayada Waxbarashada kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan Fanaaniinta Xidigaha Geeska.
Cabdiraxmaan Yabarow ayaa dad badani, u arkaan in uu weerar culus ku ekeysiiyay indhawaale jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland,isagoo la sheegay in uu mudooyinkan dambe ku howlan yahay mashruuc culus oo uu kasoo qaatey Qaramada Midoobay Xafiiskooda New-york iyo Dowlada Koonfurta Soomaaliya kaas oo lagu cusradeynayo Somaliland inkastoo Somaliland iyo shacabkeedu ay siweyn uga xiisa dhaceen dhageysiga Idaacadaha Reer Galbeed oo mawaadiicdoodu u badan tahay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii ay maamulkooda la wreegeen dhalinyaro u badan Koonfurta Soomaaliya, oo aan si dhexdhexdaad ah wararka iyo barnaamijyadooda uga gudbin dhinacyada Dowladaha dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya u qeybsameen iyadoo lawada ogyahay in aanay Somaliland ka baahinin wararkii ugu fiicnaa todobaadkii u dambeeyay sida Sagaal boqol oo Ardey oo ka qalin jabiyay Jaamacada Hargeysa, iyo Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo shaley ka bilaabmey Magaalooyinka Boorame iyo Burco.