Hargaysa (Hubaal) Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Muuse Ibrahim Yusuf (selef) ayaa shalay lagu soo dhaweeyay dhabbaha diyaaraduhu ka haadaan ama soo cago dhigtaan ee Magaalada Hargaysa Agaasime Muuse oo ah dhalinyaradda Wasaaradda Duulista ee Dedaalka dheer dhinaca shaqada ka muujiyeyoo in dhaweydba hawlo shaqo ugu maqnaa Wadanka Ingiriiska, ayaa shalay Dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Qolka Nasashada ee Madaarka ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Dhabeeye, Maamulaha Madaarka Egal Mohamed Yuusuf Ismaaciil, Maamule ku xigeenka 1aad ee madaarka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Duulista iyo Guddoomiyaha Shirkada Somaliland China hono Group iyo dhalinyarro kale. Agaasime Muuse Salaf oo Hadal kooban ka jeediyey halkaa ayaa yidhi
“Waxaan safar shaqo ugu maqnaa Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee London, waxaa halkaa si aad ah noogu soo dhaweeyay jahliyadda Reer Somaliland ee Magaaladaasi, oo runtii ah Dad abaabulan oo wadaniyadi ka muuqato oo isku xidhan, waanaan u mahad naqayaa soo dhaweynta ay noo sameeyeen, waxaanan ku hanbalyeeynayaa sida ay isugu xidhanyihiin ee ay uga shaqeeyaan danaha wadankooda. Hawlihii aan halkaa u tegay, waxay noogu soo dhammaadeen si fiican” sidaa ayuu yidhi Agaasimaha waaxda mashaariicda ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Mr. Muuse Ibraahim Yuusuf [Selef].