“Madaxda Sidoodaba Dunida Waa Laga Xiiso Dhacaa Marka Ay Xukunka Mudo Hayaan, Marka Laga Tago Khaladaadka Siyaasadeed Ee Ay Galaan.” Wasiir Maxamuud Xaashi.

0
30

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamid ah wafti ballaadhan oo uu madaxweyne Siilaanyo hoggaaminayo oo safarro shaqo ku jooga gobollada bariga dalka, ayaa ka hadlay soo dhaweyn ballaadhan oo shacabka deegaanada waftigaasi sii maray ku qaabileen madaxweynaha.

Maxmauud xaashiWasiir Maxamud Xaashi oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-gga, ayaa, ayaa sheegay in soo dhaweyntaasi muujinayso sida ay shacabka jacaylka iyo qaddarinta ugu hayaan madaxweynahooga wakhtigan hoggaamiya, waxana uu yidhi, “Soo dhaweynta madaxweynaha ee deegaanada barigu waxay muujinaysaa shacbiyada Madaxweynaha, hilowga, niyad-samida iyo taageerada uu madaxweyne Siilaanyo uu bulshada ku dhex leeyahay, isagoo makrii hore lagu doortay cod boqolkiiba konton ah (50%), maanta oo uu lix sano dalka xukumayey in taageeradiisii ay korodhay mooyee aanay hoos u dhicin, taasi waxay ka mid tahay nasiibada ay helaan hogaamiye-yaal farro ku tiris ahi, madaxdu sidaadaba dunida waa laga xiiso dhacaa marka ay xukunka mudo hayaan, waa wax iska dhaca, marka laga tago khaladaadka siyaasadeed ee ay galaan.”

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu si cad u sheegay inaan taageerada dadka iyo jacaylkoodu ahayn wax lacag lagu iibsan karo, “Dadkaas maanta Madaxweynaha soo dhaweeyey oo aan cidka ka shaqayn iskoodna u soo baxay, wado wal oo aanu maranayna way taagnaayeen oo caleemo qoyan ayey siteen oo madaxweynahooda ku qaabilayeen, taasi waxay muujinaysaa dareenka iyo jacyalka ay dadku u hayaan hogaamiyahooda, dareenka iyo quluubta dadkana lama iibsado, markaad dadweynahaas jidka Hallaya ilaa iyo Caynaba nagu soo dhawaynayey waanu u mahad naqaynaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here