Madaxtooyada Iyo Xisbul-Xaakimka Oo Farta Ku Fiiqay Dib U Dhac Duruufi Keentay Oo Laga Filan Karo Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada

0
42

 Jaamac-shabeel iyo Cabdillaahi Jawaan Oo Ka Hadlay Saansaan Ay Doorashadu Ku Kal-dhaafi Karto Oo Muuqda

“Waqtiga Ay Dadku Codayn Karaan Ayuun Bay Doorashadu Noqonaysaa Oo Ta Illaahay Baa Loo Hoggaansamayaa Haddii…..” – Jaamac Shabeel

+++++

“Wey Adag Tahay Inay Doorashadu Dhacdo Oo Shan Bilood Oo Foodda Inagu Soo Haya Haddii Aan….” -Cabdilaahi Jawaan

Madaxtooyada

Hargeysa:(Hubaal)-In kasta oo aanu jirin war rasmi ah oo kasoo baxay guddida doorashooyinka qaranka Somaliland, haddana waxa soo baxaya sanaa-saan iyo aragtiyo siyaasadeed oo muujinaya inay adag tahay inay doorashada madaxtooyada ee dalka ka qorshaysan bisha March ee sanadka soo socdaa wakhtigeeda ku qabsoomi doonaanin, iyada oo sababta loo aanaynayaana tahay abaarta baahsan ee inta badan gobollada bariga dalka saamaynta ku yeelatay.

Siyaasiyiin madaxtooyada si weyn xidhiidh ula leh, ayaa ka dhawaajiyey suurto-galnimamada dib-u-dhac ku yimaadda doorashada, waxana la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md, Cabdilaahi Xaaji Cumar(cabdilaahi-jawaan) uu noqday masuulkii ugu horreeyey ee ka sanqadhiya dib-u-dhacaas, iyada oo guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE M.d Jaamac Shabeel-na aragtidaas taageeray.

Labada masuul oo maalintii shalay siyaabo kala duwan warbaahinta ula hadlay, ayaa shaaciyey inay doorashadaasi dib udhici karto haddii ay xaaladda abaarta ee xilligan lagu jiraa sii socoto oo aanu roob soo degdegaa di’in.

Ugu horrayn la-taliye Cabdilaahi Jawaan, ayaa hoosta ka xarriiqay inaan xaaladda haatan lagu jiro doorasho ku qabsoomi Karin,“Waxad ogtihiin in dadka la diiwaangeliyey doorashaduna ay ku salaysan tahay gobol-gobol oo qof weliba gobolkii laga diiwaangeliyey ay tahay inuu ka codeeyo, taasiina haddii aanay abaartu inaga jabin ma suuroobayso inay yimaadaan, dadkii Banka Tuuyo ku noolaana hadda waxa ay joogaan gobolka Awdal” ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.

La-taliyuhu waxa uu sheegay in muddo dheer oo abaar ahi dadka kusoo fool leedahay, isla-markaana ay dadkii ka guureen gobolladii ay hore iskaga diiwaangeliyeen, taasina caqabad weyn ku tahay doorashada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Deyrtii oo dhammi way inaga baaqsatay, jiilaalkii oo saddex bilood ahina ku daba jiro, shan bilood oo abaar ah baa haddii aan ilaahay inaga jebin foodda inagu soo haya, markaa way adag tahay inay doorasho dhacdo, komishanka iyo xukuumaddu way qaban karaan, lacagna waa la heli karaa, laakiin dadkii codaynayey goobihii loogu talo galay ma joogaan oo way ka hayaameen, haddii aan faraj kale ilaahay bixin way adkaanaysaa inay doorasho qabsoonto.”

Dhinaca kalena guddoomiye Jaamac Shabeel, ayaa xusay haddii xaaladda abaarta lagu sii jiro aanay doorasho qabsoomi doonin oo xilliga roobka uun ee dadka doorashada awoodeedda yeeshaan wax la qaban doono,“Abaar baa ina haysee haddii abaartaa ilaahay inaga jebiyo doorashadu way qabsoomaysaa, annagaana u diyaar ah oo aan jeclayn in hal maalin lagu daro, madaxweynahaan ogolayn in hal maalin lagu daro, laakiin haddii ilaahay abaartaa inaga jebin waayo tii bani’aadmigu meesha way ka baxaysaa taas ilaahay baa loo hoggaansamayaa oo wakhtiga ilaahay roobka shubo ee dadku codayn karaan ayuun bay doorashadu noqonaysaa, haddiise ay teena tahay waa 28-kii march, imikana saacaddii doorashada laga sheekayn lahaa lama joogee saacaddii gurmadkaa la joogaa.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.

Xaalad abaareed oo ka taagan gobollada bariga dalka, ayaa kasii daraysa, waxana isa soo taraya dhibaatada ay dadkii iyo duunyadiiba u geysatay, iyada oo xukuumaddu xilligan ku hawllan tahay sidii gurmad ballaadhan dadkaas loo gaadhsiin lahaa.

Marka laga yimaaddo dhimashada abaartaasi u geysatay xoolaha nool, waxa barbar socda xanuunno ka dillaacay deegaannada qaarkood, kuwaas oo khatar ku ah nolosha dadka xoolo-dhaqatada ah, waxana xusid mudan in hayaan ballaadhan ku dhacay dadkii reer guuraaga ah oo oo qaarkood ilaa saddex gobol kala fog iskaga tallaabeen.

Abaarta ayaa kamid ah arrimaha loogu cudur-daari karo dib-u-dhaca doorashooyinka, waxana ay kamid tahay masiibooyinka dabiiciga ah ee loo daliishan karo inay dib u dhacdo doorashadu, kuwaas oo Colaadaha, duufaanada iyo cudurradu kamid yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here