Madaxtooyada Maamulka  Jubbaland Oo Ka Hadlay Geel Laba Kun Oo Neef Ka Badan Oo Al-Shabaab Dhacday

0
45

Kismaayo (Hubaal/Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ka hadlay sida ay Ciidammadoodu uga hawlgaleen Geel Laba Kun oo Neef ka badan oo ay sheegeen in ay xarakada   Al-Shabaab ka dhacday mid ka mid ah Beellaha Galbeedka iyo Galbeed-Waqooyi ka dega magaalada Kismaanyo, Geelaas oo ay kala qaadeen Khamiistii iyo Jimcihii.  Ugaas Xasan Sheekh Ibraahim oo ah Ugaaska Beesha Geela laga dhacay, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay inay Kooxda Al-Shabaab ka dhacday Geel Laba Kun iyo Dhawr Boqol oo Neef ah oo ay Beeshaasi lahayd, isla markaana ay dileen illaa toddoba Ruux oo ka tirsan Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee uu Ugaaska u yahay ee Geelaas faraha badan laga dhacay ama Al-Shabaab ka qaadday.

Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Sabtidii Maanta uu sheegay in Ciidammadooda iyo Ciidan-Beeleed Beesha Geela laga dhacay dhexdeeda iska abaabulay oo iskaashanayaa ay ku raad-joogaan Kooxda Al-Shabaab ka tirsan ee Geelaas dhacday.

kooxda-al-shabaab-oo-geel-laba-kun-oo-neef-ka-badan-ka-dhacay-kismaayo-2016-photo-googleMadaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, waxa uu sheegay inay dhacdada noocan ahi ku cusub tahay deegaanka inay Al-Shabaab Xoolo intaas tiradoodu leeg tahay oo Geel ah ay Hal Beel ka dhacdo. Hase-yeeshee, waxa uu intaas ku ladhay inay Ciidammada Jubbaland iyo Dablay Beesha la dhacay ka tirsani ku daba-jiraan Al-Shabaab oo deegaannada ay la aadeen Geelaas qaar ka mid ah Dagaal ku dhex-maray, isla markaana ay ku dedaalayaan inay soo Ceshaan Geelaas la dhacay.

Geesta kale, Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA, ayaa Caawa baahisay in dagaal kululi dhex-maray Ciidammada Jubbaland oo Kaashanaya Kooxo Hubaysan oo Beesha Geela laga dhacay ka tirsan oo weeray Kooxda Al-Shabaab ee Geelaas dhacday, iyaga oo dagaalkaas ay ku dhinteen illaa 17 Qof oo toddoba ka tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab, halka ay Tobanka Ruux ee kalen ka mid ahaayeen Dadka deegaanka ee Geela laga dhacay.

Mid ka mid ah Odayaasha Deegaankaas, ayaa VOA u sheegay in Al-Shabab ay illaa Geel gaadhaya 1000 Neef ka kaxaysteen deegaannada Yaaq Biraale, Booray iyo deegaanka Kanjiroon. Halka ay in kale oo Kun ka badanna ka kaxaysteen deegaanno kale, sida uu sheegay Ugaas Xasan Sheekh Ibraahin.

Sababta ay Kooxda Al-Shabaab u weerartay Beeshan ee ay Dadka aan waxba galabsan uga laysay, isla markaana Geela Labada Kun ee Neef ka badan sida la sheegay uga dhaceen, ayaa lagu sheegay inay timi markii ay isku fahmi waayeen Dadka deegaanka iyo Al-Shabaab Sako ay ka doonayeen oo Maamulka Jubbaland iyo Odayaasha deegaanku sheegen inay ka badan tahay tii laga qaadi jiray amaba ku waajibtay, iyada oo wakhtigan lagu jiraa yahay Abaar kulul oo nolol ahaan xaaladdu ku adag tahay Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee Dhacan loo geystay iyo inay Al-Shabaab Beeshan ay dhacday ku tirisay inay u janjeedho ama taageerto Maamulka Jubbaland ee Fadhigiisu Kismaayo yahay.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Kooxda Al-Shabaab sidan oo kale Xoolo uga dhacdo Dad Xoolo-dhaqato ah. Hase-yeeshee, Bishii hore ayey ahayd markii Al-Shabab ay weerar ku qaadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Galguduud ee badhtamaha waddanka Soomaaliya, isla markaana ay ka kaxaysteen ama ka dhaceen Geel, ka dib markii muran ka dhashay Xoolo Sako ah oo ay Kooxda Al-Shabab ku soo rogtay Dadka Xoolo-dhaqatada ah ee deegaannadaas ku dhaqnaa. Balse waa markii ugu horreysay ee Tiro Xoolo ah oo intan le’eg ay Al-Shabaab Dad Reer Guuraa ah ka dhacdo, iyada oo Dadkii Xoolahaas lahaa qaarkoodna ay laysay Al-Shabaab.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here