Madaxtooyada Oo Khariiradda Beelaysan u Aragta Hannaanka Kali ah ee Lagaga Midho dhalin karo Saldhigga Militeri Ee Imaaraadku Doonayo Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Afkiisa Ula Baxay Xildhibaanada Qasrigu Casuumay
Madaxtooyada Oo Faro Dufan Leh Ku Duugaysa Damaca Imaaraadka, Magacyada Beelaha Lala Shiray, Kuwa Hadhsan Iyo Ajandaha Doodaha Labada Dhinac
Hargeysa:(Hubaal)-Aqalka madaxtooyada Somaliland waxa maalmihii ugu dambeeyey ka socday dhaqdhaqaaqyo ka duwan hawl-maalmeedkii caadiga ahaa ee hore uga socon jirey, waxana kulamo qoshahooda si weyn loo nashaqadeeyey lala qaatay inta badan mudaneyaasha labada aqal ee guurtida iyo wakillada.
Hannaanka kulanka loola qaatay mudaneyaasha, ayaa ahaa mid beelaysan, waxana qasriga madaxtooyadu adeegsaday khariirad beelaysan, iyada oo la qorsheeyey in maalin walba kulan gaar ah lala qaato mudaneyaal kasoo jeeda hal, isla-markaana iskugu jira aqallada guurtida iyo wakiillada.
Ujeeddada kulamadan, ayaa sida uu wargeysa Hubaal ka helay ilo uu ku kalsoon yahay waxa ay daarran yihiin sidii mudaneyaasha labada aqal ugu dhego nuglaan lahaayeen dalabka Imaaraadka ee saldhigga Militeri ee Berbera laga hirgelin doono, kaas oo ay xukuumaddu si weyn madaxa ugu lulayso, balse wajahaya mucaaridad ballaadhan.
Nashqadda cusub ee arrintan xildhibaanada looga dhaadhicinayo oo ay madaxtooyadu dooratay inay noqoto mid reeraysan, ayaa lagu ibo-uray meesha uu madaxweynuhu kasoo jeedo oo maalmo ka hor mudaneyaasha labada aqal ugu jira qasriga shir weyn lagula yeeshay, isla-markaana lagu adkeeyey inay taageero ka geystaan sidii ay arrintaasi u midho dhali lahayd.
Beelaha kale ee iyagana xildhibaanadooda lala kulmay waxa kamid ah Habar Awal, Harti iyo Garxajis oo iyaga shalay lala kulmay, waxana maanta lagu wadaa in mudanayaasha beesha Samaroon lala kulmi doono, iyada oo dhammaanba xildhibaanada beelaha kalena qorshaysan yihiin in kulamadan oo kale lala qaato, lagalana hadli doono inay cod ku taageeraan rabitaanka xukuumadda Imaaraadka ee saldhigga Militeri oo lagu wado in toddobaadyada soo socda labada aqal la horgeyn doono.
Sida aanu wararka ku hayno dhammaanba mudaneyaasha lala kulmay waxa loo sheegay inay codkooda ku taageeraan rabitaanka Imaaraadka ee saldhigga militeri oo ay xukuumaddu dabada ka riixayso, iyada oo xildhibaanadana ballanqaadyo waaweyn oo danahooda la xidhiidha loo sameeyey, kuwaas oo dhinaca dhaqaalaha u badan, balse ma xaqiijin karno cadadka ama tirada dhaqaalaha loogu carrab laalaadiyey haddii codkooda la helo.
Warku waxa uu sheegayaa in madaxweyne Siilaanyo uu kulmadaas kasoo qayb-galay, isla-markaana uu afkiisa ula baxay xildhibaanada, una sheegay in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay saldhigaas u aragto inay danta qaranku ku jirto, isaga oo mudaneyaashana ka codsaday inay aragtidaas ixtiraamaan.
Xubno golaha wasiirrada iyo hay’adaha kale ee dawladda kamid ah oo uu ugu madax taagnaa wasiirka madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulamadan qayb weyn ku lahaa, iyada oo aanay meesha ka madhnayn xildhibaanno arrinta u faro dhuudhuuban oo abaabulka iyo isu keenidda xildhibaanadaba qayb weyn ka ciyaaray.
Lama sheegin falcelinta xildhibaanada beelaha kala duwan ee Somaliland kasoo jeedaa kaga jawaabeen dalabka madaxtooyada, balse wararku waxa ay sheegayaan in intooda badani ay muujiyeen taageeradooda, maadaama loo carrab laalaadiyey oo ballamo loo sameeyey.