Madaxtooyada Oo Faahfaahin Ka Bixisay Safarka Waftiga Madaxweynuhu Ku Joogaan Ethiopia

0
28

madaxweynaha-somaliland-iyo-raysal-wasaaraha-itoobiya

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay safarka  madaxweynaha Somaliland iyo waftiga uu hoggaaminayaa ku joogaan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda waddanka Ethiopia.

War qoraal ah oo laga soo saaray aqalka madaxtooyada, ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu kulamo la qaatay ra’isal wasaaraha Ethiopia Md. Hailemariam Desalegn, isla-markaana kulankaas diiradda lagu saaray danaha labada dal.

War-saxaafadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:

WAR-SAXAAFADEED:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa 29. 10.2016 kulan la qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo Khuseeya danaha labada dal. Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo araah la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isu xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’ido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekeda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ay Ethiopia la leedahay Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye waxa kale oo ay isu waafaqeen ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo xasiloonida labada dal iyo la dagaallanka kooxaha arga-gaxisada ah ee mandaqda ka wada nabadgelyo darrada.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here