Madaxtooyada oo Faasaxday Xaruntii Xannaanada Dhexe Ee Hooyada Iyo Dhalaanka Ee Hargeysa

0
32

Hargeysa(Hubaal)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa dar-dar gelisay Toddobaadyadii ugu dambeeyey talaabooyin is daba-jooga ah oo ay ku dabar-goynayso hadhaaga Dhismeyaasha Dawladda ee lagama maar-maanka u ahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo Dhulka Danta guud ah, taasoo u muuqata boob iyo xaraash ay lacag ku bedelanayso ka hor intaanay dalka ka qabsoomin Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu.

xanaanada hooyada iyo dhalaanka

Arrintan ayaa sababtay inay doodda siyaasadda soo gasho eedeymaha xukuumadda loogu jeedinayo iibinta iyo bixinta Dhismeyaasha iyo Dhulka dawladdu lahayd ee lagula wareegayo sifaha ka baxsan nidaamka sharcigu ogolyahay in lagu wareejiyo Hantida ma guurtada ah ee Dawladdu maamusho.

 

Ugu yaraan saddex Bogcaddood oo ay qaarkood ka dhisanyihiin xarumo bulshada loogu adeeg oo aab Iib loo qudheen, ayaa siyaabo kala duwan lagu siiyay Maal-qabeeno Waddani ah iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Bogcadaha lama taabtaanka ah ee ay Madaxtooyadu bixisay Bilihii u dambaysay waxa ka mid ah Xarunta Xannaanada Dhexe ee ku taalla badhtamaha Magaalada Hargeysa, kasoo horjeedka Sarta ay ku wada jiraan Hudheelka Barwaaqo iyo Xawaalada Dahabshiil,halkaasoo sida ay Wargeyska Yool u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, laga iibiyay Shirkada Al-xarbi ee hore Dhul-bedelka lagu muransanyahay, loogu siiyay Maktabadda Gaandi ee wali la wareegisteeda xiisadu ka taagantahay.

 

Xannaanadan oo ka mid ah xarumaha Caafimaadka aasaasiga ee ay dawladdu gacanta ku hayso, isla markaana dhismaheeda qayb ka mid ah ay ku shaqeeyaan Xafiidyada Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa sanadkanba ay socotay hadal haynta Iibkeedu, iyadoo ay sharaa’ig badani u hirdameen in laga iibiyo, kuwaasoo xukuumadda u soo bandhigay lacago kala duwan oo ay ka siisanayaan.

 

Waxaana la sheegay inay shirkaddaha qaar ku baayaceen goobtan oo ah meel istaraatiijiya, lacag gaadhaysa Hal Milyan iyo dhowr boqol oo dollar, balse sida uu Wargeyska Yool xogta ku helay hadal haynta iibka Dhulkaasi waxay isugu biyo shubatay inay dawladdu ka iibisay Shirkadda Al-xarbi , taasoo aan la ogoyn ilaa iyo iminka Qiimaha laga siiyay iyo sifaha lagaga iibiyey toona,

Xigasho: Qarannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here