Wasiirka Madaxtooyada oo Ka hadlay Arrintii Ina Boorre + Habmaamuuskii Jabuuti ee Madaxweynaha lagu qaabiley + Wararkii la isla dhex marayey ee ka soo qaybgalka Sheekh Shariif iyo Faroole + Qiimaha uu leeyahay Heshiiska DP World
Hargeysa:(Hubaal):Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay warar soo baxayey oo sheegayey in Cabdiraxmaan Boore oo ah siyaasi mucaarid ku ah xukuumadda dalka Djibouti ee uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kulan rasmi ah magaalada Dubai kula yeeshay wafti uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo oo halkaas maalmahan ku sugnaa. Wasiirka madaxtoooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo waftiga madaxweynaha kamid ahaa, isla-markaana warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa meesha saaray kulan rasmi ah oo uu siyaasigan la qaatay waftigaas, waxase uu ka marag kacay inay la qaateen kulan bariido ah oo waliba ka yimi dhinaca ganacsade Cabdiramxaan Boore.
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sidoo kale meesha ka saaray warar soo baxayey oo sheegayey in siyaasiyiin tiro badan oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Boore iyo waliba Cabdiraxmaan Faroole ay kasoo qaybgeli doonaan xuska munaasibadda 18-ka May oo maalmaha soo socda laga qaban doono gebi ahaanba Somaliland,
“annagu wax xidhiidh ah lama lihin Cabdiraxmaan Boore, heshiisna lama aanu geline cidda aanu wax la galnay waa shirkadda DPWorld, bariidona wuu noola yimi, isaguna noolama iman wax xumaan ah oo ku wajahan walaaladeen Djibouti, kamana filayno, wararka sheegaya inuu Cabdiraxmaan Boore, Cabdiraxmaan Faroole iyo Sheekh Shariif halkan lagu casuumayna waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wararka sheegayey in waftiga madaxweynuhu kulan natiijo leh la qaateen ganacsade Cabdiraxmaan Boorre, ayaa waxa si weyn u buun buuninayey xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas fursad ka dhex raadinayey iskudhac ka dhex dhaca xukuumadaha Somaliland iyo Djibouti iyo Somaliland oo xidhiiidh qoto dheer oo walaaltinimo ka dhexeeyo.
Warar kale oo salka ku hayey in siyaasiyiin kasoo kala jeeda maamul-goboleedka Puntland iyo dawladda federal-ka Somalia ay kasoo qaybgelayaan munaasibadda xuska 18-ka May, ayaa iyaguna been noqday, sida uu wasiir Maxamuud Xaashi sheegay, waxana ay taasi meesha ka saaraysaa sida siyaasiyiin kasoo horjeeda madax bannaanida Somaliland loogu casuumi karo sanad-guurada 25-aad ee kasoo wareegtay xilligii ay madax bannaanideeda ka qaadatay Somalia inteeda kale.