Madaxtooyada Oo Ka Marag Kacday Caddaalad-darro Baahsan Oo Biyo Dhigtay Hay’adaha Kala Duwan Ee Dawladda Iyo Eexda Ku Jirta Habka Shaqaalaha Loo Qaato

0
32

“Maanta waxa jira qof muwaadin ah oo mushahar ka qaata saddex wasaaradood, muwaadiniin kale oo faro badanina way shaqo la’yihiin, halkaas sow kuma jirto caddaalad-darro wayni….,

saylici

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxtooyada Somaliland, ayaa cod dheer  ku iftiimisay caddaal-darro iyo musuqmaasuq xadhkaha goostay oo ka dhex jira hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, kuwaas oo ku lug leh dhinaca shaqaalaha.

Madaxweyn-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo arrintan ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay aad u hoosayso caddaaladda  dhinaca shaqaalaha ah ee hay’adaha, waxana uu ka marag furay in shaqo la’aanta haatan laga cawdo ay masuul ka yihiin eexda iyo nin jeclaysiga hay’adahaas ka dhex jiraa.

Mudane Saylici waxa uu sheegay in kala-sad-bursi baahsani ku jiro shaqaalaha hay’adaha dawladda oo hal qof uu mushahar ka qaato dhawr wasaaradood, sidaasi darteedna la wado dib-u-bahayno waawayn oo lagu hagaajinayo caddaaladda dhinacyada shaqaalaysiinta, maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dawladda iyo garsoorka.

Md. Cabiraxmaan Saylici waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad uu ka jeediyey xaflad abaalmarinno lagu guddoonsiinayey dadka ka qaybqaatay isbeddelka ku yimi nidaamka Garsoorka Somaliland oo lagu qabtay huteelka Maansoor, waxaannu xusay in ay dawlad ahaan ku dadaalayaan sidii adeegyada dawladdu qabataa ugu salaysmi lahaayeen hab caddaalad ah.“Dib-u-habaynta shaqaalaha waa in loo simaa dadka shaqaalaynta oo caddaaladda ayaa soo galaysa, waayo waxa maanta jira qof muwaadin ah oo mushahar ka qaata saddex wasaaradood, muwaadin kale oo fara badanina wuu shaqo la’yahay, halkaas sow kuma jirto caddaalad-darro wayni, waxay u baahantahay in dib loo habeeyo, qofku wuxuu xaq u leeyahay inuu hal hay’ad oo dawladda ah u shaqeeyo,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Dib-u-habaynta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dawladda isna caddaalad buu ku fadhiyaa, waxa loo jeedaa sidii dadka loo siin lahaa xuquuq ay u siman yihiin, sida qandaraasyada iyo maamulka lacagaha oo ummaddu u sinnaato wixii khayraad dalku leeyahay oo aanay cid gaar ahi maamulan.”

Waxa kale oo uu ka hadlay caddaaladda Garsoorka dalka oo inkastoo uu ammaanay horumarka laga sameeyey oo uu gadh-wadeen ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddigga Caddaaladda Md. Aadan Xaaji Cali, haddana uu xusay in wax badani weli dhiman yihiin.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Caddaaladda Garsoorku waa ta ugu muhiimsan ee kala dambaynta waddanka oo dhami ku fadhido, haddaynaan ummadda u caddaalad samayn nabadgalyadaa quruxda badan ee Ilaahay innagu manaystay ee aynu ummado badan kaga wanaagsanahay waa kala dambaynta, taasna waxa xoojiya sharciga.

Dib-u-habaynta booliska ayaa laga soo bilaabayaa, haddii uu soo qalloociyo ninka saldhigga booliska joogaa oo ah halkay ka soo bilaabmayso caddaaladdu qallooc ayey sidaas  ugu soconaysaa, qallooca qudhiisa innaga ayaa ka kow ah oo dadweynaheenna ayaa qalloociya, waayo qofkii ku xidhan qof la garanayo oo xildhibaan, suldaan ama caaqil markaaba waa la dabayaacayaa oo isagoo dambiile ah oo la wada garanayo ayaa caddaalad-darro loo dabayaacayaa, weliba dambiyadu way kala culus yihiine qaar fool-xun oo aad is odhanayso miyaanu xishoonayn marka uu kuula yimaad nin lagu qatay Khamri ama cabbay oo la soo xidhay ayaa marka suldaankiisii ama xildhibaankiisii uu soo dabagalo si loo sii daayo nasiib-darro ayey innagu tahay.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ballanqaaday in aanay dawladda KULMIYE ka daalayn toosinta caddaaladda nidaamka Garsoorka dalka oo ka mid ahayd ballanqaadkii ay doorashada ku galeen, isla markaana ay iminkana mar kale sii wadideeda ku dareen barmaamijka siyaasadeed ee xisbiga.

“Caddaaladda waa in aynu dhawrnaa oo inta ay gacanta ugu jirtaa dhawrtaa, hadday caddaaladdeenu noqoto ninka shaadhka cad ee magaca iyo lacagta haysta in aynu ixtiraamno oo ka miskiinka ama agoonka ah ee aannu codkiisu meel soo gaadhayn aynu dhegaysanwayno xagga Alle iyo xag adduunyo midna faa’iidimayno,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here