Madaxtooyada Oo Kafed Ku Miisaantay Waayo-aragnimada Siyaasaddeed Ee Murashaxa Xisbiga KULMIYE Iyo Madaxweynaha Dalka Maraykanka

0
157

Aqalka Madaxtooyadu Waxa Uu Ka Jawaabay Saluuga Ay Dariiqada QAADIRRIYADU Ka Muujisay Asbaabta Uu Madaxweyne Siilaanyo U Cuskaday Magacaabista Golaha Culimada Iyo  Qaabka Uu U Soo Xulay

“Waxan Filayaa In Culimada Qaarkeed Cabashada Ay U Gudbiyeen Guddoomiyaha Guurtidu Tahay Inay Uun………”

+++++++++++++++++

“Maraykanka Waxa Ku Tartamayey Hillary Clinton Oo Loo Badinayey Inay Ku Guulaysato Doorashada Balse Donald Trump…… Kaftanna HaygaAhaatee Waxaan Odhan Karaa Dhinaca siyaasadda Murashaxa Xisbiga KULMIYE Wuu Kaga Waayo-aragsan Yahay Donald Trump, Xisbiga KULMIYE Waa Xisbi Lugo Adag Ku Taagan……….”

Capture

Hargeysa (Hubaal):-Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige(Deyr) ayaa ka hadlay awooda siyaasaddeed ee xisbaga talada hayaa uu uleeyahay maaraynta duruufaha siyaasadeed ee mandaqadaka jira gaar ahaanna kuwa Somaliland oouu xusay in barnaamijikiisa ay ugujirto qoddobo xal u raadinaya xaalladaha lasoo gudbooonaada qaranka haddii ay talada dalka kuguulaystaan inay ku maamulaan. Xuseen Aadan Cige waxaa farta ku fiiqay waayo waragnimada musharaxa madaxweynaha ee KULMIYE u leeyahay hoggaaminta dalka haddii xisbigiisu ku guulaysto tartanka doorashada madaxtooyada, kaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay [Muuse Biixi] Gurgurshaa siyaasaddeed isaga oo geeska kale barbar dhigay Madaxweyne Trump. Waxaakale oo afhayeenka Madaxtooyadu ka hadlay sida uu u arko cabashooyin kasoo yeedhay qaar kamid ah culimada dalka [Qaadiriyada] oo saluug kamuujiyey xubnaha gole Culimaa’udiin ah oo Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Magacaabay kuwaas oo ay sheegeen in aan dariiqadooda Saami laga siinin. Afhayeen Xuseen-deyr oo indhawaydba safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaanna wadamada qaaradda Yurub ayaa waraysi kooban oo SAABTV la yeeshay waxaa kale oo uu kaga  isbeddelada siyaasadeed ee sanadihii u dembeeyey ka dhacayay dunida gaar ahaanna kuwa doorashooyinka iyo tartannada dimuqraadiyadda leh ee  u dhexeeyey axsaabta dalalka caalamka  isaga oo tusaale u soo qaatay wadanka  Maraykanka.     “Dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey dunida waxa ka dhacay isbadalo siyaasadeed  iyo isbadalo kale oo saamayn ku leh qaabka ay siyaasada aduunku u socoto, Maraykanka waxa ku tartamayey hillary Clinton oo ahayd gabadh aad u waaya arag ah  oo ka tirsanayd xisbiga dimuqraadiga, wasiirkii arimaha dibadana u ahayd Obama loona badinayey inay ku guulaysato doorashada balse Donald Trump oo ah madaxweynaha hada oo  aan cidina filayn ayaa soo baxay, dhinaca faransiiska waxa ka jiray  xisbiyada Socialist iyo Republican  oo ilaa dagaalkii labaad ee aduunka xukumayey dalkaas waxaana ka guulaystay xisbi kale oo nin dhalinyaro ahi hogaaminayey oo aan kuraasi badan ku lahayn baarlamaanka, dad aqoon u leh nidaamka siyaasaduna aanay ku jirin.”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr. Sidoo kale afhayeen Xuseen Deyr oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sidaas daraadeed xisbiga KULMIYE waa xisbi leh nidaam adag oo lugo adag ku taagan,  murrashaxiisuna waa nin waaya aragnimo leh, waxaanan odhan karaa kaftan ahaana hayga ahaatee Murashax Muuse Biixi wuu ka waaya aragsan yahay Donald Trump dhinaca siyaasada”.  Afhayeenka madaxtooyadu waxa uu ka hadlay cabashada ay qabaan qaar ka mid ah culimadu dalku, kuwaas oo saluugsan guddida culimada ee uu magacaabay madaxweyne Siilaanyo  waxaanu mar kale yidhi “Madaxweynuhu markii uu magacaabayey guddidan culimada isaga ayaa awooda magacaabida leh, cabashada ay culimada qaarkeed u gudbiyeen gudoomiyaha golaha guurtidana waxaan filayaa inay oday ahaan iyo waaya aragnimo ahaan ugu gudbiyeen, culimada cabanaysaa wixii cabasho ah ee ay qabaan madaxweynaha iyo xukuumadiisu waa u diyaar in laga qanciyo oo loo caqli celiyo loona sheego sida uu nidaamku yahay,  waxyaabaha ay somaliland ku faanto ayey ka mid tahay inaanay jirin culimo iska soo horjeedaa, halaaga iyo mashaakilka ka imanaya marka ay culimadu iska soo horjeedo tusaalaheeda  meel dheer ka dooni maynee dariskeena ayaa inoogu filan,sidaas daraadeed culimada somaliland wax ayuunbay wada doonayaan oo ah in dalkeenu wada hagaago, inaynu diinteenu suuban si fiican ugu dhaqano, in dadka akhlaaqiyaadka diinta lagu barbaariyo.” Sidoo kale waxa uu ka waramay qaabka loo magacaabay guddidan culimada ah “Culimadan la magacaabay maaha awood iyo kursi laysku muquuninayo, culimadana ninka u gudoomiyaha ahi waa ninka waaya araga ah ee sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo dadkii uu wax soo baray kuwii ay sii bareen ayaa mufti ah oo dalka jooga, sidaas daraadeed culimada badhna lagama tagin badhna lama soo qaadan, eexna laguma soo qaadan siyaasadna laguma soo qaadan, dhaqaalana laguma soo qaadan, reerna laguma soo qaadan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here