Madaxtooyada Oo Shaacisay Inay Qayb Ka Tahay Dagaalka Xutiyiinta Yemen Lagu Hayo, Masuulilyadda Cawaaqib Xumada Ka Dhalata Saldhigga Imaaraadku Doonayona Iska Fogaysay

0
47

“Saldhiga imaaraadka inaanay belaayo ka imanaynin dammaanad qaadi mayno, waayo umad jirta ayeynu nahay ciddii ina soo doonatana waynu iska celinaynaa umana rag li’in……”

“Annagu waxanu la jeeni nahay oo la jaal nahay dawladaha is-bahaysiga carabta ee Sunniga, imikaba dhinac baynu nahaye dhex ma nihin, arrintuna waa arrin caqiido, kuwa aanu la jaalka nahayna Imaaraadku waa kamid ah”Wasiir Maxamuud Xaashi.wasiirka madaxtooyada

 Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag u difaacday rabitaankeeda la xidhiidha in la meelmariyo daldhigga dawladda Imaaraadka Carabtu ka doonayo magaalada Berbera, waxana ay tilmaantay inuu saldhiggaasi muhiimad weyn u leeyahay dalka iyo dadkaba.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay dalka Ethiopia u dhoofay, ayaa naqdiyey kuwa dhaliilaya saldhigga militeri ee Imaaraadku ka doonayo Berbera, waxana sheegay inay kuwa saldhigga diidani yihiin qaar horumarka dalka kasoo horjeeda, waxana uu yidhi, “kuwa maqaaxiyaha fadhiya ee talo adduun ka yaqaanna fadhi-ku-dirirka ee cudurrada horumar-nacaybka iyo maal-gashi diidka qabaa umadda ceelalyo uma ahee annagay nagala xisaabtamaysaa,saldhigga militeri cid horjoogsan kartaa ma jirto, ragga suuqa ka hanjabayaana ma joojin karaan oo iska hadlow ina igarre ayaan leeyahay, laakiin haddii ay goleyaasha sharcigu naga reebaan waanu u hoggaansamaynaa.”

Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay dawladda Imaaraadka si adag ula gorgortameen markii ay ka wada hadlayeen arinta saldhigga, isla-markaana ay wax weyn kasoo gooyeen,“annagu saldhigga militeri waanu u kitaab furnay oo waanu u rognay oo waa gorgortanay oo marba gacanta ayaanu isgelinay Kordhi, hadda lacag tuurta lagu qaado ma aha waxa la kordhinayaaye waa wax umadda dhaxal u noqda, golahaasna waanu keenaynaa”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiir Maxamuud Xaashi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey in saldhiggaasi kordhinayo saaxiibada ay Somaliland beesha caalamka ku leedahay, waxana uu yidhi,“saldhigyada militeri waxa loo samaystaa inay abuuraan nabadgelyo, xulufona waynu noqonaynaa, waxana aanu aaminsanahay inaynu samaysano saaxiibo aynu maalmaha adag is raacno oo aanu saaxiibadeenii hore isku tolano, saaxiib qudhana uma baahnini waxa aynu u baahanahay konton saaxiib, amniga mandqaddana waxbuu kusoo kordhinayaa.”

Waxa uu sheegay inay qoddobada uu heshiisku ka kooban yahay ay qoddobadiisa qaar kamid ahi sheegayaan inaanu garoonka Berbera adeegsan Karin dal aan Imaaraadka ahayni,“heshiiska aanu Imaaraadka la galnay waxa ku cad inaan dawlad kale garoonkaas isticmaali Karin, meeshana iskugu keeni mayno dad col ahe waxa aynu abuuraynaa nabad, horumarka waddankana wax bu kusoo kordhinayaa oo waxbaynu ka helaynaa bilaashna u siin maynee meesha waynu kiraynaynaa oo mashaariic waaweyn oo aynu qabsan kari weynay”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiir Maxamuud Xaashi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“dunida dano ayaa wax la isu siiyaa, waxbaynu isu geysanaynaa lacag weyn weyn baa inooga soo baxaysa oo iyagana sanado ayeynu wax siinaynaa, inagana waxa la ina siinayaa adduun weyn oo aynu dalka ku dhisano, waana saaxiib weyn oo inoo soo kordhay.”

Wasiirku waxa uu si cad u sheegay in xukuumadda Somaliland la safan tahay xulufada dagaalka kula jirta xuutiyiinta Yemen, isla-markaana ay la safan yihiin fariiqada sunniga ee hoggaanka dalka haysa,“annagu waxanu la jeeni nahay oo la jaal nahay dawladaha is-bahaysiga carabta ee Sunniga, annaguna shiico ma nihine waxanu nahay fariiqada sunniga ah, imikaba dhinac baynu nahaye dhex ma nihin, arrintuna waa arrin caqiido, kuwa aanu la jaalka nahayna Imaaraadku waa kamid ah”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Waxa uu wasiir Maxamuud Xaashi sheegay inaanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dammaanad qaadi Karin amni darro kasta oo soo korodha haddii imaaraadka la siiyo Berbera, waxana uu ku hanjabay inay ciddii kusoo xad gudubta  jawaab adag siin doonaan, waxana uu yidhi,“Saldhiga imaaraadka inaanay belaayo ka imanaynin dammaanad qaadi mayno, waayo umad jirta ayeynu nahay ciddii ina soo doonatana waynu iska celinaynaa umana rag li’in, rag baan arkayey bulshada iyo dadka bajinaya oo leh cirkay balo kasoo dhacaysaa, laakiin qaran xoog leh oo waayo arag ah oo dagaalka, colaadda iyo godobtaba yaqaanno ayeynu nahay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here