Madaxtooyada Soomaalilaand Miyaa Laga Waayay Qof Kaliya Oo Af-Soomaaliga Qoraalkiisa Wax Ka Yaqaan ?

0
43

(Qoraa Abdinasser Ahmed ibrahim) E-mail: somaliland_author@yahoo.com, phone 4442363 hordhac

Haddal sannaddeedkii ugu danbeeyey ee Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, la soo hor joogsaday, Golaha dadweynaha iyo Golaha Guurtida, ee ay marraggana ka ahaayeen warbaahinta Madaxa-bannaan iyo ta dawladduba, (waxay taariikhda kaga suntannaan doontaa baal madow) sababtuna waxa weeyaan, in ay ahayd tii ugu gafefka badnayd dhinaca qoraalka, haddaad si fiican u akhrido waxaad is odhanaysaa” waxa qoray wiil yar oo 7 gu’ jir ah”.

waa nooc ma deel-qaafka ku jira haddalka Ammintan aynu gorfeynnayno? yaa loo Aanneyn karaa ama dusha ku qaadanaya masuuliyadda gafefkan qoraal ee tirro beelka ah ee {taariikhdu Rinjiga cas marisay hoostana ka xariiqday} markii ugu horreysayna illaahay i garansiiyay inaan indhaha Ummadda ku soo jeediyo, kooxda maamulka Dalkayga

gacanta ku haysa ee ku astaysan ama sifoobey “saboolnimada afkooda Hooyo”.

Tan iyo goortii aan bilaabay qaylo dhaanta salka ku haysa afka soomaaliga qoraalkiisa iyo sidii xukuumaddu iskaga sixi lahayd qoraallada ay baahiso, waxaa iga soo gaadhay hagar’daamooyin u badan cay iyo hanjabaad, horrena u idhi siyaasi ma ahi, xil-doonna ma ahi, waxa kaliyaata ee aan ku celcelinayaa waa “Qoraalka Af-soomaaliga iska saxa”. joojinna maayo, joogsi haddaad ka tagtaan waan idiin sheegayaa.

Obocda

waxa laba aad u kala dheera mihiimadda qoraalkani uu xambaarsan yahay iyo sida loo qoray, mid kastaba gaar ayaan u fallan-qayn’doonaa, aan ku hor maro Nuxurka Qoraalkan:- qoraalkan waxaa ku jira wax qabad badan oo dhab ah, waana guullo xukuumaddani ay gaadhay oo ay ku ammaanantahay, jiritaanka dhammaan wax-qabadka madaxweynuhu ku tirraabay waan aaminsanahay, wallow ay jireen wax badan oo la qaban karayey, hayeeshee laga gaabiyay.

Qoraalka iyo Gafefka ku jira:- inkastoo gabi-ahaanba deel-qaafka qoraalkan ku jira aan Suntay hoosna ku xardhan yahay, haddana waxaan gaar u xusi kuwa ugu waaweyn.

gafefka hab-dhiska meeriska.

b) caafimaadkooda iyo daryeelka iyo deegaanka,

T) ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka,

j) baahinta iyo fidinta,

X) Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah,

kh) waxaa la dhameeyey Wadada Boorama,waxaanu dhawaan xadhiga ka jaray,

d) soo jeedka iyo feejignaanta bulshada iyo tacabka iyo joogtaynta

r) anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna, waxaan u hawl-galay

s) si aan ugu kuurgalo waxna uga ogaanno qaabkii

sh) si aan da’yarteena loogu marin-habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.

dh) waxaanu dhawaan xadhiga ka jaray,

c) mar kasta iyo goorkastaba

11- Deel-qaaf

Gafefka xarfaha labin-laabma

b) salaamaya

t) salaanta

j) horeyn

x) salaan

kh) daruuri

d) waramo

r) sannadood

s) saleeyo

sh) umadeena

dh) Xukuumada

c) balanqadayadaa

g) dhamaan

f) Wada-hadaladii

q) doodo

k) wadaagi

l) saaxada

m) dhalinyaro

n) tahniyada

w) Qaranimada

h) dalal

y) muhiimada

21 deel-qaaf

Gafefka higgaadda

b) Mudanayaasha

t) waxan

j) salaamaya

x) dhamman

kh) Mudanayaal

d) horreeysiinay

r) Qaraka

s) leeyahaya

sh) eynu

dh) angoo

c) horayno

g) albaaka

f) birma-gaydo

q) rabintaanka

k) bulshda

15 deel-qaaf

Erayada qallaad ee ku jira…

b) Baarlamaanka

t) mooraalka

j) shuruucdii

x) Booliiska

kh)Ictiraaf

d) caalamka

r) macaamishaa

s)shacabka

sh)difaacaynaa

dh) muwaadiniintu

c) Komishanka

g) sharci

f) Wa Bilaahi Tawfiiq

13 deel-qaaf

Laaxinka Guud ee ku jira qoraalkan

10 goor ayuu u qoray wuxuu ” waxaanay ku habooneyd wuxu”,

Gunnaandka

Gunta iyo gabo-gabada qormadan waxaan ku soo af-jarayaa inaan qormadan iyo kuwa kale ee ka soo baxa xafiisyada ugu sarreeya ee dalka laga maamulaa ay yihiin qaar aan mudnaantooda la siinin, aan la sixin, aan la tafaftirin, sidoo kale aan la hubin, taasina waxay keentay in qoraal madaxweynuhu ummadda iyo saxaafadda la hor yimid lagu aan ka soo saaro 130. Deel-qaaf

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,

Shirgudoonka Baarlamaanka,MudanayaashaLabada Gole, Wasiirada, Xisbiyada Qaranka, Marti sharafta, dadweynaha iyo saxaafadda, waxanidinku salaamayasalaantaislaamka:

“Assalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuhu”.

Ugu horeyn, waxansalaaniyo mahadnaq u dirayaa dhammanshacbiga Somaliland gudo iyo dibedba, meelkasta oo ay joogaan.

Mudanayaaliyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan sannadkii 4aad hor imaadoaqalka Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo khudbad sannadeedka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay, waxaanan khudbadayda kaga hadlayaa warbixinta sannadkii tegey iyo Qorshaha Xukuumadda ee sannadka cusub, iyada oo aan si gaar ahna ugu tilmaamo wixii xaalad daruuriah in laga waramo.

Somaliland waa qaran saddex iyo labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kastaiyo goorkastabau soo jeedaan. Labaatankaa sannadoodee ay Somalilandjirtayna shacbi iyo dawladba, Somaliland,waxay halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso qaranannimadeeda,adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Waxaan jecelahay in aan sannadkan warbixintayda ku saleeyoheerka aynu ka joogno dhinacyada kala duwan ee Nabadgelyada, Siyaasadda iyo adeegyada bulshada.
44
Waxaana hubaal ah in maanta Somaliland marayso meel aan indhaha laga qarsan-karin, iyadoo buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Waxaase jirta in cadawga Somaliland ku hawlanyahay hagardaamooyin uu ku waxyeelaynayo himilada umadeenaoo ah Dawladnimo iyo Qaran cagihiisa ku taagan oo beesha caalamka ka mid ah.

Warbixinta Xukuumada

Ballanqaadkayagii iyo Barnaamijkii Siyaasadeed fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinaysidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay. Waxaanan idiin sheegayaa in balanqadayadaaqiyaas ahaan %85 ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo galay u fuleen, halka %12 gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, %3 keliya ayaan filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.

1. Nabadgelyada:

Nabadgelyadu waa aasaaska nolosha aadamaha, waana halbawlaha dal ku tamariyo ee aanu la’aanteed jiri-karin amase aanu horumar higsan-karin, haddii aan nabadgelyo jirin. Waa wax Ilaahay loogu mahad naqo inuu dalkeenu maanta ku sugan yahay nabadgelyo aad u heer saraysa oo aynu ka mid nahay dalalka Africa ugu nabad gelyada fiican.

Waxaanay nabadgelyadu ku dhisantahay dedaalka Ciidamada ammaanka, soo jeedka iyo feejignaanta bulshada iyotacabka iyojoogtaynta ay ciidammada qaranku ugu jiraan heeganka illaalinta dalka iyo dadka.

Sida aad wada dareensan-tihiin, waxa jira cadow badan, oo u quudhiwaa iyo xiqdi dartii, doonaya inay wiiqaan degenaanshaha, dimoqraadiyadda iyo horumarka aynu ku talaabsanay, iyagoo adeegsanaya tabo iyo xeelado qarsoon. Waxa hubaal ah in aanu cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan karin, haddii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya.

Anagoo ku dedaalayna sidii aan kor ugu qaadi lahayn tayada, tababarka, dhaqaalaha iyo mooraalkaCiidanka, waxaanu kordhinay mushaharooyinkii, waxaanu siinay Derajooyinkii, waxaanu u samaynay Kulliyado iyo Dugsiyo-tababar oo aqoontooda kor loogu qaado. Sidoo kale, waxaanu idiin soo gudbinay shuruucdiiay ku shaqayn lahayeen (Xeerka Sirdoonka Qaraka, Xeerka Booliiskaiyo Xeerka La-dagaalanka Argagixisada). Waxaananidinka codsanayaa in aad gacan naga siisaan.

2. Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo IctiraafRaadinta:

Waxaanu u guntanay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Illaahay mahaddii, Somaliland waa Dawlad ku timi rabitaanka bulshada, dadkeedu aqoonsanyahay, dadkeedu illaashanayo, buuxisay dhamaan shuruudihiidawladnimo, waa hubaal dunidu way inala macaamishaa, waanay ina ixtiraamtaa balse inama aqoonsan weli.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Somaliland waa mid cad oo haysata jidkii loogu talo galay. Waxa dunidu si aan mugdi ku jirin u qirtay, marar badan iyo goobo badan kaalinta aan la dafiri karin ee JSL kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo beesha caalamkaba.

Wada-hadaladiiinoo dhexeeyey inaka iyo Somalia way socdaan, waxaanay ku xusan yihiin nuxurkii ka soo baxay buugtaa laydiin qaybiyey, waxaanansoo jeedinayaa in goluhu ka doodowixii dan-qaran loo arko la ansixiyo, si joogto ahna warbixinteeda waan idiinla wadaagijiray oo waxaaba markasta Guddiga Wada-hadaladaidiinku jiray xildhibaano iyo shirgudoonka golayaasha.

Waxaan maalmahan iyo maalin horeba warbaahinta kala socday Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo sheeganaya xidhiidh noo dhexeeya iyo waraaqo aanu is waydaarsanay, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wuxuu ku cusubyahay saaxadasiyaasadda waana dhalinyaro, waa nasiib daro haddii uu sheegto oo wax-qabad ka dhigto waraaqdii tahniyadamadaxtinimada aan ugu diray.

Ma jirto wax aan ka waydiinayo Xasan Sheekh dalkayga iyo xuduudihiisa-toona, waxaa noo dhexeeya wada hadalduniduinoo golaysay ee si nabadgelyo ah ma u kala boqoolaaayaan leeyahaya. QaranimadaSomaliland waa mid ku timi codka shacabkawaanu difaacaynaa, waa u dagaalamaynaa, waana u dhimanaynaa.

3. Waxbarashada iyo Caafimaadka:

Waxbarashada iyo caafimaadku waa labo shay oo aan kala maarmin kuwaas oo saldhig u ah nolosheena, waa waxa bulshooyinka dunidu ku kala horeeyo ama isku dhaafo taas oo eynula’aantood qiimo yeelan karin.

Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ahoo ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniintaSomaliland, angooogsoon in dhammaan muwaadiniintuxaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, tayo leh ayaan tacab badan gelinay waxbarashada.

Dawladdaydu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha. Waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baadhista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, isboortigaiyo dhaqankasuuban ee dadka Somaliland. Waxaana xaqiiqo ah in maanta waxbarashadu ay marayso meel fiican oo aynu ka horaynodalalbadan oo Africa ku yaalla.

Waxaad wada ogtihiin muhiimadacaafimaadka iyo fayadhawrku dadka u leeyahay, anagoo ogsoon xilka iyo waajibaadka naga saaran umaddayada, waxaanu caafimaadka ka qabanay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawl-wadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa.

Iyadoo aanu dedaal badan gelinay caafimaadka guud ahaan, waxaan si gaar ah ula tacaalay xanuunkaHIV/AIDs oo dunida faro-xun ku haya, “dabcan inakuna dunida ayuun baynu ka mid nahay”.
Xukuumadaydu waxay xil weyn iska saartay si walba oo xanuunkanwax looga qaban karo, Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo yaqaan “marxaladda uu xanuunkanibaahsanyahay” iyadoo nasiib wanaag aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaanu si buuxda isu barbar-taagnay Komishankaqaranka u qaabilsan hawshan. Markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeedoo ku soo kordhay Global-Fund-ka oo ah Hay’addii Somaliland iyo waddamo badan oo dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha; waxaan Miisaaniyadaqaranka ugu daray taageero maaliyadeedanigoo baaqna u diray bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamkaguud ahaan kaas oo ku wajahan sidii aynnugacan buuxda u siin lahayn KomishankaQaranka ee Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sanoee soo socota heerka ugu hooseeya ee aynnugaadhsiin karno, intaa wixii ka danbeeyana aynu u cidhibtiri-lahayn xanuunkan.

4. Xoolaha iyo Illaalinta Deegaanka:

Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkooda iyo daryeelka iyo deegaankaay ku nool yihiin.

Waxaana Wasaaradda iyo hawl-wadeenadeedu dedaal badan geliyeen caafimaadinta Xoolaha, waxaana la daweeyey in ka badan 12,000,000 oo adhiya 1,500,000 oo Geel ah iyo 1,500,000 ka badan Lo’ ah. In kastoo tacabkaa la geliyey, haddana waxaa jirtay labo markab oo geel ah oo laynagu soo celiyey kuwaas oo markii la baadhay laga helay %2, dhibtuna waxay noqotay 40 neef oo geel ah.

Iyadoo xooluhu muhiimadaas leeyihiin ayaa waxaa ka muuqda dayac iyo dedaal la’aan taasoo deegaanadii xooluhu daaqayeen weerar badan lagu hayo iyadoo aad maqasheen tuulooyin, Oodo iyo xidhmooyin dhulkii xooluhu daaqayeen lagu xayiray. Waxaan labada gole ka codsanayaa in aad arrintaa gacan naga siiyaan, xeerka hortiina yaala ee Illaalinta Deegaanka idinkoo waajibkiina sharcika gudanaya aad dedejisaan si ay noogu suurtagasho illaalinta iyo xakamaynta deegaanka.

5. Waddooyinka:

Wadooyinkuwaxay muhiim u yihiin dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dhaqaalaha, isku xidhka gobolada iyo Degmooyinka, waana lafdhabarta horumarka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna waxaanu dayactir balaadhanku samaynay waddada Hargaysa–Berbera, waxaa la dhameeyeyWadadaBoorama, waxaanu dhawaan xadhiga ka jarayWaddada Wajaale, sidoo kale waxaa la bilaabay waddadii Ceerigaabo.

Sanduuqa Somaliland Development Fund waxaa laga bixinayaa kharashka dhamaystirkaWadadaBerbera ee Xamaas illaa Sheekh oo ay ku bixi doonto $4 Million oo U.S Dollar iyo Waddada Kala-baydh illaa Dilla oo loo qorsheeyey $2 Million oo U.S Dollar.

6. Horumarinta Madaaradaiyo Dekedaha:

Maddaarada iyo dekeduhu waa albaakalaga soo galo dalka, waana xidhiidhka waddamada iyo dariiqa ganacsi ee sahla macaamilka nololeed ee ina dhexmaraya dalalka caalamka, anagoo arrintaa ka shidaal qaadanayna, waxaan u hawl-galaysidii loo dhisi lahaa MadaaradaCaasimadaHargeysa iyo Berbera, waxaanasocota dhismaha lagu dheeraynayo Dhabaha diyaaaradaha ee Caasimada,kaasoo marka uu dhamaadonoqon doona Madaaray nooc-kasta oo diyaaradeed kasoo degi karto.

Dekedda Berbera oo ah marsada ugu muhiimsan dekedahageeska taasoo leh waxyaalo dabiici ah oo ay dheertahay dekedobadan, waxaanu muddo ku hawlanayn sidii loogu heli lahaa maalgelin iyo dhaqaale lagu horumariyo si ay u noqoto deked soo jiidata, qayb-libaaxna ka qaadato xarakada ganacsi ee mandaqada (World Class Facility). Waxaa wada hadallonoo socdaan shirkadobadan oo ay ugu mudantahay shirkad Faransiis ah oo lagu magacaabo Bollore.

Horumar-badan ayaa dalka ka socda, “Cudurku waa soo boodaa, Caafimaadkuna aayar aayar ayuu u yimaadaa”, waxyaalaha badan ee la qabtay iyo inta socotaa cayaar kuma iman ee waxaa la geliyey deddaal iyo tacab. Haddii aynu yara milicsano maanta iyo maalintii aan xukunka la wareegay waxaa kuu soo baxaya faraq aad u badan, tusaale:

• Askarigu wuxuuqaadan jiray mushahar: SL.SH/=265,200 taasoo u dhiganta ($44)
• Maanta wuxuuqaataa mushahar: SL.SH/=636,000 + Gunnada Derjada taasoo u dhiganta ($106 + Gunnada Derajada)
• Wasiirku wuxuuqaadanayey: SL.SH/=4,800,000 taasoo u dhiganta ($800)
• Maantana wuxuuqaataa: SL.SH/=14,100,000 taasoo u dhiganta $2,350
• Garsooruhu wuxuuqaadanayey: SL.SH/=2,097800 taasoo u dhiganta $349.6
• Maantana wuxuuqaataa: SL.SH/=8,100,000 taasoo u dhiganta $1,350
• Xildhibaanada Golayaashani waxay qaadanayeen: $421 (SL.SH/=2,526,000)
• Maantana waxay qaataan: (SL.SH/=8,125,000) taasoo u dhiganta $1,354

Waxaan shaki ku jirin in Xukuumadanitahay XukuumadiiHorumarka iyadoo aanu qabanay wax badan, balse qabyada iyo baahida dalka ka jirta ayaa ka badan, waxbase kala hadhimayno intii awoodi noo saamaxdo.

Waxaa Sannadkan 2014-ka noo qorshaysan dhamaystirka mashaariicda faraha badan ee socota, Xoojinta Ammaanka iyo Fidinta maamulka, Diwaangelinta Muwaadinka, Kor u qaadidada Adeegyada Caddaalada iyo Horumarinta Xeebaha iyo khayraadkabadda.

Ammaanka iyo Fidinta Maamulka: Waa ogtihiin oo Ciidamadu waxay joogaan duleedka Taleex oo u dhow xuduudkaSomaliland, Wasiirkii Caafimaadku wuxu joogaa Buuhoodle, waxaanu ka wadaa horumar iyo maamul fidin. Xagga Laasqoray iyo Barinawaxa ka socdaa dedaallo.

Horumar kasta waxaa aasaas u ah nabadgelyada, waxa aan shacbiga JSL ku boorinayaa in ay nabadgelyadoodailaaliyaan, kana fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara xasilloonida aynu muddadaa badan ku soo caano-maallay.

Diwaangelinta muwaadinku: waxay salka ku haysaa in la sugo muwaadinkasta oo xaq u yeeshay muwaadinimo, laguna yeeshay waajibaadka iyo xuquuqda ka laasimaysa muwaadin Somaliland u dhashay, waxaana saldhig u ah Dastuurka JSL iyo xeerarkii golayaashani ay dejiyeen oo ay ka mid yihiin Xeerka Jinsiyadda iyo Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, iyo Xeer-nidaamiyayaasha Diiwaangelinta muwaadinka ee aan Xeer Madaxweyne ku soo saaray.

Cadaaladdaiyo Garsoorka: Waxaanu hore u qaadanay tallaabooyin badan oo aanu ku taageerayno, dhiirigelinayno kuna kobcinayno bahda garsoorka iyo cadaaladda.Waxaan mar labaad iyo mar sadexaadbaxooga saaridoonaa xoojinta iyo ka midhadhalintagarsoorka iyo cadaaladda, kana daalimayno illaa inta bulshadu helayso adeegii loo baahnaa.

Horumarinta Xeebaha: Waxaad dhamaanka warhaysaan safarkii dheeraa ee aan ku soo maray dhamaanxeebaha Somaliland si aan u ogaado duruufaha nololeed ee bulshada,si aan ugu kuurgalo waxna uga ogaanno qaabkii loo horumarin-lahaa loogana faa’iidaysan lahaa xeebaheena iyo khayraadka ku duugan. Sannadkan waxaanu samayn doonaa daraasad dhamaystiranoo ku wajahan horumarinta xeebaha iyo khayraadka badda. Waxaanan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga-ahba ugu baaqayaa in xooga la saaro horumarina xeebaha.

Gebogebadii

Culimada
Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo masuuliyadi ka saarantahay ilaalinta Diinta Islaamka, dhaqanka suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin-habaabin fikrado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.

Anigoo xoojinaya doorka culimadu ku leedahay bulshada iyo illaalinta dawladnimada, anigoo ogsoon in culimadu yihiin birma-gaydo,isla markaana ka shidaal-qaadanaya Dastuurka Qodobkiisa 115 illaa 121, waxaan soo saari-doonaa Guddiga Culimada ee Dastuuriga ah.
Beesha Caalamka
Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda, argagaxisada iyo deegaan-dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamkain ay garwaaqsadaan rabintaankaiyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga Somaliland aayo ka tashiga madax-banaanidooda.Sidoo kale, waxaanu ka codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qayb-qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Haweenka: Waxaan hore labo-jeer idiinku soo gudbiyey kootadii haweenka, anigoo qadarinaya qiimaha ay haweenku bulshada u leeyihiin iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka dalka, waxaan mar saddexaad idinka codsanayaa in golaha la horkeeno oo aad ka gudataan waajibkiina dastuuriga ah.

DhamaanGolayaasha Qaranka, Qurbajooga Somaliland iyo guud ahaanba bulshdareer Somaliland waxaan ugu baaqayaa in si mug leh loogu diyaargaroobo xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May.

Wa Bilaahi Tawfiiq

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here