MADAXTOOYADDA: Baarashuud Goosashada Wasiir Xirsi Iyo Saaxiibaddii, U Yeedhista Cabdillaahi Dhoolayare, Cirro Iyo Cabsida Dildilaaca

0
28

-Dhaqaale bixinta kaambaynka is casilaadda

-Siilaanyo: Isa saarista labaddii hore iyo isa saarista labada dambe

Korodhka soo laabashada Udubtii burburtay

– Mustaqbalka saaxiibadda Damu jadiid ee awoodda

Hargeysa,(Hubaal)- Iyadoo inta la hubo ay sadex masuul marayaan xubnaha iska casilay xukuumadda Siilaanyo, ayaa haddana waxa isa soo taraya hadal haynta xubno kale oo la saadaalinayo inay is casilayaan iyo qaar lagu wado in madaxweynuhu shaqadda ka eryaba.

madaxtooyada
Siday tibaaxeen xoggo laga soo xigtay illo wargaleen ah, oo ku dhaw dhaw madaxtooyadda, madaxtooyadda ayaa la tacaalaysa furfuranka siyaasdeed ee ay horseeday isku shaandhayntu, isla markaana waxa isa soo taraya warar ishaaraya inay jiraan masuuliyiin kale oo laga cabsi qabo inay is casilaan, kuwaasoo isugu jira Wasiiro, ku xigeeno iyo agaasimayaal guudba, isla markaana la rumaynayo inuu jiro kaambayn arrintaa la xidhiidha oo si isku mid ah u waraabinaya xubnahaa magacyadoodu suuqa wararka soo galeen ee la hilaadinayo is casilaaddoodu. Waxa kale oo aan xogaha ka madhnayn inay jiraan xubno qawadsan meelaha loo bedelay.

Dhanka kale waxay xogaha wargeysaka Ogaal ka helay illahaasi tibaaxeen, in culays badani haysto madaxtooyadda, isla markaana ay ku mashquulsan tahay ka hor tegidda arrimaha qaarkood, taa bedelkeedana ay suuragal tahay, in madaxweyne Siilaanyo u badheedho sidii uu wejiyo cusub oo kale ugu soo dari lahaa xukuumadda, ugana saari lahaa wejiyo weli ka tirsan xukuumadda oo sii wada joogoodu aanuu waxba u taraynin, lugta ay ku leeyihiin waxa dhacay darteed.

Dhaliilaha ugu waawayn ee xukuumadda Siilaanyo naanaysta taban u yeelay waxa ka mid ah, kooxaysi aan qarsoonayn oo dibadda u soo baxay, kaasoo sababay dagaal hoose oo mar kastaba xukuumadda ka dhex oogan, khilaafka xisbiga Kulmiyena uu qayb ka yahay hirdankaa. Wasiir Xirsi iyo Wasiirka is casilay Cabdicasiis Samaale oo ah labada wasiir ee ugu awood badan xukuumadda, ayaa la tilmaamaa inay isaga hooseeyeen hogaaminta kooxda ugu awoodda badan xukuumadda. Xoguhu waxay iftiiminayaan, in mudooyinkan dambeba uu Wasiir Xirsi ahaa nin awoodihiisii la dhimay, isla markaana uu madaxweynuhu ka fekerayay sidii uu uga bedeli lahaa Madaxtooyadda. Sidaa darteed, siday xoguhu tibaaxeen, waxa la hadal hayaa in loo qorsheeyay, in loo wareejiyo Hawlaha Guud, balse waxa la sheegayaa, Xirsi in uu ka xanaaqay isku shaandhaynta iyo sida wax u dhaceenba, xidhiidh amuurtaa la xidhiidhana uu la soo sameeyay saaxiibkii Cabdicasiis. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in ay suuragal tahay, in wasiir Xirsi oo weftigii uu la socday uu maanta imanayaa uu diido hawlaha guud, isna casilayo.

Wararka hadalhaynta amuurtaa la xidhiidhaa waxay intaa ku dareen, in muddaba uu jiray cadaadis lagu hayay Wasiir Xirsi oo madaxweynuhu uu doonayay inuu is casilo.

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah kooxda damu Jadiidka loogu yeedho ee Wasiir Xirsi loo tiriyo hogaamintiisa, ayaa isna xoguhu tibaaxeen in la filayo inuu is casilo, haddii uu taa samayn waayana la rumaynayo in la eryayo. Haday sidaa u dhacdana waxay taasi ka dhignaan doontaa, inay meesha ka baxdo gebi ahaanba koox afar sanadood iyo badh aan lagaga daba dhufan jirin taladda. Iyadoo madaxweyne Siilaanyo muddadaba la tacaalayay cadaadis xoog leh oo caalamka daneeya Somaliland, ay kaga dalbayeen inuu xubno ka saaro xukuumaddiisa, dhega adayg uu arrintaa kaga jawaabayna ay dhaxal siisay xidhiidh xumo iyo kala durug ay xukuumaddiisu kala kulantay saaxiibadda qaar.

Inkastoo loo arko madaxweyne Siilaanyo, in aanuu markii hore ku tala gelin inay kala fogaadaan saaxiibada baarashuudka goostay iyo kuwa loo tirinayaba, haddana, waxa la saadaalinayaa inay tani ku dhiiri gelinayso inuu is kaba raaciyo, isla markaana ay cadho xoog leh gelisay talaabadda uu qaaday Cabdicasiis oo aanuu ka filayn markii hore, taasoo sababtay furfurankan oo u muuqda mid weli cabsidiisu ku taagan tahay madaxtooyadda.

Wejiyadda cusub ee xoggaha wargeyska Ogaal ka helay illo ku dhawdhaw madaxtooyadu, hadalhaynta magacyadooda soo tebisay, waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dawladii Rayaale Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo hadal soo duushay ay tusmaynayso, inay suuragal tahay in loo dhiibo jagadda wasiirka Madaxtooyadda. Cabdillaahi M. Ducaale oo ah siyaasi muddo dheer xilal ka soo qabtay xukuumadihii ka horeeyay Siilaanyo, xukuumadda Kulmiye markii ay taladda qabatay waxay ku qaaday dagaal fool xun oo aargoosi u muuqday, taasina waxay ku keliftay inuu dalka ka baxo oo qoyskiisa dejiyo Addis Ababa, halkaas oo uu ilaa hadda degan yahay. Hase yeeshee, colaad kasta oo siyaasadeed marbay dhamaataa, sidaa darteed, waxay xogahani saadaalinayaan in madaxtooyadu danaynayso inay dib u soo celiso Cabdillaahi M Ducaale oo ah nin saaxiibo siyaasadeed oo badan ku leh mandaqada, isla markaana ay dhici karto in loo jagadda Xirsi ee madaxtooyadda. Wasiirkii hore ee daakhiliga xukuumaddii Rayaale Cabdillaahi Cirro ayaa isna xogahaasi saadinayaan in dib loo soo celin doono loona dhiibi doono xil wasiir, taa bedelkeedana ay suuragal tahay in xubno hadda xil hayaa ka baxaan meesha.

Duul duulka xogahaa Ogaal ka soo xigtay illahaa, ka sokow ma jiraan warar rasmi ahi, isla markaana waxay xaqiiqadu kala cadaan doontaa mustaqbalka dhaw ee soo fool leh.

source:wargeyska ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here