“Madaxwaynaha Furfuran Ee Caqliga leh ee isku Kalsooni, Waa Madaxwaynaha ku Xigeenkiisa u dhiiba Shaqo….Axmedna Waxan leeyahay si aanu u Iman Khilaaf Madaxwayne Ku Xigeenka Mashquuli”

0
22

Hargeysa (Hubaal)-Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin Ayaa markii ugu horaysa ka hadlay khilaaf maalmihii u danbeeyay dhexyaalay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa uu sheegay in khilaafku meel walba ka dhasho balse loo baahanyahay in lagu xaliyo gudaha xafiiska madaxtooyada si aanu dibada ugu bixin, isagoo intaasi raaciyay in lagu kalsoonaado madaxwayne Ku Xigeenka isla markaana shaqo lagu mashquuliye loo dhiibo sidii madaxwayneyaashii hore.

axmed yusuf yasin

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland waxaa uu dulqaad ku sifeeyay shaqsiyada madaxwaynihii hore ee Somaliland isla markaana waxaa sheegay inuu yaraa khilaafkii isaga iyo madaxwayne Riyaale.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo maanta magaalada Hargeysa Ugu Waramayay Wariye Barkhad Ladiif Ayaa Horayn Ka Hadlay Khilaadka Madaxtooyada “Labada masuul ee iska hooseeyaa haday is khilaafaan waa in khilaafka lagu xaliyaa xafiiskooda oo aanu dibada usoo bixin, bili’aadamku wuu isqabsanayaa wuu iska hor imanayaa aaraada way ku kala duwanaanayaan, laakiin in xafiiska gudihiisa dhaafaa waa ceeb”Ayuu Yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Madaxwayne Xigeenkii Hore ee Somaliland waxaa uu talooyin usoo jeediyay madaxwaynaha siilaanyo “Madaxwaynaha furfuran ee caqliga leh ee isku kalsooni, waa madaxwaynaha ku xigeenkiisa u dhiiba shaqo, Cigaal Wuxuu u dhiibay Cabdiraxmaan Difaaca madaxwayne ku xigeena wuu u ahaa, wuxuu ahaa nin isku kalsoon, Axmedna waxaan leeyahay si aanu u iman khilaafku Madaxwayne ku xigeenka waala mashquuliyaa”Ayuu Yidhi Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland waxaa uu xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne siilaanyo usoo jeediyay in ay ka tagaan dalka oo ay hormar gaadhsiiyaan balse aanay dalka kaga tagin waxqabad la’aan iyo tafaraaruq baahsan.

source:himilomedia

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here