Madaxweyne Siiraanyo oo Hambalyada 26-June u diray dhammaan shacbiga reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaan

0
68

Madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland  isgoo  ku hadlaaya  magaciisa ,magaca golayaasha qaranka  iyo guud ahaanba magaca shacabka  jamuuriyada Somaliland  waxaaa uu munaasibada 26 –june  darteed  hambalyo u dirayaa   shacabka reer Somaliland  guud  ahaan meel kasta oo ay joogan gudo iyo dibadba.

Siilaanyo

Madaxawayanaha jamuuriyada Somaliland waxa uu xusay  gobonimadii dadka reer Somaliland ay heleen 1960-kii  in ay noqon wayday oo wixii laga  filaayay  ay marin habawday,  shacabka Somaliland  wanaagii  iyo jecelkii  ay u qabeen walalahooda somaliya  waxaa loogu badaley, dhibaatooyin iyo burbur  gayaysiiyay aakhirkiina keenay in  dalkooda ay gabi ahaana ay dibada uga baxaan   cadaadiskii,dilkii  iyo dhicii lagu hayay darteed.

Qalad-kaasi  dhacay lixdankii   waxaa dib loo saxay  1991-kii  markaasi oo gudoon lagu gaadhay  qaranimada Somaliland in ay gaarkeeda ay ahaato,  lana abuuro  dawladnimo  dadkeeda u dhigta  mustaqbal  iyo aayatiin wacan , waxaanay  dawlada Somaliland iyo shacabkeeduba u quus go’nayaan  kuwa quudaraynaya wixii la odhan jiray somaali-wayn in anay waligeed dhici doonin in go’aankooda ay dib uga laabtaan  shacabka Somaliland .

Xaqa  go’aan ka gaadhista aayahooda  cidna marti ugama aha, Dadaalka ay  ku xaqiijinayaan qaranimadooduna  waa tii ay ku soo dhiseen  nabad galyadooda, nidaamkooda dawladnimo, oo saldhig adag ay u  tahay  nidaam  tastuur ah oo  waajibinaya  jidhka dawladnimada loo marayo oo ah   nidaam dimuqaraadi ah.

Ugu danbayntii  madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland  waxa  uu u soo jeediyay  shacabka reer Somaliland in ay foojignaan dheeraad ah  u yeeshan  nabad- galyadooda iyo difaaca qarankooda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here