Hargeysa(Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Somalia u soo jeediyay inay joojiso hadalada carqaladaynaya wada hadalada labada dal u socda. Waxa uu sheegay inaanay aqbali doonin faro galin Somalia ku samayso arrimaha ka socda gudaha Somaliland “. Waxaan Somalia ku boorrinayaa inay ka fogaato ka hadlida Arrimaha Somaliland khuseeya, waayo? Waxa kaliya oo ay waxyeelaysaa wada hadalada Socda. Somaliland ma aqbali doonto Nooc kasta oo faro galin ah oo lagu sameeyo Xuduudaheeda. Gefaf kasta oo nagaga yimaada Jaarkayaga waxaanu uga jawaabi doonaa si lamid ah” ayuu Bartiisa Twitter-ka ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo
Dhanka kalena Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa markii u horaysay ka jawaabay hadal Somalia ka soo yeedhay oo ku salaysan digniin ay u dirtay Shirkad Shidaal ka baadhaysa Buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal islamarkaana ay ku sheegtay inay sharci daro tahay halkaana ay dhib ka gaysatay.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in Shirkadda Chiness-ka ah ee ARC tahay mid si sharci ah ku joogta Somaliland islamarkaana muddo laba sanno ah ka wada sahamin macdaneed haddana Xukumaddu ku qanacday inay Macdanta ay dalka ka heshay ay soo saarto.
Waxa uu sheegay inaanu garanayn Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Somalia meel ay ka shaqayso iyo meel ay maamusho toona “Shirkaddo kuwan ka waawayn ayay Somaliland heshiis la gashay,markaa ma fahmayo sida Somalia wax u wado. shirkaddahana markay la galayeen heshiiska Somaliland dee xamar kamay degin oo heshiiska kulamay galine Somaliland ayay yimaadeen oo si rasmi ah heshiiska ula galeen”ayuu yidhi Wasiirka Oo BBC la hadlay.
Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu sheegay in Wasaaraddaha Somalia qaarkood markasta carqaladeeyaan Qaranimada Somaliland iyo wada xaajoodka u socda Somalia iyo Somaliland, taasina aanay noqonayn mid loo dulqaadan karo.
Wasiirku waxa uu sheegay in Bulshada Gobolka Awdal iyo Buuraha Simoodi si heersare ah u soo dhaweeyeen Shirkadda Macdanta soo saaraysa ee ARC,taasi oo ay tahay wax duuban wakhtiga wasiirku uu tagay iyo sida waxgaradka iyo madaxdhaqameedka degaanku u soo dhaweeyay hawlaha Shirkaddu halkaasi ka wado.
somalilandtoday