Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Oo Odayaal Qaranka Magac Ku Leh Guryahooda Ku Booqday

0
108

Hargeysa, (Hubaal) — Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku-simaha Madaxwayanaha Qaranka Somaliland ayaa, guryahooda ku booqday laba oday oo qaranka magac iyo taariikh weyn ku leh oo xannuunsanaya gelinkii hore ee maanta.

Odayaasha Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa waxay kala yihiin; Prof. Axmed Xasan Caafi, oo ka mid ahaa Wasiirradii aqoonta lahaa ee soo maray wasaaradda qorshaynta qaranka, waxaanu ahaa cahdigii Marxuum-Cigaal iyo Maxamed Cabdi Arabay, oo labadooduba u jiifa xannuun.

Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu odayaashaas Ilaahay uga baryey caafimaad iyo inuu cudurka haya ka dulqaado.

Booqashada Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, oo laga qariyey saxaafadda waxa ku wehelinayey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Iyo Cilmi Baadhista SL Cali Xaamud Jibriil, wasiiru dowlaha qorshaynta Somaliland Mudane Cismaan jamac Awcali, wasiir kuxigeenka warfaafinta Md Guled Cabdi Xasan, Lataliyaha Madaxweynaha Axmed Xasan Carwo iyo Xoghayaha Gaarka ah ee M/weyne Kuxigeenka Cabdirashiid Xaaji Cali Cilmi.

Wasiirada la socoday Madaxwayneku-xigeenka Somaliland oo iyaguna dhammaantood Ilaahay uga baryey odayaasha sharafta leh in xannuunka ka kor qaado, caafimaadna ugu beddelo.

Odayaasha xannuunsanaya ee Madaxweynuhu guryahooda ku booqday waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu miisaanka culus ee mus-dambeedka u ah xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE.

19490353_10155343285844484_1248964405_o 19490127_10155343286584484_1592733106_o 19243667_10155343285154484_1789214689_o 19243753_10155343285224484_821031336_o

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here