Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo Ka Hadlay Qorshaha Uu Ugu Talo-galay dhalinyarada Dhoorka La Baxday, Saraawiisha Dhuubanna Isku Dhejisay

0
329

 

Waxa u  Oo Sheegay In Dhalinyarada Timaha La Baxday Laga Xiirayo Kuwa Surwaalka isku Dhajinayana Mid Kaakiya Oo Adag Loo Xidhayo

“Timaha Waan Xiirayaa Surwaalka Laysku Dhajinayo Mid Kaakiya Oo Adag Ayaa Laydiin Xidhayaa” Madaxwayne Muuse Biixi

Hargaysa(Hubaal)-Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in uu talaabo qaadi doono dhalinyarada timaha la baxda,kuwa dharka ku dhagan xidhan iyo dhaqamada shisheeye ee wadamada dibaada laga soo waarido oo dalka ku soo badanaya  mudooyinkan danbe Somaliland. Hadalkan ayaa madaxwaynaha Somaliland ka soo yeedhay xiligii lagu jiray ololaha doorashada madaxtooyada. Halka labadii maalmeed ee ugu danbeeyay ay ciidamada boolisku ugaadhsanayeen dhalinyarada la baxda timaha oo ay suuqa dhexdiisa kaga xiirayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here