Madaxwayne Sharciga Haka Boodin, Intaanu Kugu Boodin!!

0
86

Berigii la dooranaya Cabdiraxmaan Tuur AUN, ayaa Ergadii dooranaysay iskugu timid magaalada Baligubadle oo wakhtigaasi ahayd xarunta SNM.

 

shirgudoonka waxaa iskugu yimid niman badan oo ka mida dowladii kacaanta kuwii ugu sareeyay ee markii dambe SNM ka mid noqday, Nin sarkaal sare ahaa oo la odhan Jiray Naaleeye kana soo jeeday Reerka Cabaas ayaa kaxeystay si uu shirka uga qayb galo gaadiid shacbi.

 

Markii Baligubadle la geeyay ayaa ninkii dirawalkii gaadhiga furihii ka qaaday oo ku yidhi “Sug aad dib ii celisid marka uu shirku dhamaado” Muuse Biixi madaxweynaha Somaliland oo markaasi hormuud ka ahaa jabhada SNM ayaa yidhi “Ninkii furaha iska wareeji gaadhigan waxaa la saarayaa Inna Oomaar oo lacagta ergada kasoo qaaday Diridhaba” Oomaar waxaa uu wakhtigaasi ahaa agaasimaha lacagta ee ururka.

 

Ninkii sarkaalka ahaa ayaa diiday in furaha gaadhiga bixiyay, Muuse oo ka cadheysan go’aanka uu diiday ninka Sarkaalka ee ka tirsan Jabhadu ayaa Dhirbaaxo ku dhuftay, Ninkii sarkaalka ahaa waa uu Ooyay, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “Ninku wuu iga Tol badanyahay”.

 

Markii ninkii dagaalkii ka fadhiistay ee Muuse-na dagaalamayo ayaa nin ka mid ahaa dadkii majaajileystayaasha ee Ergo-ada u sheekaynayay kasoo Booday buul yar oo ay ku jireen madaxda SNM markii uu arkay ninkii oo la dilayo ayuu Muuse si uu iga celiyo ninka kale ku yidhi “Muusoow Sharciga haka Boodin, Haddaad ka Boodo wuu kugu Boodi”

 

Muuse ninkii wuu ka istaagay oo raali galiyay isagoo sharciga ka Cabsi qaba, Talladana ka qaadanaya Odeyaasha ka waaweyn ee dagaalka jooji leh.

 

Sheekadan oo uu ila wadaagay aabahay Cabdi Cali  oo wakhtigaasi ahaa dirawalka furaha laga qaaday, waxaa i xusuusisay Sharciga maalinba walba lagu tumanayo ee madaxwaynuhu Daawanayo.

 

Madaxwayne waxaan ku leenahay Sharciga haka Boodina, haddaad ka Boodaan, wuu idin ku baadi.

 

Maalin walba xadhig aan sharci ahayn ayaa muwaadiniintaasi waajahayaan ee sharciga kusoo noqday, cid walba maanta adigaa u madaxweyne ah oo lagaala xisaabtamayaa.

 

 

 

W/Q: Ilyaas Cabdi Cali

Hargeysa Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here