Madaxwayne, Tagtaye Maxaa Lagugu Xusuusan Doonaa?- W/Q: Mohmoud O. Osmaan

0
225

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Somaliland soo xukumaayey 7 sanno oo xidhiidh ah. Maanta ayuu xilka madaxwaynenimo ku wareejiyey madawaynaha cusub ee la doortey Muuse Biixi Cabdi. Marka hore waan u duceynayaa in Alle cimri dherer iyo caafimaad qab siiyo. Mar labaadka se waxaan xusi doonaa tiraba dhawr qodob oon marnaba shacabka Somaliland ku xusuusan doonnaan intii uu talada dalka hayey. Ugu danbeyntiina waxaan talo iyo ducaba iskugu dari doonaa madawaynaha cusub ee maanta xilka la wareegay Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxwayne kasta oo xukun dal ka degga dunnida waxa laga qoraa oo lagu xusuustaa wixii uu galey iyo wixii uu gudeyba intii uu xukunka hayey. Madaxwaynayaasha dalalka dunnida soo marana laba mid uunbay noqdaan; madaxwayne la mahadiyo oo kaalintiisa hoggaamiyenimo la tebo iyo madaxwayne marka uu talada dalka ka deggo shacabkana culeys ka deggo oo ay ku farxaan tegitaankiisa, Siilaanyana maanta dareenka shacabka ayaa laga qiyaas qaadan karaa labadaasi midka uu noqdey.

Madaxwayne Siilaanyo ilaa maalintii uu xilka la wareegay waxa is qoreysay taariikh mid togan iyo mid tabanba. Shacabka uu intaasi hoggaaminayey ma ilaabi doonaan qodobadan;

  1. Somaliland oo noqotey maalintii uu Siilaanyo xilka la wareegay; waddan dulmigu baro bixiyey cadaaladii. Tusaale yar, bal u fiirso waddankii oo sharcigiisu wadhatada gannaaxaayo iyo hooyooyinka danyarta ah ee nolosha la daaladhaceya. Halka kan ladana garab siiyo oo u hiiliyo. Caddaaladda iyo sharciga Somaliland ayaa noqdey dhallanteed ay shacabku moodeen biyo.
  2. Waddankii oo muddadii uu Siilaanyo xukunkiisa hayey dhallintiisii lagu dhiiri geliyey in ay noqdaan 95% shaqaale, halka 5% ay doonaayaan in loo shaqeeyo.
  3. Madaxwayne Siilaanyo waxa kale oo intaa uu xilka hayey Somaliland waxay noqotey waddan wax waliba iib gariimad ah noqdeen, siiba cadaaladii, sharcigii, garsoorkii, wax barashadii, caafimaadkii, siyaasiyiintii (mooshin-quute) IWM.
  4. Tan waa lagu xusuusan doonaa Siilaanyo; in waddanka sicir bararku cirka marayo. Dadku aanay iska dabooli karayn, dawladdiisiina in ay ku dalacdo mooyaane in ay daboosho ka gaabisey.
  5. Isla tana waa lagu xusuusan doonaa; Qorshe xummo ragaadisay qarankii ilaa maalintii aad xilka la wareegtay madaxwayne. Tusaale; bal qiyaas 10,000 oo araday oo sannad walba jamacaddaha ka qalin jabinaya oo been loogu sacab tumo, oo aanay jirin wax qorshe ah oo ay dawladdu u meel dhigtey.
  6. Waxa kale oo dawladdii uu Siilaanyo horseedka ka ahaa lagu xusuusan doonaa, in shaqooyinkii iyo deeqihii waxbarasho ay ku saleysay qabyaalad iyo jufo jufo reero, Oo ay tahli kari waydey in ay ku qeybiso deeqaha waxbarasho iyo mashaariicda caddaalad iyo aqoon.
  7. Abid Somaliland may soo marin dawlad ka boob iyo hanti urursi badney xukuumaddii Siilaanyo, tusaale; Imisa wasiir, agaasime, safiir oo madaxwayne Siilaanyo uu saxada siyaasadda Somaliland keenay oo iska daa in ay ummadda wax u qabtaane ay iyagu wax ka qabsadeen, oo markii danbena shacabkii ay hoggaanka u ahaayeen muraayadaha ka dalacdeen.
  8. Madaxwayne maanta waxa kale oo taariikhdu xusi doontaa oo aanu kugu xusuusan doonaa; is-dabarin xadhkaha goosatey iyo is-qabsi joogto ah, iyo weliba heshiisyo saacad saacad loo galo.
  9. Tariikhda ayaa sidoo kale tan xustey; in masaakiinta guryaha dawladda ku jirtay debeda la wadho, guryahoodana la iibsadey. Shilimaad yar yarna shacabkii ku doortey ka qiimo roonaadey.
  10. Madaxwayne ma sheegayo oo keliya dhalliishii xukuumaddada iyo meel ka dhacyada ay sameysay laakiin waa xaqiiqo jirta, ciddi maanta ma diidi karto in muddadii aad xilka haysay; maamul hoosaadkii aad dirsatey ay qandaraasyada dawladda ee masiiriga ah ku kala seexexan jireen aqal hoostii iyo meelo mugdi ah oo ummadda iyo qaranka ka qarsoon, ayna diideen in dibada la keeno waxa jira.
  11. Waxa kale oo ay shacabku kugu xusuusan doonaan in aad noqotey madaxwaynihii koobaad ee soo mara qaranka ee noqdey madaxwayne dirtey kelligood taliyaal aan taladada qaadan oo iyagu isku taliya.
  12. Waxaa kale oo aan qarsoomin madaxwayne intii aad xilka haysay, in musuqii aad ballan qaadey in aad wax ka qaban doontid uu sii labbo jibaarmey, tusaale yar; waxa laga war hayey 50 Million ee ay dawladdaha shishiyee dawladdada gacanta ka geliyeen si ummaddu u hesho biyo nadiif in aan maanta laga warami karin meesha ay ku danbeysay sidoo kalena shacabkii sidii aad ogeyd wakhtii aad olalaha ku jirtey yihiin weli, biyihii nadiifta ahaaee ballan qaadeyna weli soo socdaan.. Madaxwayne Ogaw geel ninkii lahaa dhacayo in aan la dhicin karayn. Aakhirro ayey xisaabi jirtaa.
  13. Madaxwayne waxaa shacabka Somaliland kaga markhaati kacayaan in 20-kii waxqabad ee ugu waaweynaa ballan qaadyadaada ay intani ka qabsoontey intii kalena xoorisey;

-Darajadii ciidamada

-Lacag-kordhintii heer qaran ee shaqaale dawladdeed.

-Giinbaartii la bedelay.

-Lacagtii ardayda dugsiyada, hoose dhexe oo laga daayey, in kasta oo dib loo soo celiyey weliba kor loo sii qaadey.

-Dayactirka-airports-ka iyo waddooyinka qaar.

Madaxwayne 15kii wax-qabad ballan-qaad maxaad shacabka ugu bedeshay? Muwaadin baadh adigu wixii kale ee aad odhan karto maanta wuu fuliyey madaxwayne Siilaanyo.

  1. Madaxwayne maanta deynta aad ka tagtey waxay ka badan tahay tii ka horeysay ee adiga xukuumaddaada lagag tagey. Madaxwayne ma ogtahay in haddii aad Hargeisa oo dhan sadaqad u bixiso, in ay kaaga wacan tahay adoo kun-shilling oo xaaraan ah aad iska ilaaliso.
  2. Ugu danbeyntii madaxwayne waxaad noqotay madaxwayne wax badan oo lagu xusuusan doono, shacabka Somaliland kuma ilaabi doonaan, weliba ma ilaabi doonaan wixii aad kula ballantey eed kaga baxdey, siiba ma ilaabi doonaan wax aad dib ugu celiso mooyaane aad iyagii dib u sii baadhatey adiga iyo xukuumaddaaduba.

Madaxwayne eedu adiga maaha ee waa adeeggayaashaadii aad dirsatey ayaa aakhirro u direy sharaftaadii, hoggaamintaadii, iyo himiladdii aad qabtey.

Khudbadaadii maanta waxaad ku codsatey in lagu cafiyo, anigu ku cafiyey laakiin shacabku iyaga ayey jirtaa. Aakhirrona xisaabi way jirtaa ee Alle wixii danbi aad umaddan ka gashey hakaa dhaafo.

Ugu danbeyntiina madaxwaynaha la doortey isga iyo ku-xigeenkiisa waan u duceynayaa in Alle xilka ku asturo, masuuliyadaasi ay ummaddana u qaadeen Alle la garab galo.

Talo se waxaan u soo jeedinayaa; Samaha waddanku waa xoriyad, caddaalad, sinnaan, wadajir iyo wax wada qabsi. Waa in loo sinnaado, sharcigii, mashaariicdii, aqoontii debedeed, shaqadii, siyaasadii. Taasi waxay keenay horumar balaadhan ee xusuusnada.

 

Mohmoud O Osmaan

Freelance journalist & Photographer

Hargeysa, Somaliland.

Email: mohoomer@gmail.com

Facebook: Mohmoud Osmaan

Mobile: +252634129326

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here