“ Madaxwaynuhu Hadduu Kii Laga Cabanayay Dirto, Annagu Isaga Ayaanu Xisaab Ugu Noqonaynaa…Warbixin U Dembeysay Waxa Ay Sheegaysay Inuu…..”

0
52

HUBAAL TV Ka DAAWI?+AKHRI: Salaadiinta Galbeedka Somaliland Oo Hoosta Ka Xariiqay Heerka Ay Le’eg Tahay Kalsoonida ay Ku Qabaan  Guddidii Madaxweynuhu U Saaray Tabashadooda

 “ Madaxwaynuhu Hadduu Kii Laga Cabanayay Dirto Iyo Haddii Uu Ku Kale Diro, Annagu Isaga Ayaan Xisaab Ugu Noqonaynaa…Warbixin Uu Madaxweyne Ku Xigeenka Gaadhsiiyey Waxa Ay Sheegaysay Inuu…..”

Boorame (Hubaal)-Salaadiinta dhaqanka ee gobolada galbeedka Somaliland ayaa manta shir jaraaid ku qabtay gudaha magaalada Borama, waxana nuxurka iyo saldhiga shirkaasi jaraa’id saxaafada u soo koobay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka ee Galbeedka Somaliland Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, waxana uu faahfaahin ka bixiyay, kulankii ay madaxwaynaha la yeesheen iyo wixii ay isla af-gaadheen.

Suldaan Dhawal oo hadalka ku bilaabay salaam guud kadib ayaa yidhi “Haddii aan nahay salaadiinta dhaqanka ee gobolada Galbeedka, waxa noo qorshaysnaa in aan hormarinta gobolada galbeedka geed dheer iyo mid gaabanba u fuulno, waxa qodobada noo qorshaysan ka mid ahaa inaa tabashada dadka aan hogaanka u nahay ee ka bilaabata heer wasiir ilaa heel shaqaale aan kala xaajoono cida ay khusayso, waxa aan 13 maalmood ka hor tagnay Hargaysa, waxa aan kulan la qaadanay Madaxwaynaha, M/Ku Xigeenka iyo madaxtooyada iyo wasiiro kaleba, waxa aan qoraal ahaan ugu gudbinay tabashadii beelaha aan matalnaa ay qabeen, waxa aan intan ku darnay inaan qodob qodob ugu dul akhrino, 4 oday oo aan iska dhex dooranay ayaa hadalkii qaatay oo iyaguna qodob qodob u adkeeyay tabashadii aan qabnay ee aan madaxwaynaha u gudbinay, Madaxwaynuhu arintayadii wuu aqbalay oo uu naga gudoomay, waxana uu noo sheegay inuu gudo galayo”.

Salaadiinta AWDALSuldaanku isaga oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Anaguna waxaan u sheegnay Madaxwaynaha inaan muddo sugayo, Warbixintii u dambaysay ee uu nagu soo celiyay oo M/Ku Xigeenka iyo koox uu ku jiro ay nasoo gaadhsiisay waxa ay sheegaysay inuu Guddi arintii u saaray”.

“Halkaa marka ay joogto arintu waxa aan daba taaganahay ee aan wax ku doonaynaa waa qoraalkii saxeexnaa ee shaabdayadu ay ku dhajisnayd ee aan u gudbinay Madaxwaynaha, ka aan  sugaynaa ee aan saacadaa la joogo ilaa saacadii aan bilawnay  wax ku rabnaana kaasi weeye, anaguna Wasiiro waxba kama sugayno, cid kalena wax kama sugayno, cida aan wax ka sugayno ee aan la xisaabtamaynaa waa Madaxwaynaha” ayuu yidhi Sul. Dhawal.

Mar uu suldaanku ka warmayay gudida uu madaxwaynuhu u magacaabay tabashadan ka daba tageeda iyo warqadii heer gobol ahayd ee ka soo baxday Madaxtooyada ee lagu magacaabay gudidaasina waxa uu yidhi “Gudida madaxwaynaha ayaa dirtay, warqada dambana way kooban tahayoo gobol ayay ku warwareegaysaa, laakiin anagu warqada hore ee balaadhan ee aan qornay ayaan u fadhinaa ku dhaqankeeda, Madaxwaynuhu haduu kii laga cabanayay dirto iyo hadii uu ku kale diro isaga ayay u taalaa, anaguna isaga ayaan xisaab ugu noqonaynaa, dalkana waa dal la wada dhistay, waa dal tacab iyo hawl badani naga gashay, maantana halkeedii ayaan kaga jiraynaa, wixii nagu waajib ahna waan qabsanaynaa”.

Suldaan Dhawal waxa uu ugu dambayntii si cad oo aan shiki lahayn u qeexay meesha iyo cida ay wax ka doonayaan waxana uu yidhi “Waxa aan wax ka doonaynaa waa dal aan leenahay, waxa aan wax ka doonaynaana waa dad aan wax wada leenahay, waxa aan aaminsanahay in dadka iyo degaanka dal lagu yahay, sidaas aawadeedna Dawlada iyo Khayradka Dalka la wadaago oo loo siman yahay, ma jirto wax kale oo anagu aan doonayno, wax nagu siyaado ah uma baahnin, wax aan leenahayna inaan sheegano ka aamusi mayno, wax intaas noo dheer oo naga saa’id ahna ma jiro, mana jiraan wax kale oo dheeraad ah oo dhinacayaga jira ama cid kale oo anagu aan uga wakiil nahay.

salaadiinta-awdal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here