“Madaxweynaha Cusub Iyo Xukuumadda Uu Soo Dhisi Doono Waxan Ku Boorrinayaa Kor-u-qaadiska Garaadka Bulshadeena”

0
107

“Hiigsigii Iyo Himilooyinkii Ay Xukuumaddaydu Lahayd, Ayey Ka Mid Ahayd In La Suurto Geliyo Hirgelinta Xarumahan [Waayo] Waxay Kaabayaan……” – Madaxweynaha Xilka Ka Degaya Axmed M. Siilaanyo 

Hargeysa(Hubaal) -Madaxweynaha xilka ka degaya dhawr maalmood ka dib ee  Somaliland,   Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay ka qayb galay xafladda lagu furayay maktabad akhris oo isaga loogu magac daray taasi oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa. Maktabadan oo qorshuhu ahaa markii dhismaheeda la bilaabay magaceeda in laga dhigo Somaliland National Library ayaa haatan waxaa loo bedelay (Silaanyo National Labrary), waxaana munaasibadda wanqasheeda ka qayb galay   mas’uuliyiin kala duwan,  madaxda xisbiyada qaran, wasiirro iyo siyaasiga caanka ah ee Cali Khaliif Galaydh. Ugu horayn waxa munaasibadaasi ibo furay guddoomiyaha maktabaddan  Axmed Daahir Cilmi oo ka waramay duruufihii kala duwanaa ee ay soo martay maktabada qaranku waxaanu guddomiyuhu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Silaanyo uga mahad celiyay doorkii muhiimka ahaa ee uu hawshan ka qaatay, waxa sina halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe isagoo sheegay in uu madaxweyne Axmed silaanyo uga mahadcelinayo juhdiga uu galiyey xaruntan isagoo ku taliyay in laga wada qayb gallo hor u marinta maktabadani. Madaxweynhaa Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo isagu xadhiga ka jaray rugtan loogu magac daray isaga ee akhriska buugaagta, ayaa halkaasi khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey waxaana khudbadiisa uu ku bilaabay: “ Mudanayaal iyo marwooyin, Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay madaxweyne ahaan, in aan idin kala soo qayb-galo, xafladdan lagu daah-furayo xarunta keydka kutubta qaranka. Waa munaasibad taariikhi ah, oo horumar iyo yididiilo u leh guud ahaanba qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan da’yarta, iyo jiilka dambe ee jecel akhriska, qoraalka iyo daalacashada cilmiga. Hiigsigii iyo himilooyinkii ay xukuumaddaydu lahayd, ayey ka mid ahayd in la suurto geliyo xarumaha keydka kutubta qaranka (National Library), heer qaran, heer gobol iyo heer degmo. Al-xamdu-lilaahi rabbil caalamiin, Maantaba waxa si rasmi ah inoogu suurto gashay inaynu xadhiga ka jarno xaruntii ugu horraysay ee keydka kutubta qaranka, taasoo laga hirgeliyey caasimada dalka ee Hargeysa.  Mudanayaal iyo marwooyin, Hirgelinta xarumaha aqoonta ee noocan oo kale ahi waxay kaabayaan, korna u qaadayaan garaadka iyo hal-abuurnimada bulshadeena. Sidaa darteed, madaxweynaha cusub mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaan ku boorinayaa inay halkaa ka sii wadaan dhsimaha iyo ballaadhinta xarumaha kaydka kutubta iyo aqoonta ee dalkeena. Ugu danbayn, waxaan mahad-naq iyo hambalyo u dirayaa cid kasta ii gacan ka geysatay hindisihii iyo hirgelinta xarunta keydka kutubta qaranka, gaar ahaan guddoomiyaha xarunta keydka kutubta iyo guddidii la-shaqaysay”.ayuu yidhi madaxweynuhu

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here