Morgan ciyaar-ciyaar mood cidii uu doono dalka dibadiisa ayuu uuga yeedhaa oo shaqo dalka ka siiyaa ama qandaraasyo
Madaxweyne Silaanyo waxa magacii ka dilaya Morgan iyo marwada oon midna dan ka lahayn dalka lacag mooyaane. Waxay la hiishadeen da’da gondo dhegtey odeyga
Waxa biyo kama dhib caan ah in Morgan dalka xukumo isagoo la tashada sodohdii Amina Weris iyo wasiiro dhowr ah uu ka mid yahay wasiirka duulista iyo hawada iyo wasiirka macdanta. Wasiir Xirsi waa shaqaale fiican oo gudbiya qaraarka qoyska ka soo baxa. Silaanyo haba yaraatee wax xukun ah oo gacanta uugu jiraa ma jiro sabab too ah wuu gaboobay oo si fiican baa madaxtooyada loogu xanaaniyaa wixii saxeex u baahan baa laga dhameystaa isagoon garaneyn wuxuu saxeexay waxay yihiin. Silaanyo ha loo gurmado wuu dulamanyey e. Morgan maalintii reer Haatuf maxkamada la keenay wuxuu
ka soo galay halka danbe ee xaakim ku ka soo galo dabeed waxa isu taagay oo gacan qaaday xaakinkii maxkamada. Morgan markiiba wuu baxay isagoo talaaba dheereynaya oo isla ka baxso sawirada war baahinta oo nabad sugid iyo Body guardo ay hareeraha ka socdaan. Morgan Shirarka dalka dibadiisa kuu doono wuu ka qeyb galaa qaar aan la ogeyn na wuu ka qeyb galaa. Morgan baayaca mushtarka qoyska Silaanyo ee xamar ka socda isaga ayaa ka masuula, .
Dhaqaala ahaan qoyska Silaanyo waa millionaires. Qandaraas yada Somaliland ka baxa ilaa Morgan yidhaa cidaa siiya lama bixiyo. Wasiirada kuwa dakhli badan oo lacag ihi soo galo Morgan baa qoyska Silaanyo u qaabilsan in uu la xisaab tamo oo ka soo qaado.
Morgan ciyaar-ciyaar mood cidii uu doono dalka dibadiisa ayuu uuga yeedhaa oo shaqo dalka ka siiyaa ama qandaraasyo. Silaanyo inamadiisa mid qudha oo shicibku yaqaan magaciisa ma jiro waayo ma soo dhex galaan xukunka laakiin Morgan oo Silaanyo iyo Amina Weris aad uugu kalsoon yiin ayaa cid waliba taqaan oo ummada oo dhami ay weliba aad u neceb yiin. Amina Weris ma ogola in Silaanyo is dhiibo ilaa inta uu yara socon karayo oo in ay sidaa dalka ku xukumaan bay doonayaan waa se wax isa soo guraya oo ilaa wareysigii Mohamed Biixii ee BBC da ninka ajanebiga ihi wareystey ayaa waxa la weydiiyey caafimaadka silaanyo oo laga deyrinayo. Markaa dibada iyo gudahaba odeyga waa laga ogyey in aannu caafimaad qabin ee dadkaa aan soo sheegay baa meeshu ku xanaaneeya oo kul dul sukuma dalka si ay hanti badan u lunsadaan
Abdi Mustafe