Djibouti (Hubaal/BBC)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle iyo mucaaridkiisa, ayaa eedo kala duwan oo la xidhiidha habka dalkaas loo maamulo isweydaarsaday, waxana labada dhinac hawada isu mariyeen eedo kala duwan.
Madaxweynaha iyo hoggaanka isbahaysiga Mucaaridka ah ee USN oo la waraysi ay iskugu jawaabayaan siiyey idaacadda BBC-da, ayaa midba midka kale ku tilmaamay inuu khalkhal iyo majaro-habaabin ku hayo umadda reer Djibouti, isla-markaana loo baahan yahay in dalka laga qabto.
Ugu horrayn madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in mucaaridka Djibouti caado ka dhigteen inay dafiraan Dawladdiisa, isagoo tilmaamay in ujeeddadoodu tahay kaliya inay kursiga dalka ku fadhiistaan, taasna aanu dhegaysan Karin,“mucaarid yidhaahda dawladdu way qaldan tay waan aragnaa, laakiin mucaarid yidhaahda dawladdi ma jirto kaasi mucaarid ma aha, kuwanina wali dumuqraaddiyadu waxa ay tahay ayey baranayaan, qof aan siyaasad xidhay ma hayno, qof la dilayna ma hayno, laakiin haddii uu damacsan yahay meeshan ka kac anigaa ku fadhiisanayee kaas lama yeelayo wuxuu doonayana ha yidhaahdo, wuxuu doonayana France ha u diro, waxa aanu ku noollahayna waa nabadda.”ayuu yidhi Madaxweyne Cumar Geelle.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay isaga ka go’an tahay xoojinta iyo adkaynta Nabaddu, isagoo ajaanibka dalkiisa joogana ku sheegay inay uga jeedaan inay nabadda caalamka qaybtooda qaataan, waxana uu yidhi,“mucaarid baa hadli iyo heblaayaa hadli aniga waxba igagama jiraan, laakiin shacbiga waxan ugu dhaartay inaan nabad keeno, budjet-kayaga markaad eegto 10% ma aha waxa aanu ajaanibka ka helnaa, laakiin waxa aanu annagu u samaynayno ayaa ka badan, laakiin qaybta aanu ku leenahay nabadda adduunka weeye waxa na waddee ma ahaa lacag baad ka qaadataan.”
Dhinaca kalena guddoomiyaha Isbahaysiga mucaaridka Djibouti Axmed Yuufuf Muxumed oo isaguna madaxweynaha u jawaabay, ayaa guul ku tilmaamay inuu madaxweyne Geelle qiro jiritaanka mucaaridka, waxana uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka shaqayso burburinta mucaaridka, “ina geelle waxa laga hayey mucaaridba ma jiree laakiin haddii uu na ictiraafay taasaaba qaali ah, laakiin mucaaridku waxa uu ku dhisan yahay nabadda, horumar waana maamul ay dadku wadaagi karayaan, si kasta oo uu noo kala daadiyo mooyaane wax kale kama shaqeeyo, waana ninkii doorashadii 2013-dagaalka nagu qaaday, laakiin haddana wali nabaddii waanu ilaaliinaynaa.”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Muxumed.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Dawladda dalka Djibouti ka dhisani shacabka dhibaato badan ku hayso, isla-markaana mucaarid ahaan loo diidan yahay waxyaabaha distoorku u oggol yahay, waxana uu yidhi,“dawladda shaqadeedii waxa ay noqotay umadda Djibouti sidaad u baabi’isaa, waxa ay karti leeyihiina umadda ayuun baa lagu jeediyaa, distoorku waxa uu noo ogol yahay baa naloo diiday oo ma dhaqaaqi kartaan baa la yidhi,”