Tehran (Hubaal/W.Wararka) Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa joojiyay imtixaan laga qaado sanad walba shaqaalaha dowladda sababtoo ah walaac laga qabo inay dumarka ka eexanayo.
Mr Rouhani ayaa amray in la joojiyo 3000 oo shaqo oo la bixinayo, lagana fikiro haddii ay ragga u eexanayaan. Qaar ka mid ah hay’addaha dowladda, sida maxkamadda milateriga ayaa waxaa gacanta ku haya niman mayal adag, waxayna shaqooyinka u furan tahay oo kaliya ragga. Mr Rouhani ayaa lagu yaqaanaa inuu difaaco xuquuqda dumarka. Wuxuu u magacaabay dhowr dumar wasiiradiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka deegaanka Masoumeh Ebtekar iyo Marzieh Afkham, oo ahayd afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, intaan laga dhigin safiirka Malaysia sanadkii hore. Ms Afkham ayaa ahayd safiirkii ugu horeeyay oo dumar ah. Laakiin ururrada bulshada ayaa sheegaya in Rouhani ay tahay inuu wax badan ka qabto shaqo la’aanta dumarka. Dumarka Iran ayaa sameeyay horumar badan dhinaca waxbarashada tan iyo markii uu dhasahay kacaanka Iran 1979, hadda 60% ardayda ka qalan jabisa jaamacadaha ayaa ah dumar. Laakiin shaqooyinka ay helaan ayaa aad u yar. Tiradii ugu danbaysay ee ay soo saartay Iranian National Statistics ee 2013 ayaa sheegaysa in 12.4% oo dumar ah oo kaliya ay shaqeeyaan.