Madaxweynaha Jabuuti Oo Si Meeqaam Heer Caalami Ah Ku Qaabiley Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii

0
113

Madaxweyne MBC Markuu Ka Degey Madaarka Waxa Uu Salaan Ka Qaatay Ciidamada   Jabuuti Ka Dibna Waxa Loo Sii Gelbiyey Dhinaca Qolka Nasashada (VIP)-da Oo Uu Ku Sugayey Madaxweyne IOG

 

  Qaabkee Madaxweynaha Somaliland Loo Soo Dhaweeyay Markii Uu Gaadhay Jabuuti

Djibouti(Hubaal):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada. Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban, waxaa uu ka dembeeyey  marti-qaad rasmi ah  oo uu u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxaana madaxweyneha safarkiisa   ku wehelinaayey: Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon),  Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan iyo  Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale

Markii Uu Madaxweynuhu Ka Degey Dhabbaha Diyaaradaha Jabbuuti iyo Meeqaamkii Lagu Soo Dhaweeyey

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa shalay subax  Safarkiisii ugu horreeyey ee uu dalka kaga baxo intii uu xilka qabtay ku tageen, waxaana Gegeda Diyaaradaha Caasimadda Jabuuti ku qaabbilay Madaxweynaha Dalkaas iyo Masuuliyiin kale.  War ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Somaliland ee Warbaahinta qaabbilsan oo  Nuqul ka mid ahi soo gaadhay HUBAAL,  ayaa faahfaahiyey    Soodhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi uu u sameeyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaannu iu dhignaa sidan:   “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si heer caalami ah, meeqaamkeeduna sareeyo loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, markii ay gaadheen madaarka diyaaraha ee dalkaasi, oo ay ku sugayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xubno ka mida golihiisa wasiiradu. Markii ay soo cagadhigatay diyaaradii siday weftiga madaxweynaha Somaliland oo iyadu ahayd diyaarad khaasa oo madaxweynaha Somaliland ka qaatay madaarka Cigaal International Airport, geysayna madaarka Jabuuti, iyadoo ay madaxweynaha ku hoos sugayaan diyaarada wasiirada Arrimaha dibeda iyo wasiirka maaliyada ee Jabuuti iyo xubno kale oo ka mida dawladda Jabuuti oo uu wehelinaayey safiirka Somaliland u fadhiya Dalkaasi.  Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ka dibna waxa loo sii gelbiyey dhinaca qolka nasashada (VIP)-da oo uu ku sugayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle oo isagu marti-qaadka u fidiyey madaxweyne Muuse Biixi si balaadhana u qaabiley una soo dhaweeyey dhigiisa Somaliland ayaa qadar nasasho ah ka dib madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey Hotel Kempinski oo ay weftigu ka degan yihiin.

 

Waxaana la filayaa in uu maanta si rasmi ah u qabsoomi doono kulanka labada madaxweyne ay yeelan doonnaan, kaasi oo noqon doona mid lagu soo qaado lagagana wada hadlo danaha labada dal iyo ta geeskaba.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah ee HUBAAL  soo gaadhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here