“Madaxweynaha & Janankiisa Millatariga Waxan U Sheegayaa Inaan Dhulka Seesayo Oo Hadda Wixii Ka Dembeeya Uu Dulqaadkii Iga Soo Dhammaaday”

0
47

Suldaan GALAAL Oo Ka Hadlay Dhul Uu Masallaha Hargeysa Ku Leeyahay Oo Ciidammada Qaranku Iska Hortaageen Jeexidiisa

Hargeysa (Hubaal)- Suldaanka labaad ee Beelaha Ciidagale Suld. Maxamed Cabdillaahi Xuseen (Galaal) ayaa  xukuumadda iyo ciidankeeda qarankaba uga digay faro gelin iyo is hor taagid ay ku sameeyeen dhul  ku yaalla koonfurta madaarka Hargeysa oo  ka baxsan xadka loo xidhay garoonka iyo inta ay ciidammada qaranku sheegtaan.

Suldaan Galaal oo xalay nagu soo  booqday xarunta wargeyska HUBAAL, waxaa uu ka warramay dhacdooyin is xigay oo la xidhiidha dhul cabirkiisu yahay Hal balloog oo ku yaalla duleedka koonfureed ee madaarka kaasi oo degaankoodu ka bilaabmo beeshiisa.  Isaga oo sheegay in sanadkan bilowgisii uu  uu muwaadin hantille ahi iibsaday Balloogan isaga oo sifo sharciya u maray sharciyadiisa, hase ahaatee markii u udamcay in uu jeexdo ama uu seeso ay hor istaageen cidammada qaranku, halkaas oo uu  suldaank usheegay in  uu waanwaan ka galay sidii uu ciidammada qaranka uga furdaamin lahaa haysashada dhulkiisa.suldaan galaal

 Haddaba xog-waran dheer oo uu suldaanku kaga hadlayo sida wax u dhaceen waxaa uu ku bilaabay: “Waxaan idiin sheegayaa oo aan idiinku imi arrin beryahanba ka taagnayd dhulka eeriboodhka Hargeysa ka dembeeya ee beeshu [Ciidagale] degto, kana baxsan dhulka soonaha ciidanka qaranku ay sheegtaan, halkaas oo uu nin caaqil reerkayaga ahi ku lahaa dhul cabirkiisu yahay hal Baloog [1 Block]” sidaa ayuu  yidhi Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen [Galaal], waxaanu intaa ku daray “ sida ku  cad warqadda heshiis nootaayo oo laba dhinac ku kala saxeexdeen heshiis ku taariikhaysan 5/1/2015, waxa  jirtay in nin dhalinyaro ah oo ka tirsan beeshaydu uu gaadhi ka kaxaystay kaantaroolka Halleeya [duleedka Hargeysa],  halkaas oo markii uu la baxsaday uu gaadhigii kula qallibmay aagga Dacar-budhuq, gaadhigaas oo uu lahaa nin Habar Yoonis ah [reer Sugulle], arrinkaas ayaa aniga waxaa iila yimi odayaashii ninka gaadhiga laga kaxaystay oo waxay igu yidhaahdeen Suldaan Arrinkaas  baa dhacaye wax ka qabo. Dabadeedna aniga iyo Caaqil kale oo raaskayga ah oo la yidhaahdo Caaqil Cali Cabdi Wacays ayaa galnay arrinkii, waxaana aanu go’aansanay in dhul Hal Baloog ah oo Caaqil Cali Cabdi Wacays iska lahaa  oo ku yaalla masallaha Hargeysa dushiisa sare aanu iibino si aanu ugu  kala furano labada nin ee khasaaruhu dhex yimi, isla markaa waxaanu ka iibinay hantiille beesha Ciidagale ka tirsan, sidaasi ayaanu dabadeedna ku dhammaynay wixii kala gaadhay labada nine.

Intaa dabadeed, Hantiilihiii aanu dhulka ka iibinay ayaanu damacnay inaanu dhulkii u calaamadino si uu u  seesto. Haddaba markii aanu tusnay dhulka  uu naga iibsaday ayuu soo diyaarsaday dhagaxii  iyo niistii lagu seesayay, markii hawshaasi bilaabantayna waxaa is hortaagay oo joojiyey ciidanka qaranka oo sheegay inay iyagu iska leeyihiin dhulkan, dabadeedna aniga ayaa maalintii dembe cagahayga ku tegey dhulkii, waxaanan la kulmay niman saraakiil ah iyo ciidankii qaranka oo iyaguna goobta yimi isla markaana joojiyey  jeexiddii dhulka. Waanu wada hadalnay waxaanan ku heshiinay aniga iyo nimankaas saraakiisha ahi in arrinkaas cagta loo dhigo iyagoo iga codsaday suldaan ahaan inaan ayaamo dhawro oo aan ka war sugo.  Muddo kadib waa ay igu soo noqdeen saraakiishii waxaanay ii sheegeen in   balloogani aanu ka tirsanan dhulka ciidammada qaranku ilaashadaan, hase ahaatee waxa ay si kor ka xaadis ah iigu carrabaabeen in xanjo meel yar oo gaar ah ugu naban tahay, sidaa darteed aan waqti kale siiyo  inta uu arrinkaasi u soo dhammaanayo, aniguna ma diidinin ee waan ka aqbalay oo waxaan ka  war sugayey muddo dhawr bilood ah, dabadeedna  ugu dembeyntii  haddana waxa ay igu soo war celiyeen   inaan dhulkani ahayn dhulkii ciidanka qaranka, balse  Suldaan ahaan ay ku quman tahay dhammaynteedu in uu u tago oo uu soo baryo  taliyaha ciidanka qaranka.  Aniguna suldaan Galaal ahaan waxaan ugu hal celiyey nimanka ii yimi in aanay sharaftayda ahayn inaan  gacmo hoorsado taliyaha oo dhulkayga aan xaqa u leeyahay weydiisto,  umana tagayo kana ag wareegi maayo ayaan ku idhi.  Sidaasi ayaanu  ku kala tagnay, muddaduna waxa ay haatan maraysaa siddeed bilood oo aan  dhawrayay  nabad galyada iyo maslaxadda ummadda. Hadda wixii ka dembeeya waxaan u sheegayaa xukuumadda uu Madaxweyne Siilaanyo gadh wadeenka ka yahay iyo janankiisa ciidanka qaranka in uu dulqaadkii iga soo dhammaaday oo immika wixii ka dembeeya aanan aamusnaan doonin ee aan  ku dhaqaaqayo  jeexida dhulkayga iyo seeskiisa.  Sidaasna ha ogaadaan cid kasta oo arrintani saamaynayso ama khusayso” ayuu suldaanku hadalkiisa ku soo xidhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here