Khudbad Taabanaysa Qorsha-yaasha Horumarinneed Ee Ku Jira Banaamijka KULMIYE Oo Uu Wasiir Garas ka Jeediyey Madal Uu Xisbiga KULMIYE Xafiisyo Cusub Kaga Furtay Magaallada Gabiley
Gabiley (Hubaal)- Wasiiru dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta oo uu weheliyo Xil. Maxamed Cali Xirsi (OBAMA) ayaa magaallada Gabiley ka furayo xafiisyo uu xisbiga KULMIYE ugu talo galay inay ku kulmaan taageerayaashiisa gobolkaasi ku dhaqan. waxaana khudbado ay masuuliyiintaasi ka jeediyeen kaga warrameen barnaamijka Xisbigu ugutalo galay in uu ku dhaqo bulshadiisa shanta sanno ee soo socda haddii uu doorashad aku soo baxo.
“Waxaad Ogaataan in reer Gabiley Yihiin Cidii Iska lahayd Aasaaska Kulmiye…..Madaxweynaha JSL Maalintii uu xisbiga Aasaasayay 500 oo qof baa shuruuda Ku xidhnayd inuu xisbiga aasaaso, 150 qof oo ka mid ahaa shantaas boqoli waxay kasoo jeedeen beesha halkan Debra”. Wasiiru-dawlaha macdanta MD. Yousuf Garas