Madaxweynaha JSL Oo Ugu Dambeyn Qaabilay Wefti Ka Socda Shiinaha Oo Todobaad Sugayey

0
18

Kulanka Madaxweyne Biixi Iyo Shiinaha Ma Lagu Soo Qaaday Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland?

Hargeysa(Hubaal)-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland”sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafaddeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada JSL Jimcihii shalay.

Todobaadkan ayaa waxa magaalada Hargeysa ku sugnaa danjiraha Dawladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya oo doonayey in uu Madaxweynaha la kulmo, hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa ka gows adaygtay in heer madaxweyne lagu qaabilo.

waxaanay taasi keentay in Dalka Shiinaha ay ka yimaadaan wefti kale oo heer gobol ku miisaaman oo uu hogaaminayo Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China, kaddibna uu madaxweynuhu qaabilo.

Warsaxaafaddeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa intaasi ku daray “ugu Horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu, kaas oo sababay in beesha caalamku indhaha la raacdo kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan dalka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka.”

Weftiga Shiinaha ayaa la sheegay “weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dal lahaayeen mudada dheer.

Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada dal yeeshaan xidhiidh wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.”ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay JSL oo maalmihii u dambeeyey bulshadu u dhegtaagaysay.

kulankaasi waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in dawladda Shiinuhu soo qaaday xidhiidhka Somaliland iyo Dalka Taiwan oo ay ka biyo-diidsan tahay, hase yeeshee sida horeba loo saadaalinayey xukuumadda Madaxweyne Biixi in Shiinuhu faro-gelin ku sameeyo arrintaasi way ku gacan saydhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here