“Madaxweynaha Kililka 5aad waxaan leeyahay, Dalka Somaliland Oo Ay Bajaaj Ku Dhexqarsoomi Wayday, Madaxtooyadda Itoobiya Kuma Dhexqarsoomi Karto”

0
17

“Waala Ogaa Waagii Qalalaasahu Ka Dhaceen Kililka 5aad, Iskaa Dhaaf Wax Kaloo xataa Booyadihii Shidaalka Oo Buuxa Oo Lala Soo Baxday ayay Somaliland Qabatay Oo Ay Iyaga Oo Sidoodii Ah Ku Wareejisay Dawladda Itoobiya.”

Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Cagjar

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay hadal uu Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ku sheegay in Somaliland ay ku sugan yihiin Dad doonaya inay Falal Argagixisonimo ka fuliyaan Gudaha Dalka Itoobiya. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa hadalka Madaxweynaha Kililka shanaad ku tilmaamay Meel ka dhac, waxaanu farriin u diray Madaxweyne Cagjar

Maxamed Kaahin Axmed wuxuu sheegay inay dawladda Somaliland iyo Itoobiya tobanaankii sanno ee u dambeeyey lahaayeen xidhiidh kala duwan oo xagga nabad-gelyada, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda khuseeya, dhankoodana wali ay ku taagan yihiin taaso oo aanay suurto-gal  ahayn in gudaha Somaliland laga qorsheeyo waxyaabo ku lidi ah nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka Itoobiya. “intii ay Somaliland madax-bannaanideeda la soo noqotay oo noqonaysa muddo ku dhaw sodon sano, xidhiidh aad iyo aad u wanaagsan oo aad u qoto dheer oo darisnimo, walaalnimo ayay la lahayd dawladda Itoobiya, dawladda Somaliland-na wali way haysaa wayna ku adagtay dariiqaas.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed

Wasiirku waxa uu tusaale ku filan sida ay Somaliland u ilaaliso darisnimada iyo xidhiidhka dalalka ay jaarka yihiin, rabshadihii badhtamihii sanadkan aynu ku jirno ka dhacay dhulka dawdled deegaanka Somaalida, iyo qaabkii ay dawladda Somaliland gacanta uga gaysatay dhimaca ammaanka iyo sidii ay uga hawlgashay bililiqadii lala soo galay dhinaca Somaliland, waxaana uu yidhi; “Berigii dhaweyd ee shaqaaqadu ka dhacday kililka, wax alaala iyo wixii lagala baxsaday, dawladda Itoobiya gaar ahaan kililka 5aad, sida u dhan tahay Somaliland waa dalka qudha ee aan wax ku dhexqarsooni jirin wixii bililiqo ahaa, gaadiid aad u farabadan ayaa lagala soo baxsaday kililka, gaadiidkaasi siduu u dhanaa dawladda Somaliland gacanta ayay ku qabatay, iskaa dhaaf wax kaloo xataa waxay qabatay booyadihii shidaalka ahaa oo buuxa oo ay Somaliland iyagoo sidoodii ah ku wareejisay dawladda Itoobiya.: ayuu yidhi wasiir Maxamed Kaahin. “Xataa Bajaajyo ayaa Somaliland ku dhexqarsoomi waayay, halka wax alaaliyo wixii Soomaaliya lala galay, haday hub tahay iyo haday gaadiid tahayba, iyagaa [DDS] isweydiin doona inay wax kaga soo noqdeen iyo inkale, laakiin waxaannu ka warhaynaa inaanay waxba kaga soo noqone.” Ayuu sii raaciyay

Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Gobolka Soomalida Itoobiya ayaa todobaadkan isagoo la hadlayey dadweynaha gobolkiisa sheegay in qulqulatooyinka ka socda deegamada ka mida Gobolkaa laga soo abaabulay meelo ay kamid yihiin Maamulada Soomaaliya iyo Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here