Allah how Naxariistee waxaa lagu aasay xaafada West Park Cemetery ee Magaalada Johannesburg, Dalka South Africa halgamaagii xoriyadda ama gobanimo udirirka ahaa ee dalkaas Mr. Ahmed Kathrada, Sidoo kale Madaxweynaha Dalkaas Jacob Zuma ayaa amray in calanka qaranka hoos loo dhigo si loogu baroor diiqo Mujaahidkan. Ahmed Kathrada oo sida magaciisa ka muuqata ahaa nin muslina oo kasoo jeeday qawmiyadaha caddaanka laraaciyo, Ayaa ahaa ninka sadexaad ragii ugu taariikhda wayna halkankii dheera ee lala galay Caddaankii tirada yaraa iyo xukunkii la odhanjiray (Apartheid) gumaystihi midab kala sooca. Kathrada aya siyaasadda kusoo biiray Isagoo 17jira Isagoo ku biiray urur gobanimo udirir ahaa oo 1943kii la aasaasay, Kidibna waxa uu ku biiray African National Congress A.N.C. Waxay saxibo dhow ahaayeen Mandela. Waxa laxidhay marar badan isaga iyo Nelson Mandela iyo Desmond Tutu iyo Sisulu iyo Rag kale oo badan bilowgii lixdamaadkii. 12/June/ 1964 ayaa Ahmed Kathrada iyo Nelson Mandela lagu xukumay madaxaa haku furto. Inkastoo uu Kathrada 10 sano kayaraa ragii uu lasoo halgamay ee uu u horeeyay Mandela hadana waxa uu kasoo qaatay halgankii qayb libaax. Waxa uu jeelka caanka ah ee loo dalxiistago ee kuyaala Jasiirad yar oo Cape town u dhow loona yaqaano Robben Island ku xidhnaa 26 sano iyo bil. Waxa uu noloshiisa intii wanaagsanayd ee uu xooga aha ku qaatay jeel. Inta badan Waxay meel ku wada xidhaayeen Mandela. Waxyaabihii ugu xusuusta badnaa ayaamihii uu xidhnaa waxa kamida isagoo labaatan sano inka badan arag ilmo caruur ayuu maalin dibada loo soo saaray maqlay wiil yar oo cadaana oo ooyaya Waxay ku noqotay farxad madaama oo uu uboholyoobay noloshiisi qoysnimo. Khathrada waxaa sidoo kale caan uu ku ahaa waraaqo joogto ah oo uu kasoo diri jiray jeelka oo xambaarsana dhiiri galin iyo ididiilo. Sida lagu sheegay mid ka mida buugaagtii caanka ahayd ee laga qoray Ahmed Kathrada 900 oo warqadood ayuu jeelka kasoo qoray intii u dhaxaysay 1964 illaa 1989 kii. Ahmed Kathrada oo ahaa nin aad ay ugu dhaadan jireen muslimiinta reer South Africa Sidoo kalena aad looga jeclaa dhamaan waddanka lagu naanayso “Rainbow Nation” ayaa laga dareemay geeridiisa Dalal badan oo African ah inkastoo madaxbadan oo caalamka ahi kasoo qayb galeen aaskiisa ayaanasiib darro waxaa loo diiday inuu kasoo qayb galo aaskiisa qaran Madaxweynaha South Africa Mr Zuma. Qoyska uu ka baxay marxuumku ayaa ka cudurdaartay inuu madaxweynuhu Tacsi ugu yimaado, Xaaska uu ka dhintay Kathrada ee Barbara Hogan aya sidan sheegtay. Waxaana lagu sababeeyey in Kathrada oo katirsanaa xisbiga Talada haya ee ANC uu hore ugu baaqay Madaxweynaha Mr Zuma inuu is casilo kadib markii lagu soo eedeeyay musuq maasuq baahsan. Sida darteed waxaa Dowlada uga qayb galay aaska marxuumka madaxweyne xigeenka South Africa Cyril Ramaphosa.
Qalinkii Iyo Lafa-gurkii Cabdiqani Ibraahim Selef (Kabtanka)
Hargeysa, Somaliland
realcabdiqani@gmail.com