Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa digreeto ku magacaabay guddida Xil-wareejinta muddada kala-guurka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha cusub ee la doortay, kaasi oo u dhignaa sidan;
Xafiiska Madaxweynaha La Doortay
REF: JSL/XM/WLD/009/12/2017 December 6th, 2017
Ujeeddo: Magacaabista Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah.
Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
- Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
- Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
- Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
- Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
- Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
- Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
- Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
- Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.
[
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi,
Madaxweynaha La Doortay ee JSL