Hargeysa(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay qalin-jebinta dufcaddii 17-aad ee qalin-jabisa jaamacadda GOLIS xarunteeda caasimadda Hargeysa.
Munaasibaddan ay ku qalin-jabiyeen 784-Arday oo wax ka baratay Jaamacadda GOLIS, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, hormoodka jaamacadda Golis, ardayda qalin-jabisay iyo waalidkooda, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo ardayda wax baratay, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayey sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen dhismaha mustaqbalkooda iyo wax u qabashada dalkooda Hooyo.
Ugu horrayn hormoodka jaamacadda GOLIS, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, waxana ay shaaciyeen inay soo saareen kumannaan da’yar oo ku hubaysan noocyada kala duwan ee aqoonta, kuwaas oo noloshooda wax ka beddelay.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa bogaadiyey ardayda jaamacadda GOLIS ka qalin-jabisay, waxana uu ku bogaadiyey inay u diyaar garoobaan sidii ay bulshadooda iyo dalkoodaba wax ugu qaban lahaayeen.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ardayda qalin-jabisay xusuusiyey duruufihii adkaa ee ay noloshooda kusoo qaateen dadka horumarka sameeyey iyo sidii ay usoo samreen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ardaydana looga baahan yahay inay duruufaha soo wajaha u samraan, waxana uu yidhi, “Dadkeennii hore ee miyiga ku dhaqnaa duruufo kuwan ka adag bay ku noolaayeen oo ay nolosha wax kaga saareen, bal u fiirso nin kasta oo taajir soo sameeyey Somaliland, nin Iskuul galay ma jiro, nin la gacan-qabtayna ma jiro, qof walibana isagaa isa soo saaray.”