Manila (Hubaal):- Madaxwaynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte, ayaa ugu hanjabay Saraakiisha musuqmaasuqa sameeya, oo uu sheegay inuu ka soo tuuri doono Diyaarad Hawada Sare maraysa, tallaabadaas oo uu sheegay inuu hadda ka hor sameeyey.
Madaxweynaha Philippine oo Saraakiisha Musuqmaasuqa lagu helo ugu Hanjabay inuu Diyaarad ka soo daadin doono
Madaxweynaha Philippine oo Saraakiisha Musuqmaasuqa lagu helo ugu Hanjabay inuu Diyaarad ka soo daadin doono
Wuxuu sii raaciyay in qofkii musuqmaasuq sameeya uu magaalada Manila diyaarad kuwa-qumaaatiga u kaca ah uu ka saari doono ka dibna uu hawada ka soo tuuri doono. Duterte ayaa wada dagaal ka dhan ah daroogada iyo musuqmaasuqa.
Waa sheegashadii u dambaysay ee ku aadan in madaxwaynuhu uu gacantiisa dad ku laayay. Afhayeenkiisa ayaan wax wayn ka soo qaadin hadalkaas madaxwaynaha wuxuuna sheegay in uu “dhal magaalo” yahay.
Bishan horraanteediina afhayeen kale oo la dhoho Martin Andanar ayaa sheegay in ay dhabtahay madaxwaynuhu waxyaabaha uu ka hadlo balse aysan ahayn in sidiisa loo qaato hadal kaste oo uu dhaho.
Duterte ayaa hadalkan u dambeeyay ka sheegay isaga oo Talaadadii khudbad u jeedinaya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay bartamaha Philippine.
Ciqaabta diyaaradda laiska soo tuurayo ayuu u jeediyay qofkaste oo isku daya in uu xado gargaarka uu u balan qaaday dadka dhibaataysan. Duterte oo Obama ku yiri “Naarta ka Cab.” USA oo ka walaacsan hadallada madaxweynaha Philippines
Wuxuu sheegay in uu horay sidaas u sameeyay, haddana aysan jirin sabab u diidaysa in uu ku celiyo ficilkaas, dadkii uu la hadlayay ayaana u sacabeeyay. Muuqaalka laga duubay khudbadan waxaa baahisay madaxtooyada.
Khamiistii ayuuse madaxwaynuhu u muuqday in uu iska fogaynayo sheegashadiisii hore. “in qof laga soo tuuro diyarad? Haddii ay taasi runtahay sidaa ma samaynayo.” ayuu u sheegay ABS-CBN news oo uu waraysi siiyay.